TOOS, Tartanka Champions League: Ciyaaraha tooska u dhacaya caawa

Diyaar-garowga tartanka iyada oo Chelsea, Liverpool iyo Newcastle ay ciyaarayaan.

Tebin toos ah

ABDISHUKRI HAYBE

  1. Kabtan-ka Liverpool Virgil van Dijk, isagoo la hadlay TNT Sports

    “Mar walba way adag tahay in lala ciyaaro kooxda De Zerbi sababtoo ah haddii aadan hore u cadaadin, si fudud ayay kubbadda uga soo baxaan. Waxay sii wadaan ciyaarta iyagoo khatar qaadanaya. Anagu si fiican ayaan booska uga faa’iideysanay, waxaanan u maleynayaa in bandhiggu uu wanaagsan yahay.”

    Mar uu ka hadlaayay Joe Gomez: “Waxaan Joe la ciyaaray marar badan, wayna na caawisaa in aan saaxiibo fiican nahay. Aad ayaan ugu faraxsanahay isaga iyo kooxda oo dhan. Qof walba shaqo ayuu qabtay, sidaasna waa in ay ahaataa. Jawigu aad buu u fiicnaa. Waa garoon aanan waligay ku ciyaarin, waana sugaayay ku ciyaarista halkaan.”

    : “Mar walba waan ku celcelinnaa kadib guul ama natiijo wanaagsan. Hadda si buuxda ayaan diiradda u saaraynaa soo kabashada, kadibna waxaan aadeynaa Bournemouth oo adag in la garaaco. Waa inaan si buuxda ugu diyaar garownaa. Berri ayaan dib ugu soo duulaynaa. Ku xiga ciyaarta kale.”

    Mar uu ka hadlaayay wararka sheegaya inuu kulan qabtay kadib Burnley: “Ma aqaan kuwa warbaahinta ku faafiyay. Kulanka wuu jiri lahaa laakiin anigu ma oran inuu iga yimid. Ma aqaan halka ay macluumaadka khaldan kala yimaadeen.”

  2. Tusmada kala sareynta hadeer ee Champion-ka

    Arsenal, Liverpool, Tottenham, Newcastle iyo Chelsea dhammaantood waxay ku jiraan siddeeda sare.

    Manchester City kaliya waa ka baxsan boosaskaas sababo la xiriira farqiga goolasha.

    Arsenal ayaana ah kooxda ugu dhibcaha badan ee tusmadaan hoggaaminaysa

    Tusmada kala sareynta hadeer ee Champion-ka

    Xigashada Sawirka, BBC Sport

    Qoraalka sawirka, Tusmada kala sareynta hadeer ee Champion-ka
  3. Dhamaad ciyaarta, Atalanta 2-3 Athletic Bilbao

    Yaab! Guul soo laabasho fiican oo ay gaadheen kooxdan Isbaanishka ahi, waxayna si xoog leh ugu soo laabteen tartanka booska isreebreebka.

  4. Dhamaad ciyaarta: Newcastle 3-0 PSV, Newcastle 3-0 PSV

    Bruno Guimarães ayaa dhaawac canqowga ah soo gaaray wuxuuna garoonka ka baxay wax yar kadib nasashada, balse marka laga reebo taas, habeen wanaagsan ayaa u ahaa kooxda uu hoggaamiyo Eddie Howe.

  5. Dhamaad ciyaarta, Slavia Prague 2-4 Barcelona

    Guul heer sare ah oo Barça ka gaartay Prague qabowga daran.

  6. Dhamaad ciyaarta, Bayern Munich 2-0 Union Saint Gilloise

    Kane ayaa laba jeer dhaliyay. (Waxaa intaas dheer rigooro uu seegay.)

  7. Dhamaad ciyaarta: Chelsea 1-0 Pafos

    Chelsea way ku guuleysatay hawsha.

  8. Saddex gool iyo saddex dhibcood., Marseille 0-3 Liverpool

    Qabasho qurux badan oo Dominik Szoboszlai ah ayaa ka dhigtay Ryan Gravenberch mid xor ah. Wuxuu doortay ikhtiyaarka saxda ah isagoo bidix ugu baasay Cody Gakpo, kaasoo gudaha u soo galay kuna dhammaystiray goolka.

