Maxay dowladda Maraykanku xal ugu aragtay dhaqanka nabadoonimada waayeelka Soomaalida?

Somali Youth Link

Xigashada Sawirka, Somali Youth Link

Qoraalka sawirka, Masawirka waxaa ka muuqda duqa Minneapolis Jacob Frey, Taliyaha Booliska Minneapolis, Brian O'Hara, Taliyaha Booliska jaamacadda Minnesota, Mathew Clark, Taliyaha waaxda badbaadada dadweynaha ee jaamacadda Minnesota Nicholas Juarez, Xildhibaan Michael Rainville, oo ka tirsan Minneapolis, iyo qaar kamid ah bahda Somali Youth Link.
    • Author, Issak malin
    • Role, Wariye

Dowladda Maraykanka ayaa waxay taageereysaa qorshe duqayda Soomaaliyeed ay qayb uga noqonayaan xalka caqabadaha ka dhex jira bulshooyinka gaar ahaan Soomaalida.

Dhaqanka nabadoonimada ee caanka ah Soomaaliya, ayaa haatan u muuqda in looga baahday gudaha Maraykanka, waxaana duqay koox koox u socda ay dowladu ku taakuleyneysaa in ay waaniyaan dhallinyarada qaar isticmaala daroogada, kadibna rashado ka kiciya xaafadaha.

Kadib markii sanadihii u danbeeyay magaalooyinka mataalanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul ee dalka Mareykanka, ay ku soo bateen danbiyada ka dhasha daroogooyinka iyo beegsiga dhallinyaro u badan soomaali ayay dowladdu go’aansatay sidii ay uga hortagi lahayd iyadoona xilligaas xiriir wada shaqeyn ah la yeelatay odayaal, waxgarad iyo dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo is abaabulay qorshahooduna ahaa sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka dhallinyarada Soomaaliyeed soo gaaraya.

Koox Soomaali ah oo isugu jira odayaal, dhallinyaro iyo hooyooyin lanabaxay magaca “Somali Youth Link’’ oo u taagan isku xirka dhanlinyarada Soomaaliyeed ayaa muddo waxa ay ku howlanaayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka ay la kulmayaan da’yarta Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis.

Sidee wacyigalinta loo sameeyaa iyada oo la adeegsanayo dhaqanka Soomaaliyeed?

Sanadkii 2023, ayay u suurtagashay inay billaabaan wacyigalinta waxa ayna garab wada shaqeyn ah ka heleen maamulka degmada, taliska Booliiska iyo jaamacadda Minnesota.

Bashiir Warsame Cilmi oo kamid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka muddada ku nool dalka mareykanka, sidoo kale ah agaasimaha 'Somali Youth Link' oo u taagan isku xirka iyo dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa BBC-da uga warramay wacyigalinta ay wadaan iyo sida ay dowladda Mareykanka uga caawiso.

“Kadib markii ay bateen dhibaatooyinka ka dhex dhaca dhalinyarada dhexdooda, ama ay isku dhacaan booliiska ama ay waalidka isku dhacaan oo ay banaanka iska wareegaan, waxa aan go’aansanay inaan ka hortagno oo aan wacyigalinno,” ayuu yiri Bashiir Cilmi.

Marka laga yimaado doorka nabadoonimada iyo wacyigalinta, kooxdaan Soomaaliyeed waxay sheegeen in sidoo kale ay kala hadlaan bulshadooda arimaha la xiriira dhibaatooyinka soo wajaha bulshooyinka madowga ah ee Maraykanka, oo ay ku jiraan Soomaalidu.

Mid ka mid ah oo nala hadlay ayaa sheegay in tan iyo dilkii Geroge Floyd, ay arrintaasi ku taagneed.

Somali Youth Link

Xigashada Sawirka, Somali Youth Link

Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah kooxda 'Somali Youth Link' iyo saraakiil ka socda dowladda Mareykanka oo kulan wacyigalinta looga hadlaya u soo dhamaaday
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wacyigalinta ayay ka billaabeen gobolka Soomaalidu u badan tahay ee Minnesota, gaar ahaan magaalada Minneapolis, iyagoona dhalinyarada wacyigaliya xilliyo kala duwan.

“Xafiisyo Ayaan leenahay oo aan wacyigalinta ku sameynaa, sidoo kale galbihii iyo habeenkii ayaan lugeynaa waddooyinka iyadoo ay nala socdaan waayeel, hooyooyin, iyo dhallinyaro waxbaratay,” ayuu yiri Cilmi.

Waxa uu sheegay in marka ay dhallinyaro la kulmaan ay ula hadlaan qaab wanaagsan oo ixtiraam ku jiro ayaga oo ku billaaba salaam, kadibna ku dhaha "awoowe, adeer, eedo, abti iyo hooyo", intaas kadibna waxa ay uga sheekeeyaan dhaqanka Soomaaliyeed iyo sida ay tahay in qofka Soomaaliga ah laga rabo, oo ay kamid yihiin ad-adayg, howlkarnimo iyo la dhaqan bulsho, oo aan ahayn in darbiyada la joogo ama daroogo la isticmaalo.

Bashiir Cilmi ayaa sheegay in dhalinyarada ay la kulmaan qaarkood markaasba ay ka qaataan talooyinka ayna dhahaan nagu caawiya sidii aan uga bixi lahayn xaaladdaan, kadibna ay u gudbiyaan goobo caafimaad oo looga dhaqayo daroogada jirkooda ku jirta, sidaasna ay bulshada ku soo dhexgalaan noloshooda isku badasho, sida uu isagu u sheegay BBC da.

Somali Youth Link

Xigashada Sawirka, Somali Youth Link

Qoraalka sawirka, Kooxda 'Somali Youth Link' oo ku guda jirta shaqada maalin laha ah ee wacyigalinta

Maamulka degmada oo wadashaqeyn la leh ururkaan ayaa ka caawiya hadii ay ku yimaadaan caqabado sida in xilliyada ay wacyigalinta socoto ay la kulmaan rabshado, iyagoona u soo diraan booliis amnigooda suga, sidoo kale waxa ay ka caawiyaan dhanka dhaqaalaha iyo maalgalinta kulamada isku imaatinka ah.

Dhanka kale ururkaan u dhaqdhaqaaqa isku xirka dhalinyarada ayaa tababbarro la xiriira wacyigalinta iyo xaaladaha degdegga ah ka hela jaamacadda Minnesota iyo taliska booliiska degmada.

“Waxa aan heysanaa dawo qofka marka uu suuxo lagu soo naaxiyo inta ay adeegyada gargaarka ka imaanayaan, waana qeyb kamid ah waxa nalagu taageeray,” ayuu raaciyay Bashiir.

Ururkaan ayaa waxay sheegeen in dadaaladoodu hoos u dhigeen tirada da' yarta rabshadaha ka kiciya gudaha xaafadaha, ayna sidoo kale ka wareegeen barihii ay isugu imaan jireen.

Ururkaan u dhaqdhaqaaqa isku xirka dhalinyarada iyo ka wacyigalinta rabshadaha ka dhasha daroogada ayaa qorsheynaya inay gaaraan gobollo kale oo dalka Mareykanka ah oo ay Soomaali ku noolyihiin, balse haatan wax ay xoogga saarayaan magaalooyinka mataalanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul.