Waa sidee xaaladda magaalada Los Angeles ka dib rabshado ka dhashay howlgalada beegsiga Muhaajiriinta?

Banaanbaxa LA

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu magaalada Los Angeles u dirayo 2,000 oo askari oo ah Ciidanka Ilaalada Qaranka (National Guard) si ay ula tacaalaan rabshadaha ka dhashay howlgalka lagu beegsanayo muhaajiriinta aan sharciga haysan.

Mas'uulka qaabilsan xuduudaha, Tom Homan, ayaa Sabtidii u sheegay Fox News: "Waxaan ka dhigaynaa Los Angeles meel ammaan ah."

Magaalada ku taalla gobolka California ayaa wajahday maalintii labaad oo rabshado ah kaddib markii dadka deggan xaafad ay u badan yihiin dadka Latino-ga ah ay isku dhaceen wakiillo ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE).

Gaaska ilmada keena iyo ulaha ayaa loo adeegsaday kala eryidda dadkii banaanbaxa ka dhigay xaafadda Paramount.

Illaa 118 qof ayaa lagu xiray magaalada Los Angeles toddobaadkan intii ay socdeen howlgalada ICE, iyadoo 44 ka mid ah la qabtay Jimcihii.

Guddoomiyaha gobolka California, Gavin Newsom, ayaa cambaareeyay howlgaladan, isagoo ku tilmaamay inay yihiin kuwo "naxariis-darro ah."

Guddoomiye Newsom, ayaa la hadlay Trump Sabtidii, iyagoo wada hadlay muddo ku dhow 40 daqiiqo, sida uu u sheegay afhayeen u hadlay guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta CBS News,basle faahfaahin dheeraad lagama helin wadahadalkooda.

Xaaladda Paramount way degan tahay marka loo eego sidii hore, balse weli waxaa socda isku dhacyo u dhexeeya mudaharaadayaasha iyo booliska.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa la arkayaa qiiq agagaarka Home Depot oo ah halka uu mudaharaadku ka billowday markii ugu horreysay iyadoo hawada aga dareemayo sunta dadka ka ilmaysiisa.

Booliska degmada LA ayaa daqiiqad kasta ridaya bambaanooyin dhawaq leh iyo gaaska dadka ka ilmaysiisa si ay u kala eryaan dadka mudaharaadaya.

Dadka deegaanka iyo mudaharaadayaasha ayaa sheegaya in ay jiraan muhaajiriin ku xiniban gudaha ganacsiyada maxalliga ah kuwaas oo cabsi darteed ka baqaya in ay bannaanka u soo baxaan.

Dadka deggan Paramount in ka badan 80 boqolkiiba waa dad Hispanic ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiri: "Maalmihii la soo dhaafay, kooxo rabshado wata ayaa weeraray saraakiisha ICE iyo booliiska federaalka oo fulinayay howlgalka musaafurinta dadka sharci darrada ah ee magaalada Los Angeles, California."

"Howlgalladan waa kuwa muhiim u ah joojinta iyo ka hortagga duullaanka dembiilayaasha sharci darrada ah ee gudaha u soo galay Mareykanka. Iyada oo ay rabshadahani socdaan, hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiga ah ee California ayaa gabi ahaanba ka gaabiyay inay ilaaliyaan muwaadiniintooda. Taasi waa sababta Madaxweyne Trump uu u saxiixay Amar Madaxweyneed uu ku dirayo 2,000 askari oo National Guard ah si ay ula tacaalaan in sharci darradu sii korarto

Los Angles

Xigashada Sawirka, Reuters

Isagoo ka hadlayey magaalada Los Angeles Homan, oo halkaas u tegay si uu shaqsiyan ula socdo howlgalada ICE, wuxuuna yiri: "Waxaan hadda keeneynaa gargaar dheeri ah. Waxaan caawa keeneynaa ciidamada ilaalada qaranka National Guard. Shaqadeenna waan sii wadaynaa."

Wuxuu uga digay dadka mudaharaadaya inaysan waxyeeleynin hantida gaarka ah, isagoo sheegay in ay jiri doonto "dulqaad la'aanta " la xiriirta rabshado ama burbur.

