Toban qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka oo la sheegay in nin gaari uu jiir siiyay dad waddo ku sugnaa kadibna uu rasaaseeyay
FBI-da Maraykanka oo ka hadlay weerarka ay dadka ku dhinteen
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, FBI-da Maraykanka oo ka hadlay dhacdada
Althea Duncan oo ah wakiil gaar ah ayaa la wareegtay kiiska iyadoo wakiil ka ah FBI-da.
waxa ay ka hadashay dhacdada weerarka ay ku dhinteen 10-ka qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro dadka waxa ayna tiri: "Tani maaha dhacdo argagixiso" balse hadalka wakiilka ayaa ka hor imanayya maayarka oo hore u sheegay in ay tahay dhacdo argagaxiso.
Waxaa goobta lagu arkay "qalab qarxa oo la soo farsameeyey, waxayna ku hawlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen inay yihiin aaladaha "macnaha ah".
Waxay ku nuuxnuuxsatay in dadweynuhu ay ka fogaadaan aagga, "ilaa laga ogaanayyo waxa socda".
Duqa magaalada weerarka uu ka dhacay oo la xiriirtay Aqalka Cad
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, goobta weerarka uu ka dhacay
Duqa magaalada New Orleans LaToya Cantrell ayaa sheegtay in xogta dhabta ah ee dhacdadan ay baaritaan ku socoto, iyadoo intaa ku dartay inay la xiriirtay Aqalka Cad iyo barasaabka gobolka Louisiana.
Waxa ay weydiisatay "inay u soo duceeyaan dadkii ku dhintay dhacdada", dhanka kale dadweynaha ayay ugu baaqday inay ka fogaadaan agagaarka goobta weerarka uu ka dhacay ee Bourbon Street.
DEGDEG: Weerar Maraykanka ka dhacay oo ay dad badan ku dhinteen tiro kalena ku dhaawacmeen
Qoraalka sawirka, Toban qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka
Warar soo baxay ayaa sheegaya in shil dad badan lagu dilay uu ka dhacay magaalada New Orleans ee koonfurta Maraykanka.
CBS News ayaa BBC-da la wadaagtay in gaari uu ku jiiray dad ku sugnaa waddada Bourbon Street ee magaalada New Orleans.
Maamulka magaalada ayaa sheegay in dhimashada hor dhacca ay ay gaartay 10-qof.
Saraakiisha Nola Ready, oo ah waaxda u diyaargarowga xaaladaha degdega ah ee magaalada, ayaa ku waramaya in 30 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalada, waxaana goobta soo gaaray ciidanka amniga sida ay maamulka magaalada sheegeen.
Goobjoogayaal ayaa wariye ka tirsan CBS News u sheegay inay arkeen gaari si xowli ah ku socda oo dadka jiiraya sidoo kale darawalka oo soo dagay uu rasaas ku furayo dadka.
Waaxda magaalada New Orleans, oo masuul ka ah diyaargarowga xaaladaha degdega ah ayaa dadka u dirtay digniino la xiriira inay ka fogaadaan aagga kanaalka iyo waddooyinka Bourbon, si khasaaraha u yaraado.
Muuqaalo laga soo duubay goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya dhaawacyo badan oo jidka daadsan, Dhanka kale waxaa la maqlayaa rasaas ka dhacaysa goobta, waxaana muuqatay dad badan oo yaacaya kuwaas oo jaha-wareersan.
Dal Afrikaan ah oo joojiyay ciqaabta dilka, iyo Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka ugu badan dunida ee fuliya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ansixiyay sharci soo afjaraya ciqaabta dilka ee dalkaas koofurta Afrika ku yaalla, sharcigan oo degdeg u dhaqan galaya.
Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa ammaantay go'aanka kuna tilmaantay "inuu rajo u yahay dhaqdhaqaaqa lagu cirribtirayo ee gobolka ka jira".