  9. Goool! Daqiiqadda 88aad, Atalanta 2-3 Athletic Club (Krstović)

    Nikola Krstović ayaa helay baas toos ah oo ka yimid Ademola Lookman, waxaana ay dib ugu soo laabteen ciyaarta! Waxaa la sheegaya in kooxda Talyaaniga ay hoos uga dhacday kaalinta 3aad ilaa 13aad miiska wareegga tartanka qeybtaan labaad.

  10. Goool! Daqiiqadda 78aad, Chelsea 1-0 Pafos (Caicedo)

    Ugu dambayn “Chels” ayaa heshay goolka. Taageerayaashu waxay u muuqdaan kuwo wax yar ku faraxsan. Laakiin waqti badan ayaa ku baxay jabinta difaacooda. Ma weli Chelsea ayaa ka mid noqon karta siddeeda sare?

  11. Goool! Daqiiqadda 74aad, Atalanta 1-3 Athletic Club (Navarro)

    Gool kale oo dheeraad ah! Navarro . Wuxuu si fudud uga dhaliyay geeska xerada ganaaxa. Athletic Club ayaa soo laabtay!

  12. Goool! Daqiiqadda 70aad:, Slavia Prague 2-4 Barcelona (Lewandowski)

    Marcus Rashford ayaa baas ka soo qaaday dhinaca, waxaana uu si fiican u helay xiddiga reer Poland Lewandowski oo shabaqa ku hubsaday Habeen wanaagsan Vienna. Ama Prague.

  13. Goool! Daqiiqadda 66aad:, Newcastle 3-0 PSV (Barnes)

    Wax walba waa la soo afjaray garoonka St James’ Park.

  14. Goool! Daqiiqadda 70aad:, Atalanta 1-2 Athletic Bilbao (Serrano

    Waa baas cajiib ah oo heer sare ah oo uu sameeyay Robert Navarro. Wuxuu lugtiisa ku laabay kubbadda isagoo ka yimid dhinaca midig, waxaana uu si sax uga helay Nico Serrano meel fog oo tiirka dambe ah, kaasoo kubbadda si toos ah ugu laaday. Waa gool weyn oo saamayn badan yeelan kara.

  15. Goool! Daqiiqadda 63aad:, Slavia Prague 2-3 Barcelona (Dani Olmo)

    Taasi waa laad qurux badan oo heer sare ah oo uu sameeyay Dani Olmo, kaasoo garoonka ku jiray kaliya saddex daqiiqo.Waa ashqaraar tani!!

  16. Kaar cas oo loo taagay ciyaaryhan Bayern Munich!

    Kim Min-jae ayaa helay digniintiisii labaad, isagoo si xoog ah dib uga jiiday ciyaaryahan doonayay inuu ka baxsado, waxaana garsooruhu isla markiiba soo taagay jaalle labaad oo uu ku xigay casaan.

    Wuxuu u muuqdaa yaabban, sida Kane oo kale, balse go’aankaas lama beddeli karo. Waa ka bixitaan hore.

  17. Goool! Daqiiqadda 64aad, Juventus 2-0 Benfica (McKennie)

    Weston McKennie ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad oo xiriir ah tartanka Champions League! Wuxuu ka dhex baxay dhowr daafac, kubbad celis ah ayuu qaatay kadibna si adag ayuu shabaqa ugu dhuftay

  18. Dhacdo xanuunleh!

    Dhacdo xanuun leh ayaa ku dhacday Barcelona, maadaama Pedri lagu qasbay inuu garoonka kaga baxo dhaawac darteed. Xiddiga khadka dhexe ee hibada leh ayaa si dhib ah uga baxay isagoo gacanta ku haya muruqa bowdada, waxaana lagu beddelay Dani Olmo.

  19. GOOOOOOOOL!, Atalanta 1-1 Athletic Club

    Gorka Guruzeta ayaa booday oo gool u dhaliyay martida, waxaana hadda barbaro lagu wada jooga Bergamo! Goolashu si xawli ah ayay u socdaan. Waa dareen degdeg ah oo xiiso leh.

  20. Gool! Daqiiqaddii 55aad:, Bayern Munich 2–0 Union Saint Gilloise (rigooro Kane)

    Gool ku laadka ma seego. Aad bay u yar tahay inuu seego. Waa 2–0 ayay ku haysaa hoggaanka ciyaarta haddeer Munich.