Afar arrimood oo sabab u ah sare u kaca qiimaha Rootiga ee Jigjiga

Warshad Rooti
    • Author, Abdirahman Buuh
    • Role, Weriye

Dadweynaha ku nool magaalada Jigjiga ee xarunta Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa cabasho xooggan ka muujiyay qiimaha maciishadda quutul-daruuriga, gaar ahaan midka lagu gado rootiga am furinka ee magaalaaasi oo qiimihiisu uu sare u kacay muddooyinkii u dambeeyay.

Sicirka halkii xabbo ee rootiga oo hore u ahaa 8 Birr ayaa hadda maraya 12 Birr oo lacagta Itoobiya ah. Tan ayaa la macne ah in uu uu biiray boqolkiiba 30% marka loo eego intii lagu iibin jiray bilo ka hor.

Jigjiga waxa ku yaalla warshado lagu dubo rootiga oo qaarkood ay dawladdu maalgeliso, halka qaar kalana si gaar ah loo leeyahay.

Mukhtaar Cali waa madaxda warshad roodhida samaysa oo ay dawladdu maalgeliso, taasi oo dadka kaga iibisa qiimo ka jaban boqokiiba kontan tan ay ku iibiyaan warshadaha sida gaarka ah loo leeyahay. Waxa uu BBC-da u sheegay in ay dawladdu ay ka caawiso dhanka qamadiga laga sameeyo roodhida.

Cabdicasiis Kaahin wuxuu ka mid yahay shacabka Jigjiga, waxa aan kula kulannay mid ka mid ah goobaha lagu iibiyo furinka.

"Xilliyadii hore maciishaddu way jabnayd, laakiin hadda wax walba waa qaali. Waxa jira dad badan oo aan gadan karin. Tusaale ahaam, markii hore, xabbada roodhida ah, waxaan ku gadan jirnay shan ilaa toddobada Birr, haddase waxay maraysaa 12 Birr. Waxaa dhacda marka aad lacagta suuqa la tagto in aanay waxba kuu goynayn," ayaa uu yidhi.

Dhowr qodob ayaa loo sababaynaa in uu salka ku hayo sicir bararka roodhiga ku yimid.

Warshad Rooti

Joojinta qamadiga laga keeno dibadda

Dhacdo loo sababayn karo in ay saldhig u tahay kor u kaca ku yimid maciishadda ayaa ah in la dhimay xaddiga qamadiga ee Itoobiya ay ka soo dhoofsan jitay waddamada dibadda.

Mid ka mid ah arrimaha saamaynta ku yeeshay ama loo sababayn karo in ay saldhig u yihiin kor-u-kaca ku yimid maciishadda, waa dhimitaankaas qamadiga ee Itoobiya ay ka soo dhoofsan jirtay waddamda dibadda.

Itoobiya waxay noqotay dalka ugu soo saarista badan qamadiga dalalka ka hooseeyo saxaraha Afrika inkasta oo xilliyadii u dambeeyay uu hoos-u-dhac ku yimid wax soo saarka marka la barbardhigo baahida jirta.

Deegaanka Soomaalida ayaa ka mid ah meelaha laga soo saaro xaddi qamadi ah oo laga beero gobollada qaar. Hase ahaatee, waxa su'aal la gelinayaa sida uu u dabooli karo baahida suuqyada.

Kabista dawladda ee washadaha rootiga oo meesha ka baxday

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Magaalada Jigjiga waxa ka jira warshado kooban oo ay dawladdu maalgeliso kuwaas oo roodhida ku iibiya qiimo boqolkiiba 50 ka jaban suuqyada caadiga ah. Warshadahaasi waxa ay ku tiirsan yihiin kabitaan ay ka helaan dawladda oo inta badan ka caawisa helitaanka dhanka qamadiga.

