Rabshadaha ka dhacaya Maraykanka iyo sida ay u saameeyeen Soomaalida ku nool Los Angeles

Mudaaharaadyada looga soo horjeedo ugaarsiga lagu hayo dadka muhaajiriinta ah ee Los Angeles ayaa sii socda maalintii saddexaad, iyadoo boolisku ay sheegeen in magaalada hoose ee LA ay hadda tahay aag uu ka dhacaya "kulan sharci darro ah

Xigashada Sawirka, Los Angeles Times via Getty Images

Mudaaharaadyada looga soo horjeedo ugaarsiga lagu hayo dadka muhaajiriinta ah ee Los Angeles ayaa sii socda maalintii saddexaad, iyadoo boolisku ay sheegeen in magaalada hoose ee LA, ay hadda tahay aag uu ka dhacaya "kulan sharci darro ah"

Madaxweynaha ayaa horay ugu yeeray Ilaalada Qaranka - isagoo ka soo horjeeda rabitaanka barasaabka gobolka California, Gavin Newsom.

Aqalka Cad ayaa qiray in ugu yaraan ay dalka joogaan 11 milyan oo oo qof oo muhaajiriin sharci-darro ah."

Haddaba BBC waxa ay xiriir la sameeysay Xuseen Buulow oo ka mid ah Soomaalida ku nool Los Angeles ahna milkiilaha maqaayad ku taalla magaaladaas, waxa aan wax ka weeydiinay xaaalddu sida ay tahay, wuxuuna sheegay in magaaladu ay tahay magaallo aad u weyn oo ay deganyihiin ku dhawaad 20 milyan oo qof, laakinse waxa uu sheegay:

" in meelaha ay rabshaduhu ka socdaan ay yihiin meelo sida xabsiga dadka sharci dararada ah lagu hayo iyo meelaha ay dadka xoogsatada ah iskugu yimaadaan"

Haddaba maxay rabshadahaini salka ku hayaan, waxa aan mar kale weeydiinay Xuseen Buulow kaas oo sheegay in waxa la isku hayo ay yihiin wax kooban, dawladda oo dhahaysa dadkani sharci kuma joogana dalka dambiyana horrey ayey u galeen waan soo qabaneynaa halka dadka kasoo horjeeda ay leeyihiin dadkani waa dad dan yar ah oo masaakiin ah oo la dulmay waxaana jira hab wax loogu qaba karo laakin hadda sida aad wax ku wadiin waa ay khaldantahay.

Magaalada Los Angles waa magaallo ballaaran oo ammaan ah oo qof kasta oo soo galooti ah uu soo galo iyadoo la ilalaiyo xuquuqdiisa dadnimo, mid shaqaalle iyo mid sharciyadeedba, iyadoo askariga dowlada ee gobolku aanu qaban karin isla markaasina aanu la shaqeyn karin dowlada Federaalka ah isagon dadweynaha aan iska weeydiin karin dalka ay ka yimaadeen.

Xuseen Buuloow waxaa kale oo uu sheegay in ay si aad ah u saameyeen rabshaduhu howlihii rabshadahani " Magaalada waa magaallo ku dhisan dadka soogalootiga ah, iyaga la'aantood wax shaqeeynaya ma laha wax suurta galayana ma laha, waa furihii magalaada" ayuu sheegay Buuloow.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax Soomaali ah oo la qabtay sida u noo sheegay Buuloow oo intaas ku daray in Soomaalida joogta Los angles ay aad u yaryihiin. " Hadii ay bataan Soomaalida degan LA waa soddomeeyo"

Dadka Soomaalida ah ee degan Maraykanka ayaa loo qeybiyaa laba qeybood qaar muddo hore yimid waddanka sida afartameeyo sano ka hor iyo qaar dhalinayara ah ooh adda derbiga kasoo booday kuwaas oo mustaqbal raadis ah

Haddaba maxay xaaladu ku danbeyn doontaa?

2,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ay soo gaareen LA ayaa qoraal ka soo baxay Aqalka Cad lagu abaabulayay ciidamada si ay uga jawaabaan mudaaharaadyada
Qoraalka sawirka, Ilaalada qaranka ee wadooyinka LA iyadoo rabshada ay qarxeen
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Buloow wax ay la tahay in xaaladan rabshadaha leh aysan sii socon doonin, isaga oo taas ku sababeeyay in uu jiro sharci aad u xooggan oo laga cabsado kaas oo tixgelintiisa ay caddahay " Labada maalmood ee soo socota waa ay dhammaan doonaan" ayuu yiri Buuuloow.

Sida weriyaha Waqooyiga Ameerika Anthony Zurcher uu horay u tilmaamay, Donald Trump ayaa mudnaan muhiim siiyay la-dagaallanka muhaajiriinta aan sharciga haysan ee Mareykanka.

Mid ka mid ah tallaabdiisii ugu horreeysay ee uu sameeyay muddo xileedkiisii labaad waxay ahayd inuu joojiyo soo gelitaanka dhammaan muhaajiriinta aan sharciga haysan.

Mas'uuliyiinta ilaalada xuduudaha ayaa loo sheegay in ay dadka ka celiyaan halkaa iyaga oo aan la siin doonin qaabilaad magangalyo.

Trump ayaa sidoo kale si degdeg ah ugu dhaqaaqay in uu ballaariyo musaafurinta degdegga ah ee muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee mar hore soo galay waddanka.

Kuwa weli ku sugan Mareykanka, Trump wuxuu ku dhawaaqay qorshooyin lagu diiwaan gelinayo muhaajiriinta aan sharciyeysneyn, isagoo ka digay in qof kasta oo aan saxiixin uu wajihi karo dacwad.

Bishii la soo dhaafay, dawladda Maraykanku waxay sidoo kale u soo bandhigtay muhaajiriinta dalka ku jooga sida sharci darrada ah in la siiyo 1,000 doollar, haddii ay "is-musaafuriyaan" oo ay doortaan inay baxaan.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ayaa loogu baaqay kumannaan ka tirsan ciidamada Ilaalada Qaranka inay ka jawaabaan dibadbaxyada.

Tira dad ah ayaa la xir-xiray dhowrkii maalmoodee lasoo dhaafay iyadoo booliisku ay ka jawaabayeen qalalaasaha - si gooni gooni ah, ayaa ugu yaraan loo qabqabtay 60 qof kuwaas oo qayb ka ahaa mudaaharaadyo ka dhacay San Francisco.

Dhaqdhaqaaqayaasha ayaa sheegay in aysan jirin "wax baahi ah" oo loo qabo ciidamada - waa hadal uu ku dhawaaqay gudoomiye Newsom

Si kasatab ha ahaatee Iyadoo 2,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ay gaareen LA, ayaa qoraal ka soo baxay Aqalka Cad lagu abaabulayay ciidamada si ay uga jawaabaan mudaaharaadyada.

Qoraalka, Aqalka Cad wuxuu sheegay in loo baahan yahay Ilaalada Qaranka sababtoo ah "mudaaharaadyada rabshadaha wata ayaa khatar gelinaya ammaanka iyo burbur weyn oo soo gaaray xarumaha lagu hayo dadka soo galootiga ah ee Federaalka iyo hantida kale ee Federaalka".