Maxaa ku dhacaya jirka marka aad si boobsiis ah cuntada u cunto?

laba gabdhood oo cunteynya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nin 49 jir ah ayaa ku dhintay magaalada Kerala ee Palakkad dhowr toddobaad ka hor ka dib markii uu ka qeyb galay tartan cunto intii lagu jiray festifaalka Onam.

Mid ka mid ah ka qaybgalayaashu ayaa ku margaday cuntada isaga oo si dhaqso ah isaga daba geynayay si uu u noqdo qofka tartanak ku guuleystay.

Dadka halkaasi ku sugnaa ayaa cunaha ka soo saaray raashiinka, waxayna ula carareen isbitaalka, halkaasi oo uu ku geeriyooday xilli lagu dabiibaayay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee PTI.

PTI waxay sheegtay in booliisku ay diiwaan galiyeen kiis dhimasho oo ahaa mid si wayn looga naxay.

Waa wax caadi ah in makhaayasha huteelada iyo shirkadaha soo saara cuntada ee Hindiya ay abaabulaan tartamo cunto oo noocaas ah si ay u soo jiitaan macaamiisha.

Yaa ka qayb galaya tartankan? Maxaa ku dhiirigeliyay? Goorma ayuu tartankan oo kale noqdaa mid dilaa ah? Maxay khubaradu ka yiraahdeen? Aan falanqeyno arrimahan.

Maxaa ka dhacaya jirka ka qaybgalayaasha?

Tartan cunto

Xigashada Sawirka, YouTube/Wake and Bite

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in cunno badan oo hal mar la cunaa ama la iska daba-geeyo si ana kala joogsi lahayn ay khatar ku tahay jirka, nooca ay doontaba ha noqotee.

Dr Chandrasekhar, oo ah madaxa waaxda caafimaadka ee cisbitaalka dawladda Stanley ee Chennai, ayaa sheegtay in ka qaybgalka tartanka, uu yahay mid aan la qiyaasi karin in nolosha qofka ay khatar ku jirto iyo in kale.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Kooxaha wax cunaya waxay leeyihiin xamaasad si ay ugu guuleystaan ​​tartanka. Markaa garaaca wadnaha ayaa aad u sarreeya.

Beebka cunaha iyo caloosha uma dulqaadan karaan in cunto badan la iska daba-geeyo.

Marka xaddi badan oo cunto ah la isticmaalo, habdhiska dareenka ayaa helaya calaamad hoos u dhigaysa dhaqdhaqaaqa wadnaha. Waxay badanaa keentaa wadno-qabad. "Haddii ka qaybgalayaashu ay qabaan dhibaatooyin sida dhiig-karka, sonkorowga, waa khatartu ay sii badanayso ," ayuu intaa ku dartay.

Maxaa dhacaya haddii aad si degdeg ah wax u cunto?

Dr. Chandrasekhar ayaa sharaxaysa waxa dhacaya marka aad cunto =u cuno si boobsiis ah ama degdeg ah.“Carrabkeena waa kan cuntada afkayaga ka sii gudbiya una gudbiya hunguriga.

Habkan waxa la sameeyaa ka dib marka la cuno hal qaniinyo ka hor inta aan cuntada kale ana afka la galin .

Marka xaddi badan oo cunto ah si degdeg ah loo liqo, cuntadu waxay u badan tahay inay ka gudubto hawo-mareenka (tuubada dabaysha) halkii ay ka mari lahayd hunguriga.

Haddii aad cabto biyaha wakhtigaas, cuntadu waxay geli doontaa hawo-mareenka. Waxay sababi kartaa neef-qabatin oo waxay sababi kartaa dhimasho,” ayuu yiri.

Dr. Chandrasekhar ayaa sharraxay, "Jidhka bini'aadamka wuxuu bartaa inuu sameeyo wax kasta oo caado ah, haddii jirkii u bartay inuu cuno xaddi yar oo cunto ah sanado badan islamarkana si lama filaan ah aad u cunto raashiin badan, waxay la mid tahay in jirku uu fir-kanax sameeyo ."

.

Xigashada Sawirka, R. Archana

Maxay dadku uga qaybgalaan tartanka cuntada?

Bishii Sebtembar, tartan-cunista bariiska biryani ayaa lagu qabtay huteel lagu soo bandhigay Coimbatore, Tamil Nadu. Qofka cuna 6 saxan oo biryani ah nus saac gudahood waxaa lagu abaal marinayay 1 milyan, kii cuna 5 biryani wuxuu helayaa 50,000, kii 3 biryani cuna wuxuu heli doonaa 25,000 oo lacagta Hindiya ah.

Darawalada baabuurta maalinlaha ah iyo xoogsatada ayaa galay saddexda boos ee ugu sarreeya tartankan. Ganesha Murthy, oo ku guuleystay abaalmarinta ahna darawal baabuur kiro ah, ayaa sheegay inuu doonayo lacag uu ku bixiyo kharashka caafimaadka iyo waxbarashada wiilkiisa oo la xanuunsanaya cudurka neefta, taasina waa sababta uu uga qayb galay tartankan.

"Waxaan ahaa qof wax cuna tan iyo caruurnimadii, sidoo kale maalin kasta waan jimicsadaa, mar aan Facebook ku arkay tartanka cunista parotta, ayuu hamiga i galaya islamarkana ana ka qeyb galay.

Waxa uu cuni waayay wax ka badan sideed ka mid ah cuntada nooca loo yaqaano parota. "Dad badan ayaa matagay intii uu tartanka socday sababtoo ah ma aysan cuni karin cunto badan," ayuu yiri qof ku sugan Chennai.

"Waxaa uu jira soo daayaa Dopamine marka aan samayno waxyaabo naga farxiya. Dopamine waxaa la sii daayaa marka tartamayaashu ay cunaan cuntooyinka qaarkood. Sidaa darteed aad ayay isaga badaiyaan," ayuu yiri dhakhtarka dhimirka Dr Archana.

"Sababaha loo rabo ka qaybgalka tartamadan waa muhiim, lacagta abaal-marinta ah ee lagu bixiyo tartammadan cuntada ayaa soo jiidata dad badan.

Kuwa qaba baahi dhaqaale oo dareemaya inay cuni karaan cunto wanaagsan ugu yaraan hal mar ayaa ka qaybqaata. , aqoonsiga iyo qaddarinta ka imanaysa ka qaybgalka tartamadan ayaa noqon kara mid dhiirigelin leh," ayuu tirii Dr. Chandrasekhar.

"Cunto iska badinta" waa erey aynu in badan maqalno. Eraygan macnihiisu waa 'inaad cunto si kala joojsi la'aan ah'.

"Dadka qaarkood waxay yareeyaan cunista sababo kala duwan sida miisaanka oo yaraada, ama dhimista sonkorta.

Haddii aad cunto yar cunto laba maalmood, maalmo ka dib waxaa dareemi doontaa gaajo daran. Markaa waxaad dareemaysaa inaad cunayso wax kasta oo aad rabto oo sii wad wax cunista,” ayuu yiri Dr. Chandrasekhar.

Cunista sidan oo kale ah iyo ka qaybgalka tartanka cuntada isku mid maaha, ayuu intaa ku daray.