Colaadda Laascaanood: Jiidhe iyo mas'uuliyiintii kale ee ka goostay Somaliland

Jiidhe

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, guddoomiyihii hore ee gobolka Gebiley, Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madxabannaanida ee Somaliland, ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu isaga baxay maamulka Somaliland.

Muuqaal uu kusoo wadaagay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu haatan ku sugan yahay deegaanka Kalabeydh oo koofur ka xiga magaalada Laascaanood.

"Safarkan waa mid aan idinku caddeynayo inaan ka baxay maamulkii Somaliland ee aan ka tirsanaa ee aan la shaqeynayay. Waan ogaadadkeygu weligood ma taageersaneyn Somaliland," ayuu yiri.

Wuxuu Somaliland ku eedeeyay inuu duqeyn ku hayo dadkiisa, oo uu kala jeedo dadka kasoo jeeda magaalada Laascaanood.

Jiidhe ma aha siyaasiga keliya ee ka soo jeeda gobolka Sool ee tan iyo intii uu billowday dagaalka Laascaanood shaaciyay inuu ka goostay Somaliland.

Xilalkii uu Jiidhe kasoo qabtay Somaliland

Jiidhe

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Bishii January sanadkii 2019, ayuu madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, u magacaabay Cabdiqani Maxanuud Jiidhe guddoomiyaha gobolka Sool.

Haddana dabayaaqadii sanadkii 2021, ayuu Madaxweyne Biixi xilalka guddoomiyenimada u kala beddelay isaga iyo guddoomiyihii Gebiley.

Barasaabka gobolka Gabiley ayaa markaas loo magacaabay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, iyadoo Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye loo magacaabay barasaabka Sool.

Bishii May ee sanadkan, ayuu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday Cabdiqani Jiidhe.

Mas'uuliyiintii kale ee ka goostay Somaliland

Somaliland

Xigashada Sawirka, SOMALILAND DEFENCE FORCES

Qoraalka sawirka, Sareeye Guuto Saleebaan Barre Geesood
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, oo ahaa abaanduule ku xigeenka ciidamada Somaliland ayaa bishii la soo dhaafay sheegay inuu kasoo baxay gabi ahaan ciidamada Somaliland, oo uu haatan kusugan yahay magaalada Laascaanood.

Geesood, oo BBC-da la hadlay ayaa intaa raaciyey inuu go’aan sadey tallaabadaasi, oo uu doonayo inuu la qeybsado dhibaatooyinka ay ku jiraan dadkiisa.

“Laascaanood illaa iyo 6-dii bishii February, ee sanadkaan 2023-ka. Waxaa ka socday Laascaanood dagaal, kaasoo u dhaxeeyey dadka reer Sool iyo ciidamada Somaliland, dagaal kaasoo sababay khasaare aad u fara badan, oo naf iyo maalba leh,” ayuu yiri mar la weeydiiyey taliyaha sare.

Wuxuu carrabka ku dhuftay in dagaalka ka dhacay gobolka Sool uu sababay dhibaatooyin fara badan, sida dhimashada dad fara badan, iyo sidoo kale dhaawac aad u badan, iyadoo sida uu sheegay taliyaha 90% dadka magaaladani ay ka qaxeen.

Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, ayaa tilmaamay in muddo ku dhaw lix bilood uu ka war sugayey bal si uun in loo xaliyo dagaalka Laascaanood, taasoo uu sheegay inaanay wax kasoo naasa cadaanin.

Somaliland

Xigashada Sawirka, XISIGA WADDANI

Qoraalka sawirka, Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Bishii la soo dhaafay, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa dacwad ka dhan Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa tan iyo markii uu qarxay dagaalka Laascaanood ku sugnaa magaalada Laascaanood, iyada oo arrintani ay imaanayso xilli ay soo baxayeen warar kala duwan oo ku gedaaman xaaladda siyaasigaas.

Dacwadda ayaa ka koobneyd afar eedeymood oo kala ah:

1.In uu ka yor yimid jiritaanka Somaliland iyo minidamada kadib markii uu taageeray go’aannadii ay soo sareen guddiga 33-ka ka kooban ee ku shiray Laascaanood iyagoo sheegay in Sool Sanaag iyo Cayn aysan kamid ahayn Somaliland isla maraakana ay hoos tagayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay in uu jebiyay qodobka 1aad iyo 2aad ee dastuurka Somaliland.

2.Qodobka labaad ayaa lagu sheegay in uu ka been sheegay dhaartii daacadnimo ee ugu dhaartay Somaliland.

3.Qodobka Saddexaad ayaa lagu sheegay in uu jebiyay dastuurka Somaliland kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la,aan iyo in golaha uu ka maqnaa 20 fadhi idan la,aan.

4.Qodobka afaraad ayaa lagu sheegay in uu cambaareeyay ciidamada Soomaliland isagoo lagu eedeeyay in uu yiri waxa ay geysteen xasuuq ka dhan ah bini adannimada.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda dastuuriga ah ka dalbatay in uu meesha ka saaro xubinnidamada golaha wakiillada ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed maaddaama ay sheegeen in uu dastuur jebin ku kacay.