Muxuu yahay Xisbiga taageerada kala noqday Soomaaliga u tartamaya duqa Mineapolis?

Xigashada Sawirka, Star Tribune via Getty Images
Xisbiga Dimuqraadiga ee Shaqaalaha Beeraleyda ee loo yaqaan DFL (Democratic Farmer-Labor Party) ee gobolka ayaa ka laabtay taageeradii uu laanta DFL ee Minneapolis siiyay Senatarka Gobolka Omar Fateh oo tartan ugu jiro in uu noqdo duqa magaalada Minneapolis. Guddoomiyaha xisbiga DFL, Richard Carlbom, ayaa ku dhawaaqay go'aankaas galabnimadii khamiista iyadoo lagu soo bandhigay bayaan qoraal ah.
Xisbiga Dimuqraadi ah ee Beeraleyda iyo Shaqaalaha Minnesota waa xisbi siyaasadeed ka jira gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, kuna xiran Xisbiga Dimuqraadiga ee heer qaran.
Omar, oo ah senatar laba xilli oo ka tirsan gobolka, islamarkaana sanadkan dayrta la tartamaya Duqa Minneapolis ee haddeer Jacob Frey, wuxuu helay taageerada xisbiga DFL bishii hore kaddib shir muran badan dhaliyay. Si gaar ah, wareegii ugu horreeyay ee codbixinta oo si elektaroonig ah loo qabtay ayaa saacado badan qaadatay in la tiriyo, ugu dambeyntiina waxaa ka maqnaa codad ay dhiibteen ku dhowaad 200 ergay.
Sida uu sheegay ololaha Omar Fateh, dib u dhaca tirinta codadka waxaa sababay xisaab uu qalday nidaamka, iyo mas'uulkii hawsha gacanta ku hayay oo la tacaalayay faalug (stroke).

Xigashada Sawirka, Sahan Journal
Markii xisbiga deegaanka ee DFL taageeray tartamidda musharaxa Soomaaliga ee lagu magacaabo Omar Fateh, waxuu bartiisa X ku daabacay in uu ku taamayo ayiditaanka xisbiga uu ka helay.
"Waxaan ku faanayaa inaan ahay musharraxa ay xisbiga DFL taageeray ee duqa magaalada Minneapolis. Inkasta oo dadka nidaamka haya ay jeclaan lahaayeen inay iska dhigaan in aana guulaysan karin, haddana guusheennu ma aha wax fog ama aan suurtagal ahayn."
Xisbiga DFL ee gobolka ayaase sheegay in ay jireen "khaladaad culus oo ka dhacay habka codbixinta shirkii Minneapolis ee dhacay July 19," isla markaana "musharrax u tartamayay duq magaalo ayaa si khaldan looga saaray tartanka." Iyadoo loola jeeday DeWayne Davis oo isna musharax ahaa.
Tan oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa taageeradii xisbigu markii hore siiyay musharaxnimadiisa ah in uu noqdo duqa magaalada.
Duqa magaalada Mineapolis ee hadda ayaa cabasho ka gudbiyay taageeridda xisbiga ee Omar Fateh bishii hore, balse haddeer markuu xisbigu ka noqday taageradiisa qoraal uu baahiyay bartiisa X ayaa ku sheegay in uu ku faraxsanyahay go'aanka sixitaanka ah ee xisbigu qaatay.
"Waan ku faraxsanahay in aan xubin ka ahay xisbi rumeysan in khaladaadkiisa la saxo, waxaana ku qanacsanahay in hannaankii khaldanaa ee aan saxda ahayn la iska tuuray" ayuu qoray duqa magaaladu.
Waxuuna sheegay in uu rabo in uu wada hadal la yeesho musharax Cumar Faatix.
"Waxaan rejeynayaa in aan dood buuxda oo daacad ah aan la yeesho Senatarka Fateh, taasoo ku saabsan mustaqbalka magaalada, iyadoo go'aankuna hadda si toos ah ugu jiro gacanta dadka Minneapolis oo dhan"

Xigashada Sawirka, nna Moneymaker/Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay go'aanka xisbigeeda ee lagu laalay taageeradii DFL ee tartanka duqa magaalada Minneapolis Khamiistii, iyadoo ku tilmaantay go'aankaas mid "ceeb ku ah xisbigeenna" oo dhaawici doona awoodda Dimuqraadiyiinta ay isku abaabulmaan kuna guuleystaan "sanadkan, sanadka dambe, iyo wixii ka dambeeya." Sida uu daabacay wargeyska Axios ee arrimaha siyaasadda Mareykanka ka warrama.
"Waa wax aan la cudurdaaran karin in laga laabto taageeradii DFL ee Omar Fateh." Ayay ku qortay barteeda X. Waxayna sheegtay koox aan degganayn Minneapolis koox yar oo aan degganayn Minnealpolis ay baabi'iyeen rabitaanka ergada.
"Koox yar, intooda badanna aysan degganeyn Minneapolis, ayaa si gaar ah u kulmay si ay u baabi'iyaan rabitaankii ergadii Minneapolis ee si iskaa wax u qabso ah uga qeyb qaatay, u abaabushay, ugana shaqeysay hannaan xisbiga DFL oo socday bilooyin" ayay tidhi.
"Lama aqbali karo." Ayay kusoo gabagabaysay qoraalkeeda ay soo dhigtay barta ayku leedahay X.
Cumar Faatix ayaa ka hadlay go'aanka isagoo sheegay in ayna tani joojinayn hase yeeshee ay tahay caqabadahani waxii ay ka daaleen dadka reer Minneapolis.
"28 Xubnood oo xisbigi ka mid ah ayaa u codeeyay inay ka noqdaan taageeradayda iyaga oo ku shiraya albaabo xidhan gadaashood." Ayuu ku sheegay muuqaal uusoo galiyay bartiisa X. BBC-du si madax banana uma xaqiijin karto dhabnimada arrinkaan.
"Kooxdani waxay ka koobnayd dad aan degganayn Minneapolis, taageerayaasha duqa magaalada hadda [Frey] iyo deeq bixiyeyaal." Ayuu sii raaciyay.
"Aan wax idiin cadeeyo, wali dagaalka waanku jirnaa; waana guuleysanaynaa" ayuu ku sheegay muuqaalkaas uu soo galiyay bartiisa X.













