Hindiya: 'Jaceyl dhiig ma lagu qoray'

Gacan

Xigashada Sawirka, Olivia Howitt

Jaceyl iyo Dhiig marka la soo hadal qaado waxa ugu horreeya oo qofka Soomaaliga maankiisa ku soo dhacaya waxaa ka mid ah heestii ay ku luuqeysay Allaha u naxariistee Xaliima Khaliif Magool ee ahayd, 'Jaceyl Dhiig ma loo shubay‘.

Heestaasi oo uu miraheedu lahaa Abwaankii weynaa Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

Billowa heesta haddii aan qaddar ka soo qaadanno waxay leedahay:

Jacayl dhiig ma lagu qoray Weli dhuux ma loo shubay Qofna saanta dhabarkiyo Ma u dheegey feedhaha Dhabanada cad laga jaray Hadalkii ma lagu dhigay Xinjir aan is dhalan rogin Midabkeedu dhiin yahay Laga dhuray halbowlaha Weli dhiil ma lagu shubay

Laba mays dhansiiyeen Sida dhayda xoolaha Dhag dhag maw wadaageen…

Heesta oo aad u dheer dhowr beydna ka kooban intaa aan ku dhaafo oo aan u daadago dulucda qoraalka aan idinla wadaagayo.

Nin sita boor uu dhiiggiisa uu ku qoray

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddaba dalka Hindiya waxaa ka jira dhaqan la mid ah kii uu su’aal ahaan uu u dhigay abwaan Hadraawi ee ahaa ‚Jaceyl dhiig ma lagu qoray.‘

Dalka Hindiya waxaa ka jira dhaqan soo jireen ah oo qofka marka uu qof uu jacel yahay uu jeceylkiisa u bandhiganayo uu dhiiggiisa dhambaal Jaceyl ugu qoro.

Inta badanna waxaa sidaa sameeya ragga ee wax jecel iyada oo dumarka ay arrintaa ku yartahay.

Marar badanna waxaa dhacda gabdhaha dhambaalka dhiigga lagu qoray jaceylka loo qabo looga soo bandhigo iney dalabkii wiilka ka diidaan sidaana ay rag badan qudha isaga jaraan.

Dhalinyarada qaar oo dhiiggooda dhambaallada jaceyl ku qoro isla-markaana ay dumarka dalabkooda ka diidaan waxay cabashadooda u gudbiyaan dowladda si la mid ah wiilka sawirka haya ee sare ka muuqda.

Dhambaalka ka sakoow waxay Hindidu dhaqan u leeyihiin iney ubaxyo iyo sawirro ay ku muujinayaan hadba dareenkooda farxadda ama murugada ay sawir ku muujiyaan.

Dad badan oo dalka Hindiya caan ka ah oo arrinkan si weyn u taageera oo nool ayaa dhiiggooda tabarruc ahaan u bixiyaan si ay dadka dadka wax sawiro ay u isticmaalaan.

Sawirro dhiig lagu sawiray

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hindiyana waxaa ka jira hay’ado aan dowli lahayn oo sawirrada ay u adeegsadaan dhiigga ay dadku tabarruca ku bixiyaan waxayna dadka wax sawirana ay aaminsan yihiin cibaado ay ilaahey ugu dhawaanayaan.

100 mililitir oo dhiig ayaa loo isticmaalaa in seddex sawir lagu sawiro iyada oo lagu darayo dawooyin iyo kiimika kale si midabka dhiigga looga baab’iyo.

Jaceylka ka sokoow dhiigga wax lagu qoro waxaa dalka Hindiya looga isticmaalaa mudaharaadyada ama iisu soo baxyada ay dadku ku raadsanayaan xuquuqahooda ama ay arrin uga soo horjeedaan.

Waxaa tusaale ahaan loo soo qaadan karaa mudaharaadki 2013-kii ka dhacay ka dhacay dalka Hindiya oo ay haween ku nool tuulooyin ku yaalla gobolka Gujaraat oo ka badan 100 dhiiggooda ku soo qoreen boorar ay dowladda uga dalbanayaan in Modi uu waddo u dhiso.

Haddaba akhristoow adigu qof aan si dhab ah u jeceshahay dhiiggaada ma ugu qori lahayd dhiiggaaga?

Dhiig

Xigashada Sawirka, Olivia Howitt