Ma suurtagal baa qorshaha Trump ee dib-u-furista xabsiga caanka ee Alcatraz?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa labo jibbaarey soo jeedintiisii ahayd in dib loo furo loona ballaariyo xabsiga Alcatraz ee ku yaalla jasiiradda biyaha qabow ee San Francisco Bay.
Alcatraz oo dadku u yaqaannaan "The Rock" — looma isticmaalin xabsi ahaan muddo tobannaan sano ah, waxaana hadda loo aqoonsanyahay goob matxaf ah oo ay sannad walba booqdaan malaayiin dalxiisayaal ah.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xabsigaas dib loo furi karo si loogu xiro maxaabiista khatarta ah, isla markaana uu u noqdo astaan muujinaysa sharci iyo kala dambayn gudaha Mareykanka.
Laakiin khubarrada ayaa sheegaya in dib u dhiska xabsigaas burburay ay tahay "mid gabi ahaanba aan macquul ahayn."
Waa maxay Alcatraz, yaase iska leh?
Alcatraz, oo ku yaalla jasiirad qiyaastii labo kiiloo mitir meel u jirta xeebta magaalada San Francisco, markii hore waxaa loo dhisay sidii qalcad milatari oo difaac badeed ah, balse waxaa dib loo dhisay horraantii qarnigii 20-aad si loogu isticmaalo xabsi milatari.
Sanadkii 1934, waxaa si rasmi ah loogu beddelay xabsi federaal ah oo lagu magacaabay Alcatraz Federal Penitentiary, waxaana lagu xiray dambiyayaal caan sida Al Capone, Mickey Cohen, iyo George "Machine Gun" Kelly, iyo kuwo kale oo dadka garanayeen.
Xabsigu wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu cabsida badan Mareykanka waqtigaas, waxaana loo arkayay mid aan laga baxsan karin sababtoo ah qulqulka biyaha xooggan iyo qabowga daran ee ku jira biyaha Bay San Francisco.
Xabsigan wuxuu si weyn caan ugu noqday filimkii Mareykanka ee 1979 la sameeyay ee Escape from Alcatraz, oo ku saleysnaa qiso dhab ah oo maxaabiis ka baxsaday xabsiga sanadkii 1962. Filimkan waxaa hoggaamiye ka ahaa jilaa Clint Eastwood oo matalayay hoggaamiyihii baxsadka ahaa, Frank Morris isla markaana ahaa maskaxdii ka dambeysay qorshaha
Waxaa kaloo jasiiraddu caan ku noqotay filimkii kale ee The Rock ee la sameeyay sanadkii 1996, oo uu jilayay Sean Connery iyo Nicolas Cage, kuna saabsanaa kabtan hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee SAS iyo kiimiko-yahan ka tirsanaa FBI oo isku dayay in ay badbaadiyaan dadka la afduubay ee lagu haystay jasiiradda Alcatraz.
Goormuu xirmay xabsiga Alcatraz?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa saddex laab ka qaalisanaa in la maamulo Alcatraz marka loo barbardhigo xabsiyada kale ee federaalka, taasina waxay keentay in si rasmi ah loo xiro sanadkii 1963, waxaana xiritaankiisa ku dhawaaqay Xeer Ilaaliyihii Guud ee Mareykanka, Robert Kennedy.
Jasiiradda iyo xabsiga Alcatraz hadda waa matxaf ay maamusho Waaxda Degaanka iyo Beeraha Qaranka ee Mareykanka (National Park Service).
In ka badan 1.4 milyan oo qof ayaa sanad walba booqda.
Christine Lehnertz, madaxa guud iyo agaasimaha Golden Gate National Parks Conservancy, ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
"Waxay nagu dhiirrigelinaysaa inaan dhageysano, wax baranno, oo aan sii wadno sheekooyinka weli qaabeynaya dunideenna maanta," ayay ku dartay hadalkeeda.
Miyaa hore looga fikiray in la furo?
Donald Trump ma ahan madaxweynihii ugu horreeyay ee ku fikiray in dib loo furo xabsiga Alcatraz.
Sanadkii 1981, Alcatraz wuxuu ka mid ahaa 14 goobood oo ay soo jeedisay dowladdii Reagan si loogu hayo ilaa 20,000 qaxooti ah oo ka soo cararay Cuba una socdaalay Florida.
Goobtan ugu dambeyntii waa la diiday sababtoo ah qiimaheeda sida in ay tahay goob taariikh dheer leh oo dalxiis, sidoo kalana ma jirin adeegyo ku filan oo lagama maarmaan u ahaa nooca howshii loo rabay.
Muxuu Donald Trump ka yiri Alcatraz?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoraal uu ku soo qoray bartiisa Truth Social 4-tii May, Donald Trump wuxuu ku sheegay inuu amar siiyay dowladdiisa si dib loogu furo looguna ballaariyo xabsiga jasiiradda Alcatraz, isagoo yiri:
"Waqti aad u dheer ayaa Mareykanku la daalaa dhacayay dambiyayaal xun-xun, rabshado wata, iyo kuwa dambiyada marar badan gala."
"Waddankani wuxuu u baahan yahay sharci iyo kala dambayn," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
"Markaa waan eegaynaa arrintan. Qaar ka mid ah dadka halkan jooga waxay si adag uga shaqeyn doonaan qorshahan."
In kasta oo uu sheegay inuu "xiiso" u qabo arrintaan, Trump sidoo kale wuu qiray in xabsiga Alcatraz hadda yahay "dhismo weyn oo daxalaystay oo burbursan."
Wuxuu intaas ku daray:
"Alcatraz waxay u taagan tahay wax cabsi leh, qurux badan, xoog badan, rafaadna leh."
Waxaa sidoo kale hadlay Tom Homan, oo ah mas'uulka Trump u qaabilsan arrimaha xuduudaha, isagoo sheegay in xabsiga Alcatraz uu noqon karo "xulasho" loogu talagalay dadka khataraha weyn ku haya ammaanka gudaha iyo amniga qaranka.
"Waa in la tixgeliyaa," ayuu ku daray.
Suurtagal ma tahay in Alcatraz dib loo furo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii hadallada Trump ee ku saabsan Alcatraz ay warbaahinta caalamka ku faafeen, afhayeen u hadlay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka, Chad Gilmartin, ayaa sheegay in Xafiiska Xabsiyada Federaalka uu "ka shaqaynayo dib-u-dhisidda iyo furitaanka Alcatraz si uu ugu adeego astaan sharci iyo kala dambayn."
Laakiin khubaro ku takhasustay xabsiyada iyo taariikhyahanno ayaa muujiyay shaki weyn oo ku saabsan suurtagalnimada qorshahan.
"Si daacad ah, markii hore waxaan u malaynayay inay tahay maad," ayuu yiri Hugh Hurwitz, oo u soo shaqeeyay waaxada xabsiyada intii u dhaxaysay May 2018 ilaa August 2019. "Ma aha mid macquul ah in la dayactiro. Waa in gabi ahaanba la dumiyo oo dib looga bilaabo."
Hurwitz wuxuu tilmaamay dhibaatooyin badan oo xabsiga ka jira, sida dhismayaal si dhab ah u burburay, iyo qolal xiran oo aan xitaa qof lix dhudhuan ah istaagi karin.
Markii Alcatraz la xiray sannadkii 1963, BOP waxaa la sheegay in ay ku kacday in ka badan saddex laab kharashka xabsiyada federaalka kale – celcelis ahaan hal maxbuus wuxuu ku kacayay 10 ilaa 13 doollar maalintii, halka xabsiyada kale ay ku kacayeen 3 ilaa 5 doollar.
Maanta, xabsiyada federaalka ah ee Mareykanka hal maxbuus waxaa ku baxa 120 ilaa 164 doollar maalintii – taasoo la micno ah in kharashka Alcatraz uu gaari karo in ka badan 500 oo doollar qofkiiba.
Khuburada ayaa ku doodaya in waxyaabo badan marka la eego sida qarashadka dhulka u uku yaalla qalabka loo baahanyahay ay adagtahay din dib loo furo ama uu waqti qaadan karo.













