Cayaartoyga Soomaaliya ku matelaya Olombikada Paris oo BBC uga warramay rajadiisa guusha ee tartanka

Xigashada Sawirka, Cali Iidow
- Author, Mohamed Bashi Khalif
- Role, Wariye
Magaalada Paris, waxaa si rasmi ah ugu socda ciyaaraha caalamiga ah ee Olombikada caalamka, halkaas oo ay isugu tageen boqolaal ciyaaryahan oo ka qayb galaya noocyada kala duwan ee tartamadaaas iyo malaayiin kale oo isu jira taageerayaal iyo daawadayaal kale.
Dhacdadan caalamiga ayaa mid afartii sanaba mar adduunka ku midaysiisa noocyada ciyaaraha ee laga ciyaaro caalamka oo dhan.
Sanadkan oo Faransiisku marti galinayo waa mid si gaara loogu xusi doono in ciyaaruhu sal u yihiin dhammaynta kala qayb sanaanta caalamka.
Cali iidow Xasan, waa ciyaaryahaanka sanadkan Soomaaliya ku matali doonaa, Wuxuu BBC-da u sheegay inay farxad u tahay inuu dalkiisu ku matali doono tartan kale oo caalami ah.
Wuxuu sheegay in muddo sanado ah uu u diyaar garoobay tartanka uuna rajayno inuu guul ka soo hooyo.
“Waxaan ordi doonaa oradka 800 mitir ee Olombikada Paris, waxaana runtii soo sameeyey tababar wanaagsan, waxaan muddo toddobo sano ah ku tababaranayey dalka Itoobiya, inkasta oo aan oroddo horrey si fiican u soo orday oo guulo aan ka gaaray”ayuu BBC-da u sheegay.
Cali, wuxuu intaa ku daray inuu ordo oraddada dhexe gaar ahaan 800 iyo 1500 oo mitir.
Qiimaynta orodka ee u yaalla Olombika ee ka qayb galka tartamada waxay ku xiran yihiin saacadda ay ku ordaan orodyahanada ka qayb galayaa orodada heerka dhexe.
Sida uu BBC-dau sheegay Cali, wuxuu isku dayey inuu buuxiyo heerkaas balse aysan u suura galin.
“Ka hor Paris, ananaga ciyaartooy badan ayaan ahayn, waxaan isku daynay inaan saacad helno, oo waliba waxaan noqday qofkii ugu fiicnaa ee saacadaha badan isku dayey, 1500 mitir waxaan ku orday 3:36:00 , balse u qalmida Olombika waxaa uu ahaa ku orodo 3:33:50, waxaan ku waayey ka qaybka orodkaas wax labo ilbiriqsi” ayuu yiri Cali
Hadda orodyahan Cali, wuxuu tartankiisa ugu horreeya ka qayb galayaa toddobada bisha Ogoosto ee soo aadan xili barqaa tartan ka dhacaya Paris.
“Waxaan rajaynayaa guul anigoo matalaya malaaayiin Soomaaliyeed, rajadayduna waa fiican tahay, xiriirka ciyaaraha fudud iyo Olombikada waxay noo muujiyeen dadaal fiican aniguna waan dadaali doonaa” ayuu yiri Cali.
Tartamadii horrey usoo galay iyo sidii ku bilaaabay

Xigashada Sawirka, Cali Iidow
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cali Iidow Xasaan, wuxuu orodkiisa soo bilaabay isagoo dhigta fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe sanadkii 2014-kii.
Markii uu dugsiga sare dhiganayey ayuu sheegay Cali, inuu fursad u helay inuu ka qayb galo tartanka iskoolada Muqdisho.
“Markaan dugsiga sare dhammeeyey waxaan diiradda saaray orodka, halkaas ayaan dadaal badan galiyey, bilowgaygii waxaa i gacan qabtay maamulkaygii Iskoolka, markaas guddiga Olombikada ay ciyaarayahaas soo qaban qaabiyeen iyadoo la doonayey cidda matalaysa dalka Olombikadii Brazil” ayuu BBC-da u sheegay Cali Iidow.
Intaa ka dib Cali, waxaa u furmay tartamadiisa orodada ee ka baxsan dalka isagoo ka qayb galay tartamo ka dhacay Qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo hadda uu Yurub joogo.
Sanadkii 2015-kii waxaa ka qayb galay tartankii All African Games, oo ka dhacay dalka Kongo Barasafil, kaas oo uu orday 1500 mitir. Tartankaas waxaa ka galay kaalinta 6-aad.
Sanadkii 2017-kii, Tartankii Islamic Games ee ka dhacay dalka Azerbijan ayuu ka qayb galay kaas oo uu orday 1500 mitir. Tartankaas wuxuu galay kaalinta afaraaad.
Sanadkii 2018-kii african Champion ship, wuxuuna orday 800 miter kaas oo ka dhacay dalka Nigeria.
Sanadkii 2021-kii, Cali wuxuu ka qayb galay ciyaarihii Olombikada ee Tokiyo, kaas oo uu orday 1500 mitir. Tartankaasna wuxuu galay kaalinto 10-aad.
Sanadkii 2022-kii, tartamo ka dhacay Jabuuti, ayuu ku orday 800 iyo 1500 mitir kuwaas oo galay kaalinta 2-aad.
Sanadkii 2023-kii ayuu kaalinta labaad ka galay tartankii orodka ee ka dhacay Jabuuti kaas oo uu orday 1500 mitir.
Isla sanadkaas ayuu tartanka orodka ee Arab Championship ugu qayb galay dalak Morooko.
Sanadkan 2024-kii ayuu Cali galay tartamo heer caalami ah kuwaas oo kala ahaa
Jabuuti ayuu orday 1500 mitir orodkii ka dhacay kaas oo uu galay kaalinta 1-aad.
Isla sanadkan tartan orod oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta ayuu galay kaalinta afaraad isagoo ku ordayey 1500 mitir.
Halka kii ugu danbeyey ee sanadkan uu hadda u joogo dalka Faranskiis oo ordi doono 800mitir.
Waa Kuma Cali Iidow?

Xigashada Sawirka, Cali Iidow
Cali Iidow Xasan, waxaa uu ku dhashay degmada Diinsoor ee gobolka Bay bishii luulyo sanadkii 1998-dii.
Waxaa yaraantiisii uu ku soo barbaaray magaalada Diinsoor oo quraanka ku soo bartay, basle waxaa isagoo siddeed sano jira la geeyey magaalada Muqdisho
Heerkiisa waxbarasho ayuu ka gaaray dugsiga sare.
Cali waa shaqsiga kaliya ee hadda Soomaaliya ku matali doona tartanka orodka ee 800 mitir.
Soomaaliya ayaa ilaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka dunida ee ka qayb gala tartamada si gaara waxay Soomaaliya aad ugu muuqdeen bari-samaadkii dhanka Teniska iyo Orodka.
Sanadkii 1987-kii halyeygii oroda Soomaaliya Cabdi Bile Cabdi ayaa ku guulaystay bilaha dahabka ciyaarihii orodka ee 1500 Mitir, Olombikadii lagu qabtay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.













