Xirfadle aqoon uu Youtube ka bartay bishii ka sameeyay ugu yaraan kun iyo shan boqol oo doolar

Xigashada Sawirka, getty
Hal abuurka shaqo ee xirfadaha digitalka ayaa il dhaqaale u noqon kara dhallinyarada.
Maanta dalal badan oo qaaradds Afrika waxay eegayaan dhaqaalaha Aasiya kaas oo si xowli ah u kobcaya. Dalka Singapore oo aan laheyn kheyraad dabiici ah waxay madaxda dalka fahamsan yihiin in hantida ugu weyn ay haystaan ay tahay dadkooda, waxayna sameeyeen siyaasado ay ku qalabeynayaan shacabkooda oo ah in ay lahaadaan xirfado sare.
Xirfadaha digitalka waa furaha fududeeya hal abuurka dhaqaale ee farsamada casriga. Inta badan geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya dhallinyarada waxay aad u isticmaalaan taleefoonada casriga, taasna waxay ka dhigeysaa in ay la socdaan tiknolojiyadii ugu dambeysay.
Qaab ceynkee ah ayey ugu faa’ideystaan tiknolojioyada casriga?
Internet-ka xawaarihiisa uu sareeyo oo noqday mid meelo badan laga heli karo iyo teleefoonka gacanta oo inta badan dadka haystaan ayaa fududeeyay in ay ka faa’ideystaan dhallinyaro badan.
Tiknolojiyada casriga dhammaan qeybaheeda waa wax ay ku shaqeystaan oo ay adeegsadaan Soomaali badan oo ku nool geeska Afrika balse waxa ugu badan oo si weyn u muuqda waa baraha bulshada iyo hal abuurka digitalka.
Filimada iyo sida loo sameeyo xayeesiinta casriga hadii ay ahaan laheyd tan qoraalka ama midda muuqaalka waa wax aad ka arkeyso qaabka loo sameeyo in ay horumarsan tahay.
Khadar Maxamuud Shire waxa uu ka mid yahay dhallinyarada digitalka la jaanqaaday ee shaqo-abuurka ka sameeyay. Waxa uu leeyahay isaga iyo saaxiibadii la shaqeeya shirkadda Ifiye oo sameysa dacaayadaha muuqaalka iyo kuwa kale ee boororka lagu qoro. Khadar wuxuu yiri fursad ayaan ka dhex arkay in aan bilaabo howshan.
“Markaan arkay in ganacsatada ay u baahan yihiin in la horumariyo qeybaha digitalka ee ganacsigooda ayaan go’aansaday in aan wax ka beddalo, waxaan sameynaa boorarka, muuqaalada dhaqdhaqaaqa iyo kuwa la jilayo”
Duubista muuqaalada ganacsiga ee dacaayadda waa waxyaabaha ugu badan ee shirkadiisu sameyso, waxayna gaarsiisay in ay u noqoto shaqo ay ku noolaadaan oo bishii ay ka soo gasho ku dhawaad labo kun oo dolar. Waa hal abuur-ganacsi oo ku bilowday xirfad ay barteen dhallinyarada uu khadar horkacayo.

Xigashada Sawirka, bbc
Sidee ugu suuragashay in ay bartaan xirfad aysan iskuul u galin?
In aqoontooda ay gaarsiiyeen heer ganacsatada wax loo samenayo ay ku qancaan bandhigooda waxaa saldhig u ahaa aqoon kororsiga joogtada ah ay ka helaan baraha bulsho sida YouTube-ka oo inta badan laga helo khubaro sharaxeyso xirfad loo baahan yahay.
Khadar wuxuu BBC u sheegay in shaqsiyan uu uga bartay farsamadan baraha bulshada gaar ahaan Youtube-ka oo uu ka bartay waxyaabo badan.
“Dhaqaalaha qoyskeygu waa hooseeyay mana jirin meel kale oo aan wax ka keeno, teleefoonka gacanta sida Iphone-ka ayaan ku bilownay halkaas ayuu kobaca ganacsigeena ka bilowday”
Khadar oo noo sheegay in hadda ay haystaan qalab casri ah ayaa noo sharaxay caqabadaha ugu weyn ee ay la kulmeen in ay aheyd bulshada oo aan fahamsaneyn faa’idada suuqa digitalka.
“Caqabada ugu weyn waa bulshadeena oo aan fahamsaneyn suuqgeynta digitalka faa’idada ay u leedahay ganacsigooda”
Maalqabaneeda adduunka ee ka hodmay digitalka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka adduunka ugu hodansan kuwa ugu horeeya qarnigan waa kuwa ka sameeyay macaashka farsamada casriga iyo internetka. Taasna waxay ku tusineysaa horumarka weyn ay keeneyso.
Jeff Bezos waxa uu haystaa hanti dhan 206.3 bilyan oo doolar. Waxaa uu gurigiisa ugu qaalisan ku yaalaa xaafadda Medina ee Magaalada Washington. Hantida waxa uu ka sameeyay shirkadda Amazon ee lagu iibiyo alaabaha dhanka Intarnetka
Mark Zuckerberg waa milkiilaha caanka ah ee shirkadda Facebook iyo WhatsApp wa nin dhallinyaro ah, hantidiisa waaxaa lagu qiyaasay 173.5 bilyan oo doolar. Mark waxaa uu guri ku leeyahay Magaalada Palo Alto ee gobolka California.
Da'yarkan hantiilaha ah ayaa inta badan dhaqaalihiisa la sheegaa in uu geliyo ganacsiyo kale oo aan ka ahayn kuwa teknolojiyadda ee lagu yaqaano, waxaana uu guri ku leeyahay Magaalada Dolores Park ee gobolka San Francisco.
Bill Gates, madaxa shirkadda Microsoft ayaa magaalada Washington ku leh qasri caan ah oo lagu qiyaasay in uu ku fadhiyo lacag dhan 170 milyan oo doolar. Bill ayaa meelo kala duwan oo Mareykanka ah ku leh huteelo iyo guryo nooca raaxada ah. Hantidiisa oo gaareysa 133.7 oo doolar waxa uu ka sameeyay shirkadda Microsoft.
Hadaba Hal abuurka shaqo ee xirfadaha digitalka ayaa il dhaqaale u noqon kara dhallinyarada












