Pakistan oo ku dhawaaqday tallaabada ay kaga jawaabi doonto weerarka Hindiya

Xigashada Sawirka, Reuters
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Muhammad Ishaq Dar, ayaa hadda sheegay in siddeed muwaadiniin ah ay ku dhinteen weerarka ay HIndiya ku qaadday dalkiisa, ilaa sagaal bartilmaameed oo ku yaalla dalkaasi, halka 35 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Hindiya.
Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in ay gantaallo ku garaacday sagaal goobood oo ku yaalla Pakistan iyo Kashmir qaybta Pakistan ay maamusho.
Falcelinta Pakistan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa ka falceliyay weerarada ay Hindiya ku qaadday gudaha Pakistan, isagoo ku qoray bartiisa bulshada ee (X) in Pakistan ay xaq buuxa u leedahay inay ka jawaabto.
Shahbaz Sharif wuxuu yiri: "Cadowgu wuxuu si fulaynimo ah u weeraray shan goobood oo ku yaalla Pakistan."Wuxuu weerarka Hindiya ku tilmaamay "fal dagaal."
Sharif wuxuu sidoo kale yiri: "Pakistan waxay xaq u leedahay inay si adag uga jawaabto falka dagaal ee Hindiya, waxaana la bixinayaa jawaab ku habboon."
Wuxuu intaas ku daray: "Dhammaan shacabka Pakistan waxay garab taagan yihiin ciidanka Pakistan, niyad wanaag ayaana jirta."
Ra'iisul Wasaaraha Pakistan wuxuu sidoo kale sheegay: "Pakistan iyo ciidamadeedu aad bay u garanayaan sida loola tacaalo cadowga. Marnaba cadowga uma ogolaan doonno inuu ku guuleysto ujeeddooyinkiisa xun."
'Toddobo bartilmaameed ayaa la xaqiijiyay."

Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Asif, ayaa u sheegay BBC Urdu: "Fiiriya waxay Hindiya sheegaysaa inay beegsadeen meelaha ay joogaan argagixisada."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu intaas ku daray:"Waxaan jeclaan lahaa inaan saxaafadda caalamiga ah ka codsado inay yimaadaan oo ay indhahooda ku arkaan goobaha la beegsaday si ay u xaqiijiyaan in ay ahaayeen saldhigyo argagixiso ama deegaan dad rayid ah."
Khawaja Asif wuxuu sidoo kale yiri:"Laba masjid ayaa ka mid ah meelaha weerarka lagu qaaday. Ilmo ayaa lagu dilay. Haweeney ayaa sidoo kale lagu dilay."Wuxuu sheegay:"Tirada ugu dambeysa ee shuhadada weli lama hayo, balse toddobada bartilmaameed ee la xaqiijiyay, laba waxay ka dhaceen Kashmir halka shanta kale ay ka dhaceen gudaha Pakistan.
Dhammaan goobahaas waxaa lagu beegsaday dadka rayidka ah."
Weerarkan kadib, Wasiirka Koowaad ee Punjab, Maryam Nawaz Sharif, ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah guud ahaan gobolka Punjab, iyadoo amar ku bixisay in dhammaan shaqaalaha dowladda ay si degdeg ah shaqooyinkooda u bilaabaan.
Af-hayeenka ciidamada Pakistan ayaa sheegay in Islamabad "ay ka jawaabi doonto weerarka, waqtiga iyo meelaha ay doorato."
"Dhamaan diyaaradaha hawada ee ciidamada cirka ayaa hawada ku jira. kani waa weerar fuleynimo ah oo ka dhacay gudaha hawada Hindiya," ayuu ku daray af-hayeenka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha Pakistan (Pakistan Peoples Party), Bilawal Bhutto, ayaa war u uku daabacay bartiisa X, ku yiri yiri:
"Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka fulaynimada ah ee ay Hindiya ku qaaday dhulka Pakistan iyo bartilmaameedyada shacabka."
Wuxuu intaas ku daray: "Falka noocan oo kale ah waa laga jawaabi doonaa."
Wuxuu sidoo kale sheegay: "Ciidamada geesiyaasha ah ee Pakistan, oo ay ku jiraan Ciidanka Cirka, waxay si geesinimo leh uga jawaabayaan. Ficil kasta oo qalad ah waxaa laga hortagi doonaa si xooggan. Pakistan waa mideysan tahay."
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Ataullah Tarar, ayaa sheegay in Hindiya ay "bartilmaameedsatay shacabka halkii ay ka weerari lahayd xeryaha argagixisada" ee gudaha Pakistan iyo Kashmir qaybta Pakistan ay maamusho.
Tarar ayaa ku celiyay hadalladii afhayeenka ciidamada Pakistan ee ku saabsanaa aargudashada. Wuxuu yiri:"Weerarkan waa mid aan la aqbali karin. Waa weerar si aan qorsheysneyn loo fuliyay. Si dhab ah ayaan uga jawaabi doonnaa. Jawaabtayadu waxay noqon doontaa dhulka iyo cirka labadaba."













