Maxaa laga fili karaa ciidanka baarlamaanka Turkigu ansixiyey inay ka hawlgalaan Soomaaliya

Askari Turki ah

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, Farah Lamaane
    • Role, Saxafi BBC

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshin ka yimid madaxweyne Erdogan, kaasoo askar milateri ah loogu daabulayo Soomaaliya muddo laba sano ah, si ay gacan uga gaystaan amniga iyo “ka hortagga argagixisada” iyo khataraha kale, sida ay labada dal ku wada gaareen heshiiska iskaashiga difaaca.

Mooshinka oo uu saxiixay madaxweyne Racep Tayyip Erdogan ayaa waxa uu sheegayaa in Turkigu uu Soomaaliya u fidinayey tababar, kaalmo iyo talo muddo ka badan 10 sano “si loo xaqiijiyo amniga iyo deganaanshaha, gacanna looga gaysto amaanka iyo deganaanshaha, iyo dib u qaabaynta ciidanka difaaca iyo amaanka si ay ula dagaallamaan argagixisada”.

Mooshinka ayaa sida ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dawladda Turkiga wuxuu iftiiminaya in tan iyo 2009 ay milateriga Turkigu si firfircoon uga qayb qaadanayey taageerada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo falalka argagixiso ee gacanka cadmeed, meelaha ka baxsan xeebaha Soomaaiya, badda Arabiya iyo gobollada u dhowdhow.

Mooshinka wuxuu kaloo xusay sida ay warbaahinta dawladda Turkigu sheegtay in Turkiga uu markii 5aad, wixi ka billowda bisha Luulyo hogaamin doono ciidanka wadajirka ah ee CTF-151.

Xerada ciidanka Turkiga ee Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Anadolu

Wuxuu hoosta ka xariiqay, walow Soomaaliya ay leedahay “dad iyo tas-hiilaad ku filan”, misna in aysan Soomaaliya gaarin “heerkii laga rabay sababo la xiriira caqabadaha dhaqaale dartood.

“Hadafka ayaa la jaanqaadaya qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya ee lagu qaatay shirkii amniga ee Soomaaliya ee Turkiga u ku martigeliyey New York 12 Diseembar 2023, waxaana looga gol leeyahay in Soomaaliya mustaqbalka dhow si buuxda u qaaddo mas’uuliyadda amnigeeda” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta Turkiga.

BBC Waxay imaanshaha ciidankaas iyo waxa uu ka qaban karo amniga Soomaaliya hordhigtay Cabdirashiid Xaashi oo agaasime ka soo noqday machadka Cilmibaarista ee Heritage, horena cilmi baaris ugu sameeyey arrintan.

Aragtidiisa wuxuu ku saleeyey heshiiskii amniga ee dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga iyo isu soo dhawaanshaha labada dal ee dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey.

“xiriirka labada dal markii uu billowday waxaan ahaa cilmi baare. Turkiga 2011 waan waraystay. Ganacsatadooda waxay igu yiraahdeen ‘waxaan rabnaa in Soomaaliya ay noqoto halka aan Afrika ka soo galayno maadaama aan haysanno badeecad ka jaban tan Yurub, kana tayo fiican tan Shiinaha’. Maadaama Soomaaliya ay xilligaas dhibaato ka jirtay, markii aan u baahannayna ay noo yimaadeen, hadeerna ay xerada ugu weyn ku leeyihiin Soomaaliya in ay ciidanka nala dhisaan, baddana nala waardiyeeyaan cid uga xanaaqi karta ma jirto” ayuu yiri.

Baarlamaanka Turkiga

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ciidanka Turkiga ee imaanaya Soomaaliya wuxuu Cabdirashiid Xaashi ku xiray danaha istaraatijiyadeed ee uu Turkigu ka leeyahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ka codsatay inay “badda la waardiyeeyaan”, ayadoo uu dhinaca kalena hore u jiray heshiis dhaqaale oo labada dal u dhaxeeya.

Isla qodobkaas wuxuu meesha ka saaray cabdirashiid Xaashi in uu jiro dareen ah in Turkiga uu leeyahay istaraatijiyad ah in falsafaddii Imbiradooriyaddii Cusmaaniyiinta uu Afrika keeno, Soomaaliyana ay noqoto halka uu qaaradda ka soo galayo.

Laakinse Cabdirashiid oo ah dadka aadka uga soo horjeeda heshiiski afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland horraantii sannadkan wuxuu meesha ka saaray in imaanshaha Turkiga ay ka dhalan karto xiisad weyn oo salka ku haysa heshiiskaas. “Soomaaliya haddii ay oodda soo rogato waa dhici kartaa in darbiga ay dad iska taagtaagnaadaan oo ay fiiriyaan in laga soo boodi karo, inuu garto waxaan in aysan shaqaynayna way dhici kartaa oo uu iska kala jiireeyo” ayuu yiri isagoo hadalkaas ugu duur-xulayey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay heshay gacantii ay u baahnayd “Soomaaliya hiil bay heshay, in la dardaro ayaa la rabay, tun jilicsi baa la rabay, intii uu Soomaaliya ku dayey baa isna haysata”.

Mar ay BBC wax ka weydiisay in labo sano ay ku filan tahay ciidanka Turkiga ee imaanaya inay ku qaban karaan hawlaha loo igmaday ayuu sheegay in muddada ay intaa badanayso “heshiiska Turkiga lala galay ayaa dhigaya in toban sano ciidanka badda ee Soomaaliya lala dhiso, ciidanka dhismihiisa waa sida iskuul oo kale toban sano in ka badan ayey qaadan kartaa, ciidanka hadda imaanayana ma aha ciidan u imaanaya inay Shabaab la diriraan, inkastoo uu Turkigu taageero milateri u fidiyo hawlgallada Al Shabaab” ayuu si raaciyey Cabdirashiid xaashi.