Tartanka dilka Maska Jabisada iyo qaabka ugu sahlan ee loo dili karo

Xigashada Sawirka, GLADES BOYS
Tobankii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii Florida ay billowday tartankeedii ugu horreeyay ee dilidda maska khatarta ah ee Jabisada loo yaqaano Burmese, kumannaan qof oo ka kala yimid Mareykanka iyo adduunka oo dhan ayaa u dhaqaqay inay dilaan Masaska.
Jake Waleri, oo 22 jir ah wuxuu leeyahay hal qorshe oo weyn xilliga uu fasaxa ku jiro taasi oo ah in uu ugaarsado masaska.
Ninkan oo ka soo jeeda magaalada Naples ee gobolka Florida ayaa sheegay in uu had iyo jeer la socdo arrinta Jabisada nooca Burmese oo ah nooc ka mid ah duurjoogta la wareegay Everglades, iyo dhibaatada ay ku hayaan deegaanka dabiiciga ah ee Florida.
Waxa uu danaynayay ugaarsiga Mas Jabisada ka dib markii uu daawaday ugaarsatada xirfadleyda ah ee taleefishinada ka soo daaya iyaga oo qabanaya Masaska.
Waxaa uu bilaabay labo sano ka hor inuu ugaarsado masaska , Sannadkii hore, wuxuu galay barnaamijka loo yaqaano Florida Python Challenge - tartanka sannadlaha ah ee ugaarsiga Jabisada - laakin wuu ka baxay sababtoo ah waxaa uu aad uga hoos maray qiimeyntii la sameeyay.
"Sanadkan waxaan doonayaa inaan ku guuleysto," ayuu yiri.
Is-reereebka tartanka loo galo xirfadda soo qabashada Maska Jabisada ayaa waxaa sanadkii ka qeyb gala boqolaal qof gobolka Florida.
Tartamayaasa qaarkood ayaa waxay ka yimaadaan Canada, Belgium iyo Latvia, waxaana dadkaasi oo dhan soo jiitay abaalmarinta tartankani oo dhan $30,000.
Ku guuleystayaasha tartankan ee dhawaan ku guuleystay waxaa ka mid ah macallin maadada Seyniska ka dhiga iskuul wax lagu baro dadka dhagoolayaasha oo isaga oo aan gacanta waxba ku duuban ku qabtay mas dheerarkiisu yahay ku dhawaad 16ft, waxaana uu ku