'Ma muujin kartid daciifnimo' - sababta madaxda Afrika ay u qariyaan xaaladooda caafimaad

Xigashada Sawirka, AFP
Waxaa la isla dhexmarayay Warar ku saabsan xaalad caafimaad darro oo la soo daristay laba madaxweyne oo Afrikaan ah toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo dhalisay jawaabo is khilaafsan, soona if-bixisay in caafimaadka hoggaamiyayaasha loola macaamilo sida sir dawladeed oo kale.
Waxay ku bilaabatay madaxweynaha Cameroon Paul Biya, oo 91 jir ah, oo wasiiradiisu ay dafireen inuu xanuunsan yahay, iyagoo ku adkaystay inuu "caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay".
Warbaahinta Cameroon ayaa laga mamnuucay inay ka warbixiyaan xaaladda caafimaad ee madaxwayne Paul Biya.
Kadib, aqalka madaxtooyada Malawi ayaa diiday xanta ah in madaxweyne Lazarus Chakwera uusan caafimaadkiisu wanaagsanayn iyada oo la soo bandhigay muuqaalada hogaamiyaha oo ordaya islamarkana jimicsi sameynaya caasimada Lilongwe.
"Waa inaad ka tarjumtaa nooc ka mid ah nin si aad ugu guulaysato siyaasadda - ma muujin kartid daciifnimo ama nugeel," ayuu yiri borofisar ku-xigeenka jaamacadda Oxford ee siyaasadda Afrika, Miles Tendi, oo ka hadlaya sharafta iyo sirta ku xeeran hoggaamiyeyaasha Afrika iyo caafimaadkooda.
Chakwera iyo Biya waxay isticmaaleen habab aad u kala duwan si ay u beeniyaan wararka la isla dgexmarayo ee ku saabsan xanuunkooda, laakiin waxay la sinaayeen u jeedada oo ah in la muujiyo in xaaladooda caafimaad ay wnaagsan tahay.
Laakiin waxaa ugu muhiimsan ayaa ah, in xaaladooda laga qariyo dadka ka soo horjeeda .
Prof Tendi wuxuu sheegay in ciyaarta siyaasaddu ay tahay "waxqabadka raganimada" oo loo baahan yahay in la sameeyo si loo ilaaliyo awoodda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu intaas ku daray in siyaasadda ragganimada ku dheehan tahay ay aad ugu adkeysay haweenku inay guuleystaan. Dalka Tanzania waxaa hadda maamusha haween kali ah ee madaxwayne ka ah qaaradda Samia Suluhu Hassan, waxayna xilka ka dhaxashay madaxwaynihii hore ee geeriyooday.
Hogaamiyayaasha siyaasadda, Afrika iyo kuwa kaleba, waxa laga filayaa inay noqdaan astaan awood iyo adkaysi.
Xaaladda way ka siii adkaanaysaa gaar ahaan marka uu hoggaamiyuhu gaboobo, caafimaadkoodu waxa uu noqdaa arrin xasaasi ah oo muhiimad weyn u leh qaran, sida aynu ku soo aragnay doorashooyinkii Maraykanka ee sanadkan.
Professor Adekeye Adebajo oo ah borofisoor ka tirsan jaamacadda Johannesburg ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha qaaradda “ay bixiyaan aragtida ah in caafimaadka dalalkoodu uu ku xiran yahay caafimaadkooda shakhsi ahaaneed”, waxa wararka ku saabsan hoggaamiyaha buka inta badan loola dhaqmo sida sir qaran.
Haddii ay wax ku dhacaan, waxay saameyn kartaa dhaqaalaha, suuqyada, waxayna bedeli kartaa muuqaalka siyaasadda, ayuu yiri khabiir dhanka ammaanka ah oo u dhashay Zimbabwe oo BBC-da la hadlay, waana sababta taxadar dheeraad ah loo sameeyo.
Waddamada ay hay’adaha siyaasaddu liitaan, habraacyada kala-guurka siyaasadda ayaa inta badan aan si fiican loo dejin, taas oo keenta cabsi laga qabo in haddii uu hogaamiyaha meesha ak baxo ay horseedi karto loolan awoodeed.
