3 xayawaan oo leh awood aan caadi ahayn oo ay ku ogaan karaan xanuunada ku dhaca jrika aadanaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka aad rabto in aad is baarto si aad u igaato in xanuun ku hayo, waxaa laga yaabaa in aad u maleyso in aad u baahan tahay qalab qaali oo eegi kara waxa ka socda gudaha jirkaaga iyo maqaarka hoostiisa.
Balse in kasta oo qalbyada haartan la isticmaalo ay aad u fiican yihiin, iyaga kaliya ma ahan kuwa lagu ogaado xaaladaha jirka. Xaqiiqadii saddexdaan noole mid ka mid ah oo lagaba yaabo inaad guriga gaystao ayaa wax sheegi kara.
Waxaa jira kiisas badan oo dadka xayawaanada rabaysta ay ogaadeen xanuuno la soo darsay, waxaana ogaaday xayawankii la noolaa iyaga.
Tusaalooyin badan oo waxaa jira dad eeyo lahaa ay arkeen eygooda oo isku dayaya in uu leefo meel ka mid ah maqaarkooda, muddo kadibna ay ogaadeen in meesha uu ku yaalay kansar daran oo maqaarka ku dhaca.
Xaqiiqdii, xayawaano badan oo uu kamid yahay gooryaan lagu arko shaybaarka, quraanjada, dooliga iyo eeyaha, ayaa waxay ku guuleysteen in ay ogaadaan xanuuno ku dhacay dad bani’aadan ah iyo xitaa in ay fahmaan xanuunka haya walxo laga soo qaaday jirka qof xanuunsan.
Xanuunada ay sheegeen ayaa ah kuwa kala duwan, waxaana ka mid ah kansarka, infakshin ku dhaca kaadida iyo xitaa xanuunka covid-19.
Xanuunadaana ayaa badidood waxay yihiin kuwa halis ah, waxayna ka dhigaan dadka ay ku dhacaan kuwa jilicsan oo difaaca jirkoodu hooseeyo, marka waxaa wanaagsan in xilli horaba la sii ogaado.
Hadaba kuwano waa xayawaanada ugu wanaagsan ee sheegi karaya xanuunada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Eeyaha
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inta la ogyahay waa xanayawaanka ugu waangsan ee sheegi kara xauuno badan oo ay ka mid yihiin jaraysaka, kansarka iyo malaariyada.
Suuxdinta iyo dhiigkarka nuuciisa sokortu hoos u dhacdo ayaa kamid ah xanuunada ay sheegi karaan eeyda, balse waa uun kaliya kuwa loo tababaray hawshaas,
Dareenka urka ee aadka u sareeya ee ay leeyihiin eeydu ayaa ah kan muhiimka ah ee awooda u siinaya in ay sidan wax u ogaadaan. Xaqiiqda ayaa ah in dareenka urka ee eyda uu yahay mid 10,000 oo jeer ka heersareeya kuwa ay leeyihiin aadanuhu. Xitaa waxay sankooda u isticmaali karaan inay baaraan ur cusub oo aysan horay u arkin.
Eeyda kuwa la taabaro ayaa ah kuwa sankooda la baro nuuc ur oo ay tahay in ay aqoonsadana markii ay aagga ka jirto, waxaana loo tababaraa qaab abaal marin in la siinayo markii ay urka gartaanba, sida in boonbale la siiyo oo kale. Kadibna waxaa lagu sii tababraa isbadalka ku dhaca jirka iyo dabeecadda qofkaba, sidaas ayayna suurgal ugu tahay in ay aqoonsadaan qofka suuxdinta qaba.
Eeyda nuucaan loo tababaro ayaa gabi ahaanba istaagga marka ay urka aqoonsadaan iyaga oo sugaya abaal marinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jiirka
Jiirka ayaa isna xayawaan aad ugu wanaagsan in uu aqoonsado waxyaabaha qaar.
Waxaa jira nuuc waawayn oo Afrika laga helo oo loo tababaray inuu uriyo qaraxyada iyo miinooyinka dalka Mozambique.
They are also proving to be valuable partners in medical detection, playing an important role in
Sidoo kale waxaa la ogaaday in ay aad qiimo ugu leetyihiin u adeegsada caafimaadka gaar ahaan wax ogaanshaha, sida ay ogaan karaan TB da ama qaaxada iyaga oo urinaya tijaabooyinka laga qaado qofka looga shakisan yahay.
Jiirku aad ayuu dhabtii u dagdagsiimo badan yahay waxa uuna woodaa in uu 20 daqiiqo gudahood isku maro ilaa 100 tijabao oo laga qaaday bukanao. Iyaga oo adeegsanay awoodooda wax urinta ayaa wax aay sheegi karaan nuuca kiimiko eek u jirta tijaabada laga qaaday qofka qaba qaaxad. Markii ay shaqo qabtaanba waxaa la siiyaa avocado iyo moos.
Jiirk ayaa awooda inuu sheego kiisaska qaaxada %81 markiiba.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shinida
Cayayaanka shinida ayaa waxa uu awoodaa in uu aqoonsado qaar kamid ah xanuunada oo ay ka mid yihiin kansarka ku dhaca sanbabada, qaaxada iyo xanuunka covid-19.
Waxay aad xasaasi ugu yihiin aqoonsashada urka la baro, waxaana ay taas kala mid yihiin eeyaha iyo jiirka.
Shinada ayaa markii la tababaryo waxaa la gu tababaraa in ay helayaan abaal marin sokor ama macaan ah.
Shinada ayaa baaxadda jirkeedu ka sii dhigayaa mid muhiim ah maadaama ay ka isticmaal yar tahay eeyda iyo jiirka intaba.