Laakiin, muddooyinkii la soo dhaafay waxa soo ifbaxayay culays ay warshadahaas qudhoodu kala kulmayaan kabkii billaha ah ee dhanka qamadiga oo yaraaday. Arrintan waxa dadka falanqeeyaa ay ku sababeeyeen dagaalka daba dheeraaday ee Yukrayn oo saameeyay qamadiga xaddigiisu badan yahay oo Itoobiya ay ka heli jirtay dalka hodanka ku ah qamadiga ee Yukrayn.

Qaar ka mid dadka iska leh warshadaha soo saara roodhida ayaa sheegay in dawladdu ay siin jirtay kab dhanka qamadiga ah oo bille ah, balse hadda uu meesha ka baxay, tan markii uu u bilowday dalgaalka ka socda Ukraine, taasi oo sababtay in ay qiimaha sare u qaadaan "si ay warshadu isu bixiso".

"Ujeedada warshadda loo aasaasay waa in la xakameeyo sicir barbar ku yimaadda suuqyada roodhida. Xaruntani, qiime ahaan, way ka hoosaysaa suuqyada caadiga ah. Waxaanu roodhida ku iibinnaa shan Birr oo la macne ah in boqolkiiba konton aan ka jaban nahay suuqyada caadiga ah,"ayuu yidhi Mukhtaar Cali, madaxa warshad soo saarta roodhida oo ay dowladu maamusho.

Dhacdo kale oo loo sababayn karo in ay saldhig u tahay kor u kaca ku yimid maciishadda, waa in la dhimay xaddiga qamadiga ee Itoobiya ay ka soo dhoofsan jitay waddamada dibadda.

Warshad Rooti

Korontada

Magaalada Jigjiga iyo qeybo badan oo ka mid ah magaalooyinka ku yaalla bariga dalka Itoobaaya waxa caado ka noqotay cillado ku yimaadda korontada oo mararka qaarkood keena muddo badana inay maqnaato korontadu.

Cilladaha korontada waxa soo food saara waxa ka mid ah in si sharci darro ah loo gacma-gacmeeyo taawarrada korontada gudbiya, kuwaasoo sababa in bariga dalka oo dhan uu laydhku ka tago, mana aha arrintan mid si gaar ah u saamaynaysa warshadaha Roodhida.

Mid ka mida dadka ka shaqaysta goobaha dharka lagu dhaqo ee magaalada ayaa BBC-da u sheegay in shaqo la'aan ay ku dhacday maalmaha ay korontadu maqan tahay.

"Heer waxaan gaadhnay dadkii aan dharka ka qabanaynay aan madaxa isla galno, maxaa yeellay haddaadan layr haysan maxaad qabanaysaa, hadda waqtigaan dheeraynaa"ayuu yidhi.

Taasi waxa ay sababtay in saamayn ay ku yeelato adeegyo badan oo ku shaqeeya tamarta korontada oo ay ka mid yihiin warshadaha soo saara roodhida oo ay korontadu lagama maarmaan u tahay.

Hoos-u-dhaca qiimaha lacagta Itoobiya

Tan ugu dambaysa ee loo sababayn karo in ay si weyn u saamaysay sicirka roodhida waa qiime-dhac ku yimid lacagta dalka marka la barbar dhigo lacagta Doollarka.

Sannadkii la soo dhaafay dawladda Itoobiya waxa ay shaacisay in meesha laga saaray sarrifka xaddidan ee lacagta Doollarka, iyada oo taasi beddelkeeda uu suuqa xorta ahi jaangoyn doono.

Tallaabadaasi waxay dhalisay in lacagta Itoobiya ay wajahdo qiimo dhicii ugu weynaa ee taariikhdeeda, waxayna taasi saamayn ku yeelatay qaybaha kala duwan ee nolosha dadka ku nool Itoobiya. Si gaar ah, waxa ay tallaabadani u saamaysay nolosha aasaasiga oo ay ka mid yihiin waxyaabaha quutal daruuriga ah.