Labaatan sano ka hor, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Laurent-Désiré Kabila ayaa waxaa dilay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Maamulkii xilligaa jiray ayaa diiday in ay qirtaan in la dilay, iyaga oo iska dhigaya in xaalad caafimaad loogu diray Zimbabwe, iyaga oo ka shaqaynayay waxa xiga ama tallaabada xigta ee la qaadi karo.
Dhab ahaantii, maydkiisii ayaa loo duuliyay qaarada oo dhan iyadoo si heersare ah loo soo bandhigay.
Wiilkiisii Joseph,oo aan waayo-aragnimo badan lahayn, ayaa aakhirkii loo doortay hoggaamiyaha xiga ee dalka.
Malawi, dawladdu waxay dib u dhigtay ku dhawaaqista geeridii madaxweyne Bingu wa Mutharika 2012, taasoo dhalisay mala-awaal ah in uu jiro dadaal looga hortagayo inb madaxweyne ku-xigeenkiisa Joyce Banda uu badalo.
Laakiin dalka deriska la ah ee Zambia, oo ay laba madaxweyne dhinteen iyaga xilka haya, iyo Ghana, oo uu markaas madaxweyne John Atta Mills ku dhintay 2012, geedi-socodka dastuurku si habsami leh ayey u shaqeeyeen oo xilka laguma murmin.
Sanadihii la soo dhaafay, madax kala duwan oo Afrikaan ah ayaa la kulmay su'aalo ku saabsan caafimaadkooda oo jahwareer uu ka dhashay.
Sannadkii 2010-kii, hoggaamiyihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa sannado badan oo la isla dhexmarayay caafimaad daradiisa ku tilmaamay "been qaawan oo ay sameeyeen warbaahinta reer galbeedka ah".
Saddex sano ka hor, ku dhawaaqista in madaxweynihii Tanzania John Magufuli uu geeriyooday ayaa timid ka dib toddobaadyo la beeninayay in uu xanuunsan yahay. Dad ayaa xitaa loo xiray inay faafiyeen warar been abuur ah oo ku saabsan caafimaadkiisa, kaliya si loo xaqiijiyo inay warraka dowladda sax yihiin.

Xigashada Sawirka, Lazarus Chakwera/Facebook
Mid ka mid ah kiisaska ugu daran ee dawlad qarinaysa caafimaadka hogaamiyaheeda waxay ahayd Nigeria, halkaas oo madaxweyne Umaru Yar'Adua aan lagu arag fagaare muddo shan bilood ah.
Xafiiskiisa ayaa sheegay in la daweynayay bishii Janaayo 2010 iyo in uu " fiican yahay" si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray warbixino badan oo sheegaya in uu "maskax-ahaan dhintay".
Yar'Adua dib ugama soo muuqan fagaarayaahsa, waxaana dhimashadiisa la shaaciyay bishii May ee sanadkaas.
"Qaar ka mid ah nimankan waxay rabaan inay ku dhegganaadaan awoodda," ayuu yiri Prof Tendi, xitaa haddii ay geeriyoodaan.
Hogaamiyaal badan, oo ka baxsan Afrika sidoo kale, uma malaynayaan in muwaadiniintoodu xaq u leeyihiin inay ogaadaan caafimaadkooda, taas oo loola dhaqmo si qarsoodi ah.
Laakiin waxaa jiray xaalado laga soo reebi karo arrimaha aan kor ku soo xusnay.
Ka dib toddobo usbuuc oo fasax caafimaad oo rasmi ah 2017, madaxweynaha Nigeria Buhari ayaa u muujiyay qarankiisa inuusan waligiis "jirin" , inkastoo uusan sheegin waxa khaldan.
Madaxweynihii hore ee Cameroon Ahmadou Ahidjo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay hogaamiyaha kaliya ee Afrikaan ah ee iscasila sababo caafimaad darro awgeed, 1982, ka dib markii uu xukunka hayay 22 sano.
Daah-furnaanta noocaan ah iyo ka tanaasulida awoodda waa naadir. In ka badan 20 hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa dhintay iyaga oo xilalka haya, qaarkood iyaga oo aan u sheegin dalkooda in xitaa ay xanuunsan yihiin.
Tusaalaha ma uusan qaadan ninkii dhaxlay Ahidjo, oo ah madaxynaha imika xilka haya Paul Biya.
