Toban khuraafaad oo la xiriira cayilka iyo miisaan dhimista

cayilka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Talooyin ceynkee ah ayaad raacdaa si aad miisaanka u dhinto? Ma gaajootaa oo cuntada ma iska ilaalisaa?

In badan oo naga mid ah habab kala duwan ayey isticmaalaan si ay cayilka isaga ridaan maalmahan. Waxaa jira waxyaabo badan oo khalad laga fahmay. Aynu eegno waxyaabahaas:

In khudaar badan la cuno si aad miisaanka u dhinto

Dad badan ayaa aaminsan in cunista khudaarta iyo miraha kale ay kaa caawineyso miisaan dhimista. Cuntada kalorigoodu yar yahay ayaa loo arkaa inaysan waxba la socon balse dhabti cunto kasta waxaa ku jira xoogaa kalori ah.

Hadii ujeedkaadu yahay inaad miisaan dhinto, waa inaad hubisaa inta kalori ee aad qudaarta ka heleyso.

cayilka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cayilka inaad degdeg u dhinto waxaad u baahan tahay ‘cunto nafaqo leh’ iyo ‘waxyaabo kale’

Dadka qaar ayaa ku tiirsan si miisaanka u dhimaan cabitaanno ay ka mid yihiin qaxwada, shaaha cagaaran iyo waxyaabo kale. Balse waa in la fahmaa in cunto gaar ah aysan miisaan kaa rideyn.

Cuntooyinka qaar kuma siinayaan nafaqo. Waa macquul in cuntooyin gaar ah ay miisaankaaga dhimaan balse caafimaad ma ahan. Marka ujeedka waa inaad isku dheellitirtaa.

Waa khalad in cuntada oo la xakameeyo ay si fiican u shaqeyneyso. Ha aaminin cuntada sidaa lagu sheegay.

Cuntooyinka kalorigoodu yar yahay ayaa wanaagsan

Cuntooyinka kalorigoodu yaryahay waxay marka hore keenaan in miisaankaadu yaraado balse cilimi-baarisyo badan ayaa muujinaya inaysan faa’ido ku jirin mustaqbalka fog.

Looma baahna in aad meesha ka saarto karbohaydareytka balse waa inaad ilaa xad yareysaa kuna badashaa kuwa leh borotiin. Tijaabadan sameee hadii ay jirkaaga ku haboon tahayna siiwad.

Cuntada borotiinkeedu badan yahay ayaa wanaagsan

Fahamkan khaldan waxaa lala xiriiriyaa tan dhaheysaa waxaa wanaagsan cuntada karbohaydareytkeedu hooseeyo.

Dadka qaata cuntooyinka karbohaydareytkoodu yar yahay waxay ku badashaan borotiin badan. Jirka waa u baahan yahay borotiin ku filan balse taasi waxay horseedeysaa miisaan dhimid aan hore loo baarin.

miisaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tayada cuntada oo ka muhiimsanaato tirada

Dad badan ayaa aaminsan in cunto yar oo tayo leh ay kaa caawineyso inaad miisaanka dhinto.

Cuntooyinka sida kuwa leh macdanta, borotiinka iyo qudaarta ayaa la rumeysan yahay inay xadidayaan kaloriga.

Haddii ujeedkaadu yahay inaad dhinto miisaanka waa inaad fahantaa inta kalori ee jirkaaga siin kara tabar iyo inta aad yareyn karto kaloriga.

Inaad qorsheyso cuntadaada waa sida keliya ee aad miisaanka u dhimi karto

Dadka qaar ayaa kuu sheegaya in cuntooyinka kalorigoodu hooseeyo ay miisaanka dhimaan. Balse maxaa nafaqo ah oo aad ka heleysaa cuntadaas? Taas ayaa muhiim ah.

Waa inaad qaadataa cuntooyinka macadanta fiber-ka ku badan tahay borotiinkooduna yar yahay.

karooto

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka oo dhan isku si ayey miisaanka u ridaan

Dadka qaar ayaa yiraahda, “Saaxiibkey toddobaadkii hal kiilo ayuu ridaa balse aniga waxba igama dhacayaan”. Tani macnaheedu wuxuu yahay dadka isku si uma ridaan miisaanka.

Baahida dadka ee tabarta uu jirkoodu u baahan yahay way kala duwan tahay.

Hormuunada, cuntada aad qaadato, cusbada jirkaaga iyo welwelka maskaxda ayaa qeyb muhiim ah ka qaata miisaan dhimista.

Ma jirto sabab dadka cunto isku mid ah cuna hadana sameeya jimici isku heer ah ay lumiyaan miisaan isla eg.

Cuntada caafimaadka leh waa qaali

Inaad cunto cunto caafimaad leh ma ahan qaali sida dadka qaar qabaan. Waxaad ku cuni kartaa mid aad awood adigoo ku darsanaya qudaar.

Halkii aad hilib ka cuni laheyd waxaad ku badalan kartaa cunto kale oo aad ka helikarto wixii hilibku lahaa.

bariis

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cabitaan badan ayaa yareynaya cuntada aad qaadato

Inaad u ugoyso xilliyada wax la cuno oo aad cabitaan ku badalato faaa’ido uma lahan miisaan dhimista.

Hadii aad sidaan sameyso waxaa jirkaaga ka yaraanayo nafaqada. Tamarta jirka ayaa hoos u dhaceysa. Ma ahan wax u wanaagsan caafimaadka.

Halkii aad sidaas ka yeeli laheyd biyo cab ka hor intaadan cunto cunin taas ayaa faa’ido leh ama maraq cab kahor cunto kasta.

Jimicsiga fudud waa kan ugu wanaagsan miisaan dhimista

Uma baahnid jimicsi cayiman si aad miisaan u dhinto. Cuntada dheellitiran waxay miisaan dhimista ka qaadata 70 ilaa 80 boqolkiiba.

Jimicsiga faa’idooyin badan ayuu leeyahay. Mustaqbalka fog wuxuu kordhin karaa awoodda murqaha. Habkan hadii aad miisaanka u dhinto waa mid wanaagsan.

Qof kasta waa inuu joogto u jimicsadaa uuna qaataa cuntooyin dheellitiran. Waa inaad ka fogaataa cuntooyinka aan isu dheellitirneyn si aad miisaan u dhinto.