Qoraal uu ku baahiyay barta X, oo horey loo oran jiray Twitter, Ku-xigeenka Agaasimaha FBI Dan Bongino ayaa sidoo kale uga digay mudaharaadayaasha: "Haddaad keentaan fawdo, annaguna waxaan keeneynaa katiinado. Sharciga iyo kala dambeyntu way guuleysan doonaan."

Wuxuu sheegay in "dad badan" la xiray sababo la xiriira "carqaladeynta howlgalada."

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sidoo kale qoraal ku sheegay in waaxdiisu "si degdeg ah u abaabulayso ciidamada ilaalada Qaranka si ay u taageeraan booliska federaalka ee Los Angeles."

Wuxuu intaas ku daray: "Haddii rabshaduhu sii socdaan, ciidamada joogtada ah ee Marines ee Camp Pendleton sidoo kale waa la hawlgelin doonaa – waxay ku jiraan heegan sare."

Fiidnimadii Sabtida, Taliska Booliska Los Angeles (LAPD) ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegayaan in "mudaharaadyadii ka dhacay magaalada Los Angeles ay ahaayeen kuwo nabad ah, waxaana ammaaneynaa dhammaan dadka si masuuliyad leh u adeegsaday xuquuqdooda ku xusan Qodobka Koowaad ee Dastuurka."

Bayaanku wuxuu intaas ku daray in LAPD "si buuxda ugu diyaar garoobayso in ay si dhakhso ah oo habboon uga jawaabaan wixii rabshado ah ee dhici kara."

Bayaankii Jimcaha, Guddoomiyaha California Gavin Newsom wuxuu yiri: "Howlgallada kacsan ee federaalka ee ka socda guud ahaan California si loo gaaro tirakoobka xarigga ee aan sal iyo raad lahayn waa kuwo aan damiir lahayn isla markaana arxan daran.

"Fowdada Donald Trump waxay burburinaysaa kalsoonida, waxay kala jaraysaa qoysas, waxayna hoos u dhigeysaa kalsoonida dadka shaqeeya iyo warshadaha dhaqaale u ah Mareykanka."

LA

Xigashada Sawirka, Getty Images

Duqa magaalada Los Angeles, Karen Bass, ayaa horey ugu eedeysay ICE in ay "argagax gelinayaan" magaalada labaad ee ugu weyn dalka Mareykanka.

Hoggaamiyeyaasha FBI-da iyo Waaxda Ammaanka Gudaha ayaa sheegay in hadalka duqa magaalada uu khatar gelinayo ciidamada federaalka.

Angelica Salas, oo ah madaxa Kooxda Xuquuqda Muhaajiriinta ee Bani'aadamnimada, ayaa dad badan hortooda ka sheegtay: "Bulshadeennu waxay ku jirtaa xaalad weerar ah oo lagu cabsi gelinayo. Waa dad shaqeeya. Waa aabayaal. Waa hooyooyin. Tani waa in la joojiyaa."

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu haystaa awood uu ciidamada ilaalada Qaranka ee (National Guard) ugu hawlgeliyo arrimo ay ka mid yihiin "xakamaynta kacdoonka."

Laakiin Sabtidii, Guddoomiyaha California ayaa ka falceliyay tallaabada federaalka ee lagu doonayo in lagu "geeyo California ciidamada ilaalada Qaranka laguna geynayo 2,000 askari" ay tahay "mid si ula kac ah u kicineysa xaaladda" isla markaana ay "kaliya kordhin doonto xiisadda."

"Mas'uuliyiinta Los Angeles waxay awood u leeyihiin inay si degdeg ah u helaan caawimaad amni mar kasta oo loo baahdo," ayuu Newsom sii raaciyay.

Trump ayaa weeraray guddoomiyaha isagoo ku qoray batriisa bulsha ee Truth Social: "Haddii adiga iyo Bass aydin qaban karin shaqadiina, markaas Dowladda Federaalka ayaa soo faragelin doonta oo xallin doonta dhibaatada, rabshadaha iyo bililiqada, si ay ahayd in loo xalliyo!!!"