Maxaad ka ogtahay halista caafimaad ee laga digay ee ku aadan baalasha lagu xirto indhaha?

il

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baalasha indhaheeny waxay qabtaan shaqo aad u muhiim u ah. Waxay celiyaan waxyaalo badan oo ka mid yihiin bakteeriyo ama fayris gali lahaa jirka kuwaas oo dhibaato xoog leh gaysan lahaa.

Shaqooyinka ay qabtaan ayaa waxaa ka mid ah in ay hawada xooggan ee socota ka celiyaan isha dusheeda, waxyaabaha duulaya ee wasaqda ah, iyo in ay noo suuragaliyaan in aan libiqsano iyo sidoo kale in ay u sahlaan indhaheena in ay mar walba saliideysmaan.

Hadaba baalasha aan rasmiga ahayn ee indhaha ayaa ah kuwa ka sameysan maaddo aan la jaanqaadi Karin habka dabiiciga ah ee jirku u hawlgalo, waxaana lagu tixaa kuwa rasmiga ah.

Baalashaan ayaa ah kuwa laga sameeyo waxyaalo badanoo ay ka mid yihiin xasiig, timo xayawaan laga soo jaray ama xataa kuwa fardaha. Koolo ayaa loo isticmaalo si loogu dhijiyo indhaha, taas oo dhiibaato sababta.

Khubarada waxyaalaha la isku qurxiyo ayaa waxa ay sameeyaan tijaabooyin ay ku sameeyeen wax soo saarkooda taas oo ay baalasha ku tijaabiyaan cumaacumtooda ama dacalka dhagahooda, si ay u ogaadeen hadii koolooyinkaasi ay keenayaan allarji iyo in kale; balse hadii aysan wax xasaasiyad ah kicin xitaa kiimikooyinka ku jira koolada ayaa waxay sababi karaan in cuncun uu ku dhaco isha, ama xataa cadadka koolada ee meesha saran ayaa waxay uu sababi karaa in ishu xanuunsato.

il

Xigashada Sawirka, Getty Images

In si sax ah meesha loogu dhajiyo baalasha ayaa ah iyana ah mid aad muhiim u ah. Waxaa jira warbixino la xiriira dad baalsha indhaha ee macmalka ah ay uga dhageen maqaarka ka hooseeya baalsha rasmiga ah e indhaha.

Walwalka ugu wayn ayaa ah in koolada aad loogu dhaweeyo maqaarka ka hooseeya baalasha rasmiga ah ee indhaha, taas oo ay mar walba qalad tahay in halkaas kooladu taabato.

Sida ay qortyay cilmi baaris la daabacay in ka badan 60% haween isticmaalay baalshaan ayaa waxa ku dhacay xaaladda keratoconjunctivitis – oo ah xaalad indhaha ku sababta in ay caabuqaan, xaaladdaan ayaana dhacda marka nidaamka xirashada baalshu uu taabato isha.

Dhanka kale daraasadda ayaa sheegtay in 40% haweenka isticmaala ay ku dhacday xasaasiyad daran.

Koolada Carcinogenic ga

Mar waxaa jiri jirtay koolada cidiyaha la saarto ee aadka u xoogan loo isticmaali jiray in baalsha indhaha lagu xirto oo aagga isha la mariyo.

Xaaladihii ugu xumaa ee taasi sababtay ayaa waxaa ka mid ahaa markii si qaldan haweeneey ay baalsha indhaha ee macmalka u rakibatay oo ay isku dhageen kuwii rasmiga ahaa iyo kuwii macmalka ahaa kadib markii ay isticmaashay koolada aadka u awoodda badan ee loo yaqaano koolla-birta.

il

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baalasha indhaha ee la dheereysto ayaa waxay sababi karaan halisyo caafimaaf. Hal daraasad ayaa sheegtay in 37 nuuc oo ah baalasha indhaha eek u meelgaarka ah in ay kooban yihiin kiimikada carcinogenic ee sababi karta kansarka.

Daraasadda ayaa waxay falanqaynteeda ku ogaatay in 75 boqolkiiba 20 nuuc oo baalshaas indhaha ee ku meelgaarka ag ay leeyihiin kiimikada formaldehyde.

Qaar kamid ah kuw aleh kiimikada formaldehyde ayaan xusin in kiimikadaasi ay ku jirto wax soosaarkooda.

Xaaladda ugu daran ee laga soo tabiyo baalasha indhaha ee macmalka ah ayaa ah tan loo yaqaan blepharitis – waa xaalad sababta in indhaha caabuq darani galo oo yeeshaan gaduud xinjir ah.

Dhinacyada maqaarka ay baalasha indhuhu saaran yihiin ayaa waxa ay ka kooban yihiin unugyo kooxo ah oo u sahla baalsha rasmiga ah in ay halkaas ku dul koraan, qaybtaas ayaan waxa ay leedahay laba nuuc oo qanjiro ah oo soo saara walxo daawo ah oo ka hortaga sameysanka bakteeriyada ku dhacda indhaha.

Hadaba waxaa is badal ku dhacaa nidaamkaas oo dhan maadaama aagga sida dabiiciga ah isku daweeya lagu dhajinayo koolo taas oo horseedeysa in bakteeriyo ay ku dhalato goobta.

Sidoo kale cillad kale ayaa waxay ka jirtaa nadaafad darrada laga yaabo in ay ka jirto meelaha lagu sameeyo qurxinta dumarka.