Guantanamo Bay: Maxaan ka og nahay xabsiga uu Trump qorshaynayo in uu u diro muhaajiriinta aan sharciyada haysan?

Xubno ka tirsan kooxda maxkamadda dambiyada dagaalka ee Mareykanka ee Guantanamo Bay ee saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Cuba June 5, 2008.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Guantanamo Bay waxay muddo dheer ba ahayd meel lagu haayo dadka tahriibka ah, laakiin waxay caan ku noqotay in lagu xiro dad looga shakisan yahay inay qeyb ka yihiin AlQaeda kadib weerarkii September 11, 2001

Madaxweynaha Maraykanka Donlad Trump ayaa meelmariyay dhismaha goob lagu xabbiso muhaajiriinta oo ku taalla Xabsiga Guantanamo Bay, halkaasi oo sida uu sheegay qaadi karta dad gaadhaya 30,000 oo qof.

Trump ayaa sheegay in saldhigga ciidamamda badda ee Marayaknaku ku leeyahay dalka Cuba uu yahay meel ka duwan xabsiga millateri ee la geeyo 'dambiilyaasha halista ku ah amniga dadka Maraykanka.'

"Waxa aan rabnaa in aan u dirno Guantanamo," ayaa uu yidhi Trump, maalintii Arbacada.

Xabsiga Guantanamo Bay ayaa muddo dheer loo adeegsan jiray in uu lagu hayo muhaajiriinta, waana tallaabo mar kasata ahayd mid ay weyn u dhalleeceeyaan hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Muxuu qabtaa saldhigga ciidanka Badda Maraykanka ee Guantanamo Bay?

Fadhiisamaha ciidanka badda ee Maraykanku waa goob caan ku ah in lagu xidho dadka looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarkii 11-ka September ee sannadkii 200-dii lagu qaaday Maraykanka.

Xilliyadii uu talada Maraykanka hayay George W. Bush, waxa goobtani ay ahayd saldhig millateri iyo meel lagu xidho dagaalyahnnada ajaanibka ah. Maamulkii madaxweyne Bush ayaa xilligaasi iclaamiyay waxa loogu yeedhay "dagaalka ka dhanka ah argagixisada."

Waa xarun la dhisay sannadkii 2002-dii, halkaas oo ilaa hadda ay ku xidhan yihiin 11 maxbuus oo uu ku jiro nin ku eedaysan maskaxdii ka dambaysay weerarkii 9/11 oo la yidhaahdo Khaalid Sheekh Maxamed.

Madaxweynayaal hore oo Maraykan ah gaar ahaan kuwa dimuqraadiga oo uu ka mid ahaa Brack Obama ayaa hindisay in ay xidhaan goobtan laakiin waa ay ku guuldarraysteen.

Waa xarun leh adeegyo kooban oo gaar ah oo tobannaan sano loo adeegsanayay in lagu hayo dadka soo galootiga ah. Nidaamkan oo lagu magacaabo Hawlgalka Muhaajiriinta Guantanamo (GMOC) ayaa ah mid ay adeegsadeen maamullo Maraykan oo dhowr ah oo isugu jira Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.

Sida caadiga ah waxa saldhiggan lagu xidhaa dadka isku daya in Maraykanka ay ku galaan doonyo sharci darro ah oo inta badan ka yimaadda wadammada Haiti iyo Cuba.

"Waxa aan hadda qorshaynaynaa in aan ballaadhinno xaruntan oo hore u sii jirtay," waxa sidaasi warbaahinta u sheegay Tom Homan oo madaxweynaha dhawaan la doortay ee Maryakanka ugu qaabilsan arrimaha xuduudaha. Waxaana uu intaasi raaciyay in la hoos gayn doono Waaxda Socdaalka iyo cashuuraha.

Trump muxuu rabaa in uu sameeyo?

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo xiran suudh buluug ah iyo taay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, "Waxaan u diri doonnaa Guantanamo," ayuu yiri Trump Arbacadii

Qorshaha madaxweyne Trump ayaa yimid kaddib markii la saxeexay hindisaha la sharciyeeyay ee Laken Riley Act, kaasi oo jidaynaya in muhaajiriinta u xidhan tuugnimada iyo fal-dambiyeedyada lagu hayn karo xabsiyada inta go'aan laga gaadhayo.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii sannadkii la soo dhaafay nin soogalooti ah oo u dhashay dalka Venezuelan uu dilay ardayad baranaysay cilmiga kalkaalisanimada oo lagu magacaabi jiray Georgia. Golaha Congress-ka ayaa todobaadkii hore meelmeeriyay qaraarkan, taasi oo ka dhigan in tallaabadan ay dhaqagashay.

Trump waxa uu sheegay in muhaarijiinta si toos ah loo qaado isla marka ay qabtaan ciidammada ilaalada xeebaha ee Maraykanka, loona samayn doono heerka ugu sarreeya ee xarumaha dadka lagu hayo.

Sida uu Trump sheegay waxa la labanlaabi doonaa hawlagallada lagu qabanayo soogalootiga aan diwaangashanayn.

Yaa lagau xidhi doonaa Guantanamo?

Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka, xarumaha dadka lagu hayo ee Guantanamo waa "mid ka sii xun xumaanta."

Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem iyo Homan ayaa labaduba adeegsaday eraygaasi mar ay warfidiyeenka kula hadlayeen bannaanka Aqalka Cad.

