Ruushka iyo Ukraine oo maxaabiis is dhaafsanaya, xilli weerarro culus ay dhexmarayaan

Ruushka iyo Ukraine oo maxaabiis is dhaafsaday

Xigashada Sawirka, Telegram/Volodymyr Zelensky

Qoraalka sawirka, Ruushka iyo Ukraine oo maxaabiis is dhaafsaday

Is-weydaarsi dhanka maxaabiista ah ayaa haatan socda oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, sida ay xaqiijiyeen dowladaha Moscow iyo Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in is-weydaarsigu uu mari doono "marxalado dhowr ah" maalmaha soo socda, isagoo intaas ku daray in la soo celinayo kuwa dhaawacmay, ee si xun u dhaawacmay iyo askarta da'doodu ka yar tahay 25 sano.

Zelensky ayaa ku qoray bartiisa Telegram: "Hannaanku waa mid aad u adag, faahfaahin xasaasi ah ayaa jirta, wadahadalladuna waxay si joogto ah u socdaan maalin kasta."

Ruushkuna wuxuu sheegay in "tirro la mid ah tiradaas" oo ah maxaabiis dagaal loo celiyey Ukraine, inkasta oo aysan labada dhinac midna bixin tiro rasmi ah oo la is-weydaarsaday.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in "kooxdii ugu horreysay ee ciidamo Ruush ah oo da'doodu ka yar tahay 25 sano dib loogu soo celiyey dhulka uu xukumo maamulka Kyiv" kaddib heshiis ay labada dal ee dagaallamaya gaareen toddobaadkii hore intii lagu jiray wadahadallo ka dhacay Turkiga.

Sida ay horeyba u dhacday is-weydaarsiyo hore, Moscow waxay sheegtay in askarta Ruushka ee la sii daayay ay helayaan gargaar caafimaad iyo mid nafsiyeed oo lagu siinayo dalka Belarus.

Dhinaca Ukraine, qoysaska maxaabiista dagaalka iyo kuwa la la'yahay ayaa isugu yimid gobolka Chernihiv, oo ku dhow xuduudda Belarus, si ay u soo dhaweeyaan maxaabiista la sii daayey, waxayna sidoo kale raadinayeen warar ku saabsan dadkooda wali ku jira gacanta Ruushka.

Toddobaadkii hore, Moscow iyo Kyiv waxay isku jeediyeen eedeymo ah in midba midka kale uu carqaladeeyay qorshaha dib loogu soo celin lahaa meydadka askartii dhimatay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhammaadkii bishii May, Ruushka iyo Ukraine waxay is-weydaarsadeen min 390 askari iyo dad rayid ah , taasoo ahayd is-weydaarsigii ugu ballaarnaa tan iyo markii Ruushku weerarka buuxa ku qaaday Ukraine sanadkii 2022.

Dhinaca kale, dagaalku wuu socday, iyadoo Moscow ay hawada u dirtay 479 diyaaradood oo nooca drones-ka ah — tiradii ugu badnayd abid — kuwaas oo lagu weeraray meelo ay ka mid yahay gobolka Rivne ee galbeedka Ukraine, oo horey u ahaa mid aan lagu beegsan weerarro culus sida gobollada kale.

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ay beegsadeen saldhigga Dubno ee Rivne, taasoo ay ku tilmaantay "mid ka mid ah weerarrada aargudashada ah" oo ay uga falcelinayaan weerarkii drones-ka ee Ukraine ku qaaday garoomada diyaaradaha militari ee Ruushka 1-dii bishaan Juun.

Weerarradaas aya asababay burbur magaalooyin dhowr ah oo ku yaal Ukraine, hase yeeshee lama soo sheegin wax khasaare ah oo nafeed.

Ruushku wuxuu dhowaan sare u qaaday weerarradiisa Ukraine, iyadoo toddobaad kasta ay kordhayaan tirada weerarrada drones-ka.

Mas'uuliyiinta Kyiv ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen saldhig kale oo militarih oo ku yaalla gobolka Nizhny Novgorod ee Ruushka, kaasoo qiyaastii 650-km u jira xuduudda Ukraine.

Ukraine waxay sheegtay in saldhiggaas lagu kaydiyo diyaaradaha rida gantaallada xawaare sare leh (hypersonic missiles), islamarkaana ay waxyeello u geysatay "laba diyaaradood oo Ruushku leeyahay".

Waxay sidoo kale weerar ku qaadeen warshad walxaha elektaroonik ah soo saarta oo Kyiv ay sheegtay in lagu sameeyo qalabka hagaya drones-ka iyo bambooyinka cirka laga tuuro.

Muuqaal ayaa muujinaya qarax ka dhashay mid ka mid ah drones-ka weerarka geystay iyo dab weyn oo qabsaday warshadda. Wax-soo-saarkii warshaddaasi ayaa la joojiyay la joojiyey.