Laascaanood waddadee ku socotaa 5 bilood oo dagaal ah ka dib?

Laascaanood

Xigashada Sawirka, Twitter

Qoraalka sawirka, Laascaanood

Muddo iminka laga joogo ku dhawaad shan bilood waxaa uu dagaal ka qarxay magaalada Laascaanood. Dagaalka wuxuu u dhaxeeyey miliishiyo hubaysan oo deegaanka ka soo jeedda iyo milateriga Somaliland.

Markii uu billaabanayey dagaalka wuxuu u muuqday inuu muddo gaaban ku soo idlaan doona, laakinse ilaa hadda weli waa uu socdaa wuuna si xoogeystay. Waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyeed, barakac iyo saamayn ballaaran oo uu yeeshay oo aan qormadan ku eegi doonno.

Xaqiiqooyinka wixii dhacay

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hub culus, mana jirin ciidan ku dhex dagaallamay magaalada, waxaana xaafado badan burburiyey madaafiic iyo hoobiyeyaal ku soo dhacaysay.

Odayaal dhaqameed (Garaado) deegaanka ka soo jeeda, markii uu dagaalka qarxayna isku habar wacday, ayaa durba bilaabay inay ku soo uruuraan magaalada si ay u jiheeyaan dhallinyaro hubaysan oo ciidanka Somaliland dagaal la galay.

Dhallinyaradaas iyo Garaadada waxay ka caroodeen dilal ay sheegeen in lagu hayo ‘hal doorkii gobolka’. Hadalkaas ayaa yimid ka dib markii habeennimadii 26ka Disembar magaalada gudaheeda lagu dilay Cabdifataax Cabdullaahi Hadraawi oo u dambeeyey dilal is daba joog ah oo loo gaystay dad bulshada magac ku dhex leh oo ay dileen ‘dabley aan la aqoon’. Cabdifataax wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Guddiga odayaasha dhaqanka oo 33 ka kooban waay ku eedeeyeen Somaliland inay ka dambaysay dilka Hadraawi iyo dad kale oo magaalada ay ku dhex dileen dabley aan la aqoonsan.

Somaliland in muddo ah way ka aamusanayd laakinse waxay markii dambe dhowr goor oo madaxdoodu hadleen ay farta ku fiiqeen in argagaxiso iyo maamulka Puntland ay ku lug leeyihiin.

Qaar ka mid ah Garaadada gobolka
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah Garaadada gobolka

Saamaynta Dagaalku yeeshay

Burbur Hantiyeed
Qoraalka sawirka, Burbur Hantiyeed

Xadgudubyada xuquuqul aadanaha iyo barakaca: Beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka waxay labada ka dardaar-weriyeen xaaladda dadka rayidka ah ee dagaalku saameeyey.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inkastoo xaqiiqada tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalkaas aan la hayn, misna dad aad isha ugu hayey xiisadda Laascaanood waxay ku qiyaasayaan tirada ilaa hadda dagaalka ku dhimatay inay ugu yaraan gaarayso 370 qof.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay sheegtay in dadkaas ay ku jiraan ‘waayeel, carruur, dad xanuunsan iyo shaqaale caafimaad’.

Dadkii magaalada ku noolaa ayaa badankood u barakacay magaalooyinka kale ee gobolka Sool iyo tuulooyinka u dhowdhow Laascaanood. Xaalado adag ayaa meelaha qaar laga soo sheegay inay haystaan dadka barakacay.

Dagaalka oo siyaasad lugta la galay: Maalin kasta oo ku sii kororta maalmaha uu dagaalku socday labada dhinac way sii kala fogaanayeen.

Calanka Soomaaliya ee buluugga ah, xiddigta cadna dhexda ku leh ayaa laga taagay magaaladii uu calanka Somaliland ka babanayey.

Puntland waxay si is dabajoog ah u beenisay inay dagaalka ku lug leedahay, laakin Siciid Cabdullaahi Deni oo todobadkii hore ka jawaabayey eedayntii uu soo jeediyey madaxweynaha Somaliland ayaa eedeyn kale u jeediyey Somaliland iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Hadalladii uu Muuse Biixi ka shegay baarlamaanaka wa wax cad oo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay isla ogaayeen" ayuu yiri Deni. "Dadka reer Puntland oo Gaalkayo dadkeeda ah waa difaaca Sool, magaalada Laascaanood. Qarsan mayno” ayuu sii raaciyey Deni.

Soomaaliya – Somaliland: Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid qabiil.

Wuxuu kaloo saamayn ku yeeshay wixii wadahadal ah ee laga yaabo inay dhex maraan Soomaaliya iyo Somaliland, waayo maamulka Somaliland wuxuu u arkaa in Puntland iyo dawladda federaalka oo dhinac ah ay dagaalka hurinayaan.

Puntland waxay u aragtaa in qaab hoose oo qabiil ku salaysan ee aan siyaasadaysnayn ay dawladda federaalka iyo Somaliland u hurinayaan dagaalka.

Ismaandhaafyadaas waxaa cad inay saamayn ku yeelan doonaan, ugu yaraan wakhtiga dhow, dadaalka aadka u jilicsan ee, haddiiba la samayn lahaa lagu sii wadi kari lahaa wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland.

Muuse Biixi iyo Siciid Deni eedeyn ayey is weydaarsadeen
Qoraalka sawirka, Muuse Biixi iyo Siciid Deni eedeyn ayey is weydaarsadeen

Maxaa Xiga?

Inta hadda la ogyahay waa in dagaalku socdo, khasaaruhuna sii badanayo, isla markaana aysan jirin dhexdhexaadin rasmi ah oo labada dhinac la dhex dhigay. Xataa ma jirto cid xabbad joojin kala dhex dhigtay.

Waddooyin dhowr ah ayuu dagaalku ku soo afjarmi karaa. “Mid waa in dalalka jaarka ah, gaar ahaan Itoobiya oo labada dhinacba xuduud la leh ay soo farageliso. Waa dal cilaaqaad wanaagsan uu kala dhaxeeyo labada dhinac, kuna haboon inay labada dhinac kala dhex gasho” ayuu yiri Faysal Axmed Warsame oo ka mid ah dadka indha indheeya arrimaha gobolka.

Qodob kale oo isna uu arko inuu door weyn ka qaadan karo sidii xiisadda loo soo afjari lahaa ayuu Faysal aaminsan yahay inuu yahay in “Qaramada midoobay, beesha caalamka iyo dalalka waaweyn sida Maraykanka ay labada dhinac ku khasbaan joojinta dagaalka, ciddii u hogaansami weydana ay talaabo adag ka qaadaan sida in cuna qabatayn lagu soo rogo”.

Hase yeeshee madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xuska gooni isu taagga Somaliland wuxuu sheegay in ay iyagu hayaan xalka nabadda gobolka Sool, oo aysan cidna uga haybaysan doonin in ay u tilmaanto waxa uu xalku yahay.

Dadka wax indha indheeya waxay aaminsan yihiin in culays badan lagala kulmi karo sidii xal loo gaari lahaa.

Culayska hadda jira ayaa ka soo muuqanaya odayaal dhaqameed Muqdisho ka amba-baxay oo iskood isku xil qaamay si ay waanwaan u dhex dhigaan labada dhinac, laakinse aan wax natiijo ah weli ka gaarin. Sidaasoo ay tahayna, waxay ka gaabsanayaan inay tilmaamaan culayska haysta.

Waxaa isna sii kordhaya welwel laga qabo sida loo dhayi doono nabarrada fog ee ka dhashay dagaalkaas hadda 5 bilood jirsaday.