Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay bannaanka hoteel uu leeyahay Donald Trump

Darawalkii gaariga waday ayaa ku dhintay 7 qofna waa ay ku dhaawacmeen,

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Darawalkii gaariga waday ayaa ku dhintay 7 qofna waa ay ku dhaawacmeen,

Booliiska ayaa baaraya ka dib markii gaari nooca loo yaqaan 'Tesla Cybertruck' oo ay ka buuxaan caagado shidaal iyo waxyaabaha qaraxa sameeya ee loo yaqaano rash-ta oo ku qarxay banaanka hotelka Tump ee ku yaalla Las Vegas, Nevada.

Darawalkii gaariga waday ayaa ku dhintay, todobo qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen iyadoo aan la magacaabin cid ka mid ah dadka ku lugta leh falkan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dhaawacyadu ay yihiin kuwa fudud.

Gaariga xamuulka ah ayaa laga soo kireeyay Colorado wuxuuna soo gaaray magaalada subaxnimadii Arbacada, wax ka yar laba saacadood ka hor inta uusan qarxin, sida ay booliisku sheegeen. Gaariga oo la soo dhigay afaafka hore ee Hotelka, una dhow albaabka laga galo ayaa bilaabay inuu qiiqo, kadibna uu qarxo.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Aqalka Cad uu daba gal ku hayo dhacdadan, laamaha ammaankuna ay baarayaan "haddii uu jiro xiriir ka dhaxeeya weerarkaan iyo kii New Orleans", kaas oo ay ku dhinteen 15 qof maalintii koowaad ee sanadka cusub.

Muuqaal laga soo duubay gaariga qarxay ayaa muujinaya baabuur soo gaaray albaabka hore ee hoteelka, kadibna halkaa yaallay dhowr ilbiriqsi ka hor inta uusan qarxin – waxaana la arkayay iftiin faro badan oo goobta ka baxaya.

Muuqaal kale ayaa muujinaya baarayaal adeegsanaya agabka ka hortagga dabka si aanu dabku ugu faafin qaybaha gaariga iyo aagga ku hareeraysan.

Haamaha gaaska ayaa lagu arkay agagaarka uu ka dhacay qaraxu.

Qaraxaan ayaa dhacay saacado yar ka dib markii nin gaarigiisa laga dhex helay calanka Daacish uu gaari jiirsiiyay dadweyne ku sugnaa magaalada New Orleans.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerarkaas, waxaana ku dhaawacmay dad badan.

Hay'adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa iyo hadda aysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in dhacdadan ay ka dambeysay kooxda Daacish.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hay'adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa iyo hadda aysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in dhacdadan ay ka dambeysay kooxda Daacish.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

McMahill oo ka tirsan Waaxda Booliska Las Vegas ayaa sheegay in dowladda ay baarayayso haddii dhacdadaasi xiriir la leedahay midda ka dhacday New Orleans, halkaas oo aalado qarxa oo gacan ku sameys ah laga helay agagaarka goobta.

Wuxuu sidoo kale sheegay in la baarayo haddii ay xiriir la leedahay Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, oo ah milkiilaha hoteelka iyo Elon Musk, oo isna ah milkiilaha Tesla.

"Si cad, Cybertruck, Hoteelka Trump, waxaa jira su'aalo badan oo aan u baahanahay inaan ka jawaabno sidii aan horey ugu socono," ayuu yiri McMahill.

FBI-da ayaa sidoo kale sheegtay in ay baarayaan haddii dhacdadu ay tahay fal argagixiso, laakiin hay'aduhu waxay sheegeen inaysan weli xaqiijin isla markaana aqoonsan darawalkii gaariga waday kaasoo ku dhintay qaraxa.

Hay'adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa iyo hadda aysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in dhacdadan ay ka dambeysay kooxda Daacish.

"Waxaan ognahay in qof walba uu xiiseynayo ereygaas, oo isku dayayo inuu arko haddii aan ku sheegi karno, 'weerar argagixiso, waana waxa aan isku dayeyno inaan sameyno," ayuu yiri sarkaal FBI-da ka tirsan oo lagu magacaabo Jeremy Schwartz, oo ka hadlayay shir jaraa'id.

Sarkaalku wuxuu xusay in labada baabuur ee dhacdooyinka ku lugta leh ay u muuqdeen kuwo laga kiraystay Turo, oo ah shirkad ka shaqeysa kireynta gawaarida..

Afhayeen u hadlay shirkadda Turo ayaa sheegay in shirkaddu ay la shaqeyneyso hay'adaha ammaanka Las Vegas iyo New Orleans si ay uga caawiyaan baaritaanka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in labada qof ee baabuurka kiraystay aysan u muuqan kuwo leh taariikh dambiyo ah oo muujinaysa inay yihiin "khatar amni."

"Waxaan ka murugoonaynaa rabshadaha ka dhacay New Orleans iyo Las Vegas, waxaana u ducaynaynaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda," ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeennku.

Hay'adaha ayaa sheegay inay hayaan magaca qofka kiraystay gaariga laakiin aan weli si rasmi ah loo xaqiijin in uu ahaa qofka waday baabuurka iyo in kale.

Sarkaalka lagu magacaabo McMahill ayaa sheegay inaysan jirin wax khatar amni ah oo hadda ku wajahan bulshada Las Vegas.