Khuraafaadka la xiriira ku deeqista dhiigga

Dhiigga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sanad walba 14 June, waxaa daafaha dunida laga xusaa Maalinta Ku Deeqista Dhiigga. Sanadkii 2005 ayay si rasmi ah maalintan ugu asteysay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Waxaa maalintan loogu talogalay in loogu mahad celiyo dadka dhiigga ku deeqa, iyo wacyigelinta ku deeqista dhiigga, oo ay dad badan u baahan yihiin.

Ku deeqid walba oo dhiig ah waa haddiyad qaali ah oo lagu badbaadinayo naf, sida ay sheegtay WHO.

Dalal badan, adeegyada dhiigga waxaa ku yimaada caqabado ay ka mid yihiin helitaanka keyd dhiig oo dadka ku filan, iyo sidoo kale hubinta tayada dhiiggaas.

Inaan la heleyn dhiig bad-qaba, waa caqabad heysata dalalka soo koraya, oo ay ka mid tahay Soomaaliya oo colaado ay ka jiraan.

Hal ku dhigga sanadkan, ayaa ah “Bixi dhiig, bixi unugyada cas, la wadaag nolol, aalaaba la wadaag.”

Haddaba iyadoo inta badan muhiim loo arko ku deeqista dhiigga, haddana waxaa jira khuraafaad la xiriira dhiig bixinta. Waxaan eegeynaa qaar ka mid ah kuwaas:

Waqti dheer ayay qaadataa dhiig bixinta

Habraaca dhan billowga ilaa dhammaadka wuxuu keliya qaataa ilaa saacad, waana saddex hab: is diwaangelinta, baaritaan caafimaad iyo dhiig ku deeqista qudheeda. Kaddib markaad is diwaangeliso oo aad ka jawaabto su'aalaha qaar oo caafimaadkaaga la xiriira iyo taariikhdaada, waxaa la baarayaa heer kulkaaga, cadaadiska hdiigga iyo waxyaabo kale oo caafimaadka la xiriira.

Kaddib waxaa loo gudbayaa ku deeqidda – taasoo keliya qaadata siddeed ilaa 10 daqiiqdo, kadibna waad yara nasaneysaa adigoo cabitaan iyo waxyaabo yaryar cunaya kahor intaadan bixin.

Xanuun ayaad dareemeysaa

Dhiigga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Keliya mudo gaaban, iyo xanuun yar (ugu yaraan, taasi waa waxa laga soo xigtay ku deeqayaasha dhiigga). Waxaad marka hore dareemi doontaa xanuunka cirbadda, balse intaa kadib wax xanuun ah ma dareemeysid.

Dadka qaar ayaaba sheega inay la qabsadeen cirbadda oo aysanba xanuun dareemin.

Nooca dhiiggeygu maaha mid dhif ah, marka looma baahna

Dhiigga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhiigga O taban waa nooca ugu badan caalamka. Waa kan ugu badan ee loo adeegsado meelaha xaadaha degdegga ah ay ka jiraan, marka qof dhiig lagu dhubi rabo aan la aqoon nooca dhiiggiisa.

Sababtoo ah aalaaba waa la isticmaalaa, waana nooca ugu horreeya ee dhammaada.

Balse haddii ay lagama maarmaan noqoto, sidoo kale isbitaalladu nooca O togan ayay isticmaalaan, marka lagu shubi rabo qof dhiigbaxaya.

Micno malaha nooca dhiiggaagu yahay, waa loo baahan yahay qiimana wuu leeyahay. Seken walba dunida qof ayaa dhiig u baahan kara. Nooc walba oo dhiig ahna wuxuu muhiim u yahya badbaadinta nafta.

Waan da' weynahay marka dhiig kuma deeqi karo

Dhiigga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma jirto da' gaar ah oo u cayiman dhiig ku deeqista. Waad ku deeqi kartaa haddii ay da'daadu tahay 17. Dadka qaar 16 jir ayayba dhiig ku deeqis bilaabaan.

Kaddibna, inta noloshaada ka dhiman waad ku deeqi kartaa dhiig.

Dawooyin ayaa ii socda marka dhiig kuma deeqi karo

Dhiigga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inaad dawooyin qaadato kaama hor istaageyso inaad dhiig ku deeqdo.

Sababta lagugu qoray dawada ayaa laga yaabaa inay kaa hor istaagto, balse haddii xaaladdu aysan darneyn oo aad caafimaad qabto, waa la oggol yahay inaad dhiig ku deeqdo.

Waxaa jira dawooyin ay tahay inaad xoogaa sugto kahor intaadan dhiig ku deeqin.

Waxaan qabaa dhiigkar, marka waa khatar inaan dhiig ku deeqo

Dhiigga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waad ku deeqi kartaa dhiig haddiiba dhiiggaagu ka hooseeyo cabbirka 180 systolic (nambarka kore) iyo 100 diastolic (kan dhexe) waqtiga aad dhiig ku deeqeyso.

Marka aad dooneyso inaad dhiig ku deeqdo, waxaa la hubinayaa cadaadiska dhiiggaaga.

Sidaa darteed, inaad qaadato dawada dhiig-karka kaama hor istaageyso inaad dhiig ku deeqdo.