Muuse Biixi: Somaliland ayaa ku filan Laascaanood

Qoraalka Muuqaalka, Muuse Biixi oo ka hadlay xaaladda Laascaanood

Xaaladda Magaalada laascaanood ayaa maalintii labaad deggan ka dib rabshadihii ka qarxay Talaadadii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo maanta hadal ka jeediyey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay ku filan tahay xallinta shaqaaqadii ka dhacday Laascaanood, wuxuuna intaa ku daray in marka ay magaaladu degto ay ciidanku ka baxayaan.

Wuxuu sidoo kale eedeyn u soo jeediyey maamul-goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay dagaal iclaamiyeen. Wuxuu kaloo intaas ku daray in dawladda federaalka ee Soomaaliya ay ku lug leedahay.

Lifaaqa kore ka daawo khudbadda Muuse Biixi: