Roobab ka da’aya Mumbai 'oo go’doomiyay' atoore caan ah?

.

Xigashada Sawirka, NDTV

Qoraalka sawirka, Tiger ayaa sheegay inuu u dabaalan doono gurigiisa

Roobab xooggan ayaa maanta oo Sabti ah ka da'ay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, waxayna u muuqataa in jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka ee lagu magacaabo Tiger Shroff uu xayirmay.

Tiger ayaa roobka mahiigaanka ah la kulmay xilli uu dib ugu laabanayay gurigiisa, sida lagu qoray boga internet-ka ee wargeyska Hindustan Times.

Atoorahan jilay filimka Baaghi 2 ayaa maanta bartiisa Instagram-ka taageerayaashiisa kula wadaagay sawir uu qoraal uga dhigay: "Waxay ila tahay inaan dabaal ku tagi doono gurigeyga maanta".

Roobabka mahiigaanka ah ayaa Mumbai ka billowday maalintii Jimcada, waxayna si aan kala joogsi lahayn u socdaan ilaa galinkii dambe ee maanta, iyagoo sababay daadad qulqulaya qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Ka bood Instagram boggan, 1
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan, 1

Isu socodkii gaadiidka ayaa noqday mid ciriiri ah, daadadka awgood, waxayna cabasho xoog leh ka soo yeereysaa dadweynaha.

Sidoo kale waxaa la baajiyay duullimaadyo badan oo ka qorsheysnaa garoonka magaalada Mumbai.

Halka uu Tiger u muuqdo inuu ku xanibmay roobka, atariisho kale oo ka tirsan Bollywood-ka, oo lagu magacaabo Isha Koppikar ayaa ku raaxeysaneysa cimiladan.

Waxay barteeda Twitter-ka kusoo qortay: "Waan ka mahdinayaa roobabka!! Waan jeclahay marka uu codka gugaca xoogeysto, sababtoo ah waxaan ogahay inaan heleyno roobab dheeraad ah. Dhibic kasta oo ka mid ah roobka waxay u muuqataa hadiyad… waayo wayba tahay".

Ka bood Instagram boggan, 2
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan, 2

Tiger waxaa markii ugu dambeysay lagu arkay filimkii uu sameeyay Punit Malhotra ee la magac baxay Student Of The Year 2.

Wuxuu hadda soo wadaa filim dagaal ah oo uu sameeyay Siddharth Anand.

Filimkan waxaa la wada jileyaasha kala ah Hrithik Roshan iyo Vaani Kapoor.

Bisha Oktober ee sannadkan ayaa la filayaa inuu soo baxo filimkaas, iyadoo dad badan ay xiiseynayaan inay mar uun fursad u helaan daawashadiisa.

Tiger waxaa dhalay atooraha caanka ah ee ay Soomaalidu u taqaanno Jeekeey Shariif(Jackie Shroff).