Tallaabada Mnangagwa ayaa imaaneysa kadib markii baarlamaanka Zimbabwe uu u codeeyay horraantii December in meesha laga saaro ciqaabta dilka.
Zimbabwe ayaa xukunkii ugu dambeeyay ee daldalaad ah fulisay sanadkii 2005, balse maxkamadaheeda ayaa sii waday inay soo saaraan xukunno dil oo lagu fuliyo dadka gala dembiyada waaweyn sida dilka.
Guud ahaan dunida, 113 dal, oo ay ku jiraan 24 Afrika ku yaalla, ayaa si buuxda meesha uga saaray ciqaabta dilka, sida ay sheegtay Amnesty.
Shanta dal ee tirada ugu badan ee xukun dil fuliyay sanadkii 2023 waxay kala ahaayeen Shiinaha, Iiraan, Sacuudi Carabiya, Soomaaliya iyo Mareykanka, sida ay sheegtay hay'adda.
Maamulka cusub ee Suuriya oo dagaal-yahannada Islaamiyiinta ee ajnabiga u magacaabay xilal sare
Xigashada Sawirka, Sana
Maamulka cusub ee Suuriya ayaa la sheegay in qaar ka mid ah dagaal-yahannada Islaamiyiinta ee ajnabiga ah ay ciidanka dalkaas uga magacaabeen xilal sare.
Ciidanka ayaa waxaa dib u qaabeyn ku sameynaya Hayat Tahrir al-Sham (HTS), kooxda Islaamiyiinta ee haatan si rasmi ah ula wareegay dalka kadib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad horraantii bishii hore.
Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo kasoo baxday hoggaanka cusub oo tallaabadan ku aaddan, balse waxay u muuqataa mid walaac ka dhalin karta gudaha iyo dibadda Suuriya, walaacaas oo ku aaddan doorka ay dagaal-yahanno ajnabi ah ka qaadan karaan mustaqbalka dalkaas.
Waxay kusoo aadeysaa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee dalkaas, Ahmed al-Sharaa, uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay wakiillada Kurdiyiinta iyo Kirishtaanka dalkaas ku nool – waana labada bulsho ee walaaca ugu weyn ka qaba ajandaha maamulka cusub.
Israa’iil ayaa beenisay warbixin ka soo baxday Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo sheegaysa in weerarrada Israa’iil ee isbitaallada iyo agagaarkooda ay nidaamka caafimaadka ee Gaza ku riixeen "inuu ku dhawaado burbur isla markaana ay keentay walaac weyn oo ku saabsan dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.
Bayaan ay soo saartay Israa’iil ayaa lagu sheegay in warbixintu ay siyaasadaysan tahay, iyadoo lagu eedeeyay Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay inuu xiiso u qabo dhaleeceynta Israa’iil.
Warbixinta QM waxay baartay muddadii u dhaxaysay bilowgii colaadda iyo bishii June ee
sannadkan, iyadoo si qoto dheer u sharraxday qaabka ay Israa’iil u weerartay,
go’doomisay qasabna dadka uga saartay isbitaallada, taasoo horseedday
dilka ama dhimashada bukaannada.
Daraasadda
ayaa sheegtay in eedeymaha Israa'iil ee ah in isbitaallada ay si khaldan u
adeegsadaan kooxda Xamaas ay yihiin eedeymo aan wax caddayn ah loo heyn.
Hore,
madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay,
Volker Turk, ayaa wuxuu sheegay in isbitaallada Qasa ay noqdeen "dabin
geeri ama dhimasho".
Wasaaradda
caafimaadka Qasana, waxay hore uga digtay in carruurta dhalaanka ah ay u
dhimanayaan xaalad la yiraahdo Hypo-thermiaoo ah qabow daran, gaar
ahaan kuwa ku dhasha xeryaha qaxootiga oo ay ku noolyihiin boqolaal kun oo
barakacayaal falastiiniyiin ah.