Hogaamiyayaasha ayaa laga yaabaa inay ka baqaan muujinta arrimaha caafimaadka ay dhiirigelin karto kuwa ay iska soo horjeedaan ama xitaa quwadaha shisheeye ee doonaya inay saameyn ku yeeshaan ama khalkhal galiyaan dalka.
Madaxweynayaasha qaar ayaa xilka laga tuuray ka dib markii la shaaciyay in xaaladdooda caafimaad ay aad u liidato.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 1996-kii, waxa ay ahayd markii ay ogaadeen dadwaynaha in hoggaamiyihii Zaire (hadda DR Congo) Mobutu Sese Seko, laga daweynayay kansarka ku dhaca xubinta taranka ragga.
Tani waxay shaki la'aan u fududaysay Laurent Kabila inuu hogaamiyo koox fallaago ah oo ay Rwanda taageerto oo dagaalo halkaasi ka bilaabay.
Mobutu aad buu u xanuunsanaa oo ma uusan awoodin isku dubbaridka iska caabin , waxaana uu u qaxay dalka Marooko, markaasi oo uu xukunka ula wareegay.
"Haddii laguu arko mid daciif ah, waxay fariin u direysaa kuwa kula tartamaya ee gudaha," ayuu yiri Prof Tendi.
Abeku Adams, oo ah macalin reer Nigeria, islamarka 41 jir ah, oo la kulmay laba madaxweyne oo dhintay iyaga oo xilka haya, ayaa sheegay in sirtu sidoo kale noqon karto "arrin iska dhaqan ah".
“In laga qariyo caafimaadka qofka waa shay loo arko qayb ka mid ah habka bogsashada ee dhaqamo badan oo Afrikaan ah. Tani waxay noqon kartaa xididka suurtogalka ah ee sababta ay qariyaan ama uga been sheegaan caafimaadkooda," ayuu yiri.
Inkasta oo muwaadiniinta caadiga ah ay xaq u leeyihiin in ay xafidaan diiwaankooda caafimaad si qarsoodi ah, waxaa lagu doodaa in hoggaamiyeyaasha siyaasaddu aysan haysan fursadan sababtoo ah caafimaadkooda ayaa saameyn ku yeelan kara dalka oo dhan.
Maaddaama waddamo badan oo Afrikaan ah ay sameysteen habab isku xigxig oo xooggan, ayaa waxaa soo baxaya baaqyo ku aaddan hufnaan dheeraad ah marka ay timaaddo caafimaadka madaxdooda, gaar ahaan dadka qaaradda ee sii kordhaya ee dhalinyarada ah ayaa qaba fikirkaas.
"Dowladuhu waxay ku leeyihiin muwaadiniintooda inay wadaagaan macluumaadkaas," ayuu yiri Mr Adams.
Waxa uu ku adkaysanayaa in maadaama muwaadiniintu ay bixiyaan cashuur, ay tahay in ay si gaar ah u ogaadaan caafimaadka madaxdooda.
Waxaa laga yaabaa in nidaamka siyaasadeed ee Malawi ee loolanka adagi ka jiro, ee doorashooyinku dhacayaan sanadka soo socda, uu yahay waxa ku riixay Chakwera inuu sameeyo dhoolatuskiisa dadweynaha - si uu u muujiyo inuu ka fiican yahay ninka ay sida weyn ula loolamayaan, Peter Mutharika, oo 15 sano ka wayn.
Taas bedelkeeda, Biya waxa uu wajahayaa khatar yar oo ka imanaysa doorashooyinka – waxa uu hore ugu guulaystay shan jeer, inkasta oo ay mucaaradku ka cawdeen wax isdaba marin.
Dimuqraadiyada dhabta ah, caafimaadka hoggaamiyuhu waa inuu ahaadaa mid hufan, mid ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sidaa u sheegay BBC.
Laakiin dabeecadda siyaasadda Afrika inteeda badan, oo inta badan xisbiyada talada haya lagu eedeeyo musuqmaasuqa doorashada, inqilaabyada militarigu mar walba waa khatar, xitaa madaxweynayaasha la doortay waxay noqon karaan kuwo la iska dhaxlo, daah-furnaanta maaha dhaqan ay hoggaamiyeyaal badan u muuqdaan inay diyaar u yihiin inay qaataan waqti dhow.













