Falastiiniyiinta oo bilaabay inay qaxaan iyo ciidamada Israa'iil oo afka hore oo magaalada taagan

qax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka ku nool magaalada Qaza ayaa sheegay in milatariga Israa'iil ay sii wadeen cadaadiska ay magaalada ku hayaan iyo duqaymo culus oo habeennimadii xalay ay geysteen, ka hor kulan ay Khamiista maanta yeelan lahaayeen Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, kaasoo ku saabsan qorshaha la doonayo in lagula wareego magaalada ugu weyn ee Marinka.

Saraakiisha magaalada Gaza ayaa sheegay in Falastiiniyiintu ay bilaabeen in ay isaga cararaan qeybo ka mid ah magaalada kadib markii ciidamada Israel ay bilaabeen wajigii hore ee duulaanka dhulka ah.

Boqolaal falastiiniyiin ah ayaa ka barakacay xaafadaha Zeitoun iyo Sabra ee magaalada Gaza oo ku wajahan dhanka waqooyi-galbeed ee magaalada.

Ciidamada Israa'iil ayaa la wareegay gacan ku haynta duleedka magaalada oo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah, ka dib markii ay maalmo ka socdeen duqeymo xooggan oo dhanka cirka iyo madaafiicda ah.

Afhayeenka milatariga Israel Avichay Adraee ayaa ku qoray barta X in ciidanku ay bilaabeen in ay u sameeyaan wax uu ku tilmaamay baaqyo digniin ah oo hordhac ah oo ay u jeedinayaan hay'adaha caafimaadka iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawlgala waqooyiga Gaza, isaga oo ku wargeliyay in dadka degan magaalada Gaza ay bilaabaan isu diyaarinta in ay u baxaan koonfurta.

qax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Adraee ayaa siidaayay cod maqal ah, kaas oo uu sheegay in uu muujinayo sarkaal Israa'iili ah oo u sheegaya sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka Gaza in cisbitaallada koonfurta Marinka Qaza ay sidoo kale isu diyaariyaan qaabilada bukaannada xarumaha caafimaadka ee waqooyiga, kuwaas oo sidoo kale ay tahay in laga saaro aagga.

Tani waxay ku kaliftay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres inuu dib u cusboonaysiiyo baaqiisii ahaa xabbad-joojin degdeg ah "si looga fogaado dhimashada iyo burburka" uu weerarku si "lama huraan" u horseedi doono.

Qaar badan oo ka mid ah xulafada Israa'iil ayaa cambaareeyay qorshahan, iyadoo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu Arbacadii ka digay "in uu kaliya u horseedi karo masiibo soo wajahda labada shacab isla markaana uu gobolka oo dhan u soo baneynayo khatarta ah inuu galo dagaal joogto ah."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Khamiis ah ku sheegtay in Masar ay muujinayso "cabaarayn xooggan" ee ay ku hayso siyaasadda Israa'iil ee sii kordheysa iyo isballaarinta ay ku hayso dhulalka Falastiiniyiinta, oo labaduba ah daanta galbeed iyo marinka Qaza.

Bayaanka ayaa lagu macneeyay in sii wadida "dambiyada habaysan" ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo sii wadida qorshaha lagu barakicinayo falastiiniyiinta ay sii xumeyn doonto xaalada cakiran ee horey u jirtay oo ay ka tarjumayso sida ay Israa'iil gabi ahaanba u ixtiraami la'dahay dadaalada dhexdhexaadiyeyaasha iyo heshiiska la soo jeediyay si loo gaaro xabad joojin, sii deynta la haystayaasha iyo maxaabiista, iyo fududaynta qulqulka gargaarka bini'aadanimo.

Sida lagu sheegay bayaan ay Wasaaradda Caafimaadka ka soo saartay Marinka Qaza gelinkii dambe ee Khamiista, tirada dadka ku dhintay dagaalka Marinka ayaa gaadhay 62,192 tan iyo bishii Oktoobar 7, 2023.