Atooraha Hindiga ah ee lagu eedeeyay in uu dilay qof taageerihiisa ah

Xigashada Sawirka, Darshan
Dawladda Hindiya ayaa waxay xabsigau taxawday atooraha lagu magacaabo Darshan Thogudipa, oo xiddig ka soo muuqda shaleemooyinka laga sii daayo filimada ku baxa luuqada Kannada ee lagaga hadlo gobolka ku yaalla koonfurta Hindiya ee Karnataka.
Jilaagaan oo la xiray muddo 10 maalmood haatan laga joogo ayaa waxaa lagu eedeeyay fal u eg sida filin qiyaano la jilayo.
Darshan, waxa uu ka mid noqday 17 qof oo booliska Hindiya ya u xireen dil loo gaystay Renukaswamy – 33 jir taageere u ahaa jilaaga – kaas oo maykiisa la helay.
Horaantii todobaadkaan ayaa taliyaha booliska magaalada Bengaluru, P Dayananda waxa uu sheegay “In nin ka laga magacaabo Renukaswamy loo dilay si cadawnimo ah” waxa kale oo uu ku qeexay dilkiisa “fal wuxuushnimo ah oo loo fuliyay qaaf argagax leh”.
Boolisku waxay sheegeen in jilaagaan 47 jirka uu ku xanaaqsanaa dhibanaha oo u shaqeynayay shirkad daawooyinka soo saarta, maadaama uu baraha bulshada ku faafiyay fariimo dhaqan xumo ah oo uu u diray gabar ay xiriir lahaayeen jilaagan Darshan ee haatan xiran.
Tuhmanayaasha ayaa waxaa lagu eedeeyay danbiyo ay ka mid yihiin “dil, afduub, cadeymo baabi’in iyo shirqqol”.

Xigashada Sawirka, KASHIF MASOOD
Darshan ayaa waxa uu haatan ku xiran yahay xabsi, wax fikir ahna kama uusan dhiiban eedeymaha loo soo jeediyay, laakiin qareenkiisa Ranganath Reddy oo BBC da la hadlay ayaa sheegay in uu diiday eedeymahaas.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaani eedeymo uun haatan. Booliskuna ma hayaan cadeymo toos ah oo lau hayo Darshan. Kiiska oo dhan ayaa ku salaysan cadeymo aan toos ahayn.” Sidoo kale in Darshan iyo gabadha lagu magacaabo Pavithra ay is qabaan ayu uku sheegay in ay tahay “been wayn.”
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xiddigaan haatan maxbuuska ah ayaa waxa qayb wayn ka qaatay ilaa iyo 60 film oo ku baxay luuqadda Kannada, kuwaas oo intooda badani ay heleen dhagaystayaal aad u badan.
Shiva Kumar oo ka faalooda aflaanta ayaa yiri: “Waa xiddiga ugu way nee filimada luuqada Kannada, waxa uuna leeyahay taageerayaal farabadan. Masawiradiisa ayaaba buux dhaafiyay qaybta dambe ee bajaajyada.”
“Darshan waa jilaaga kaliya ee bilowga filinka aad u macaaneeya.” Waxaa sidaas isna sheegay soosaaraha filiamada Kannada Yogesh Dwarakesh. Waxa uu intaas raaciyay: “Filimaantiisa waxaa laga daawadaa 600 – 700 oo shaashadaha waawayn ah markiiba, kuwaas oo ku kala yaalla 400 oo tiyaatar, taageerayaashiisuna waa ay jecel yihiin. Waa xiddig mar walba guula keena, filinkiisii ugu dambeeyay ee 'Katera', waxa uu keenay faa’iido ka badan 1 bilyan oo Ripe oo dhiganta ($12 milyan oo doolar) taasina waxay ahayd guul wayn.”
Sida la sheegay waxa uu kaalimihiisa filimada ku qaataa markiiba, lacag dhan 200-250 milyan oo Rupe, oo ah lacag aan a qiyaasi Karin marka loo eego shirkadaha filimaanta ee gudaha, taas oo caan ku ah lacagteeda yar iyo in filimaantooda aan laga wada dayn ama laga daawan gobolada dariska la ah kooda.

Xigashada Sawirka, KASHIF MASOOD
Sidaas daraadeed waxaan la yaab noqon in tan iyo markii boolisku hotel uu daganaa si uu film u duubo ka xireen Darshan in magaciisu ku yaalay ciwaanada warbaahinta Hindiya. Film kiisa cusub ee duubayay ayaa lagu magacaabaa ‘Sheydaan2.
Inta la ogyhay boolisku ma aysan keenin xog la xiriirta cadeymaha ay hayaan – hadiib ay jiraan – kuwaas oo ka dhan ah jilaaga iyo tuhmanayaasha kale, balse warbaahinta gudaha ayaa qortay eedeymo aan xaqiiqada ka turjumayn oo booliska ay ka soo xigteen.
Muuqaal ay duubta kaamirada CCTV oo caad ku aadan yahay ayaa la sii daayay talafishinada qaar, kuwaas oo wariyeyaashu ku sheegeen in uu muujinayo afduubkii Renukaswamy.
Sidii uu kiiskaan usoo ifbaxay ayaa waxaa aad loo hadal hayay nolosha gaarka ah ee Darshan, taas oo ay qayb ka tahay xiriirka kala dhaxeeya xaaskiisa Vijayalakshmi iyo haweeneey lagu magacaabo Pavithra Gowda – sheekooyin la xiriir haween uu xiriir lalahaan jiray ayaa aad loogu soo celceliyay baraha bulshada iyo wararka warbaahinta intaba.