Bayaan kooban oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in ballaadhinta adeegyada goobahani ay Maraykanka u horseedi karaan helitaanka meel munaasib ah oo lagu hayo 'dambiilayaasha mudnaan sare leh ee sida sharci darrada ah ugu sugan gudaha Maraykanka, sidoo kalana ay wax ka qaban karto baahiyaha socdaalka.."

Maxay yihiin falcelinnada ka dhsahay qorshaha Trump?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Deepa Alagesan, oo ah qareen sare iyo kormeere ka tirsan Mashruuca Caawinta Qaxootiga Caalamiga ah (IRAP), ayaa ku tilmaantay qorshaha Trump ee lagu kordhinayo tirada muhaajiriinta lagu hayo Guantanamo " tallaabo argagax leh."

Sida ay ku sheegtay waraysi ay siisay Wakaaladda Wararka AP, Deepa ayaa aamminsan in xaruntani loogu talo galay in lagu hayo dad aad u tiro yar.

Vince Warren, oo ah madaxa fulinta Xarunta Xuquuqaha Dastuuriga ah ee fadhigeedu yahay New York, oo ah koox u doodda sharciga islamrkaana wakiil ka ah tiro rag ah oo lagu xidhay saldhigga tan iyo 9/11, ayaa yidhi go'aanka "waa mid aan ka argagaxnay dhammaanteen."

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in tallabadani ay dirayso fariin cad: soogalootiga iyo magangalyo doonka ayay ku tahay khatar argagixiso oo hor leh, kuwaas oo u halis u ah in lagu tuuro xabsiga ku yaalla jasiiradda Cuba.

Warbixin ay soo saartay 2024, IRAP waxa ay ku eedaysay in dawladdu ay si qarsoodi ah halkaas ugu hayso muhaajiriin ku nool xaalad "bini'aadantinimada ka baxsan" kaddib markii laga soo qabtay dhinaca badda.

Dhawaan ayay ahayd markii markii Ururka Madaniga ah ee xorriyadda iyo macluumaadka ee Maraykanku ay dalbadeen in la shaaciyo xogaha la xidhiidha xaruntan.

Maamulka Biden ayaa ku jawaabay "ma aha meel dadka lagu hayo, mana jiraan muhaajiriin halkaas lagu hayo." Hase ahaatee, Maamulka Trump ayaa ku doodaya in ballaadhinta lagu sameeyay xaruntani ay ka dhigi karto mid munaasib ku ah in dadka lagu hayo.

Qariirada Guantanamo Bay ee BBC
Qoraalka sawirka, Qariirada Guantanamo Bay ee BBC

Qiimaha ay ku kacayso iyo goorta la furayo

Ma cadda inta ay ku kacayso xarunta iyo goorta la dhammaystiri doono.

Maamulka Trump ayaa lagu soo waramayaa in uu Congress-ka weydiisan doono in maalgelin lagu sameeyo ballaadhinta xabsiga hadda jira taas oo qayb ka ah sharuucda kharashaadka ee Maraykanka.

Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem oo ka jawaabayay su'aal ay warbaahintu ku weyddiiyeen Aqalka Cad, waxa uu sheegay in kaliya lacagta lagu qoondayn doono "nidaam dib-u-qaabayn ah."

Waa side falcelinta Cuba?

Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel oo xiran suud madow iyo taay guduudan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel ayaa sheegay in qorshahan yahay "fal naxariis darro ah"

Maraykanku waxa uu Guantanamo Bay ka kiraystay dalka Cuba, muddo hadda laga joogo qarni iyo ka badan. Waa arrin soo taxnayd laga soo bilaabo dagaalkii Isbaanishka iyo Maraykanka ee 1898-kii.

Kaddib markii uu Maraykanku ka adkaaday Spain, Cuba waxay heshay madaxbannaanideeda, waxaan xilligaasi uu Maraykanku shuruudo dul dhigya Cuba kuwaasi oo ay ku jiraan xaqa uu u leeyahay in uu soo farageliyo arrimaha gudaha Cuba iyo xaqa uu u leeyahay in uu laga kireeyo dhulka saldhig badeed.

Sanadkii 1903-dii, Mareykanka iyo Cuba waxay saxiixeen heshiis kiro ah oo Maraykanka u oggolaanaya in uu maamulo Guantanamo Bay.

Maraykanka ayaa heshiiskani waxa uu u horseeday in la siiyo saldhig isaga oo taasi beddelkeeda bixinayay kiro sannadle ah oo lagu xilligaasi lagu qiimeeyay qaddar dahab ah oo u dhiganta $2,000 iyo dheeraad. Qiimahan ayaa markii dambe lagu beddelay sannadkii1934-kii iyadoo lagu qiimeeyay lacag u dhiganta $4,085 oo Doollar.

Cuba waxa ay ka soo horjeeddaa heshiiska kirada iyada oo diiddan bixinta kirada Maraykanka ee magic-u-yaalka ah.

Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel ayaa go'aanka madaxweyne Trump ku tilmaamay "fal arxan darro ah". Sida uu ku qoray barta X waxa uu sheegay in saldhiggu "uu ku yaallo dhul si sharci darro ah lagu haysto."

Wasiirka arrimaha dibadda Cuba Bruno Rodríguez ayaa ku yidhi "Go'aanka dawladda Mareykanka ee ah in ay muhaajiriinta ku xidho Saldhigga Ciidanka Badda ee Guantanamo, oo ah goob ay ka samaysay jirdil iyo xabsi aan xad lahayn, waxay muujineysaa quudhsiga xaaladda bini'aadamka iyo ku-xad-gudub sharuucda caalamiga ah."