Maxaa ka socda guriga Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mareykanka?

Bolton oo hortaagan xafiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saraakiisha FBI-da ayaa Jimcihii baaray guriga iyo xafiiska Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mareykanka John Bolton, taasoo qeyb ka ah wax u muuqda baaritaan lagu hayo qaabkii uu u adeegsaday xogo sir ahaa.

Waxaa xusid mudan in kaaliyahan caanka ah ee xisbiga Jamhuuriga uu noqday mid kamid ah dadka sida aadka ah u dhaliila Trump kadib markii uu iska casilay maamulkii ugu horeeyay ee Trump 2019. Aqalka Cad ayaa horay ugu eedeeyay inuu si khaldan u adeegsaday buug uu qoray 2020 oo ku saabsanaa waqtigii uu u shaqaynayey madaxweyne Trump.

FBI-da si faahfaahsan ugama hadlin arrintan, balse ilo-wareedyo xog-ogaal u ah baaritaanka ayaa CBS News u sheegay in qeyb ahaan ay la xiriirto dukumentiyo sir ah.

Bolton, oo aan weli ka hadlin baaritaanka, ayaan wali la xirin, welina laguma soo oogin wax kiis dambiyeed ah.

Suxufiyiintu mar ay wax ka waydiiyeen baaritaanka, Trump waxa uu sheegay in aanu doonayn in uu "ku lug yeesho" arrintan, balse waxa uu Bolton ku tilmaamay "wax shil ah". Wuxuu sheegay in uusan si toos ah u amrin baaritaanada.

Wareysi uu siiyay NBC News, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa sheegay in dukumiintiyada sirta ah ay "run ahaantii qeyb ka yihiin (baaritaanka)," sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay "walaac ballaaran" oo laga qabo Bolton, isagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah.

Waxa uu sheegay in FBI-da aysan gudbin doonin dacwad ka dhan ah Bolton ilaa ay "xaqiijiso in uu sharciga jebiyey", isaga oo intaa ku daray in baaritaanku uusan ahayn mid siyaasadeysan, sida ay sheegeen siyaasiyiinta Dimuqraadiga.

Baabuurta booliiska iyo saraakiil ka tirsan FBI-da ayaa lagu arkayay guriga Bolton, oo ku yaalla Bethesda, Maryland oo ku taalla duleedka magaalada Washington, D.C., subaxnimadii Jimcaha, waxaana la arkayay qaarkood oo guriga ka so saaray sanaadiiq.

Bayaan ay FBI-du u dirtay CBS waxay ku sheegtay inay aaggaas ka samaynayso dhaqdhaqaaq la oggol yahay. Saraakiisha FBI-da ayaa sidoo kale lagu arkay xafiiska Bolton ee Washington, D.C.

Saraakiisha FBI-da ee ku sugnaa bannaanka guriga John Bolton

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bolton ayaa ku laabtay gurigiisa Maryland galabnimadii jimcaha, laakiin lama uusan hadlin saxafiyiinta banaanka guriga ku sugnaa.

2020, Bolton waxa uu qoray buug uu u bixiyay""The Room Where It Happened,"," xusuus qor ku saabsan waagiisii ​​maamulkii ugu horreeyay ee Trump 2018 ilaa 2019, kaas oo uu aad u dhaliilayo madaxweynaha.

Waxa uu qoray in "xog xaqiiqooyin ah oo caddaynaysa in Trump aanu ku habboonayn madaxtinimada."

Waaxda cadaaladda ayaa markaa ku eedaysay Bolton "xadgudub cad" oo ah heshiis aan qarsoodi ahayn, laakiin dacwadda ayaa la laalay Jun 2021, ka dib markii Joe Biden uu la wareegay madaxtinimada.

Isla markii ay bilaabmeen baaritaanada, Agaasimaha FBI Kash Patel ayaa ku soo qoray bartiisa X: "Qofna kama sarreeyo sharciga," isaga oo aan sheegin magaca Bolton.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Pam Bondi ayaa la dhankiisa sheegay, "Badbaadada Mareykanka waa wax aan laga gorgortami karin.

Bolton oo soo noqday danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay xilligii dowladdii George W.Bush, ayaa bishii Janaayo maamulka Trump ayaa laga ilaaladiisii gaarka ahayd, isaga iyo dhowr mas'uul oo hore oo ay is khilaafeen Madaxweyne Trump.

Bolton ayaa si cad su'aal u galiyay qaabka uu maamulka Trump u maareeyay dagaalka u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka.

Trump, ayaa dhankiisa, waxa uu si ba'an u dhaleeceeyay Bolton, isaga oo ku eedeeyay in uu kor u qaaday faragelinta militariga ajnabiga ah intii uu ahaa Lataliyaha Amniga Qaranka.

Dadka kale ee ka soo horjeeda Trump - oo ay ku jiraan Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York Letitia James iyo Senetarka Dimuqraadiga ee California Adam Schiff - ayaa sidoo kale la baaray tan iyo markii madaxweynaha Jamhuuriga uu ku soo laabtay xafiiska markii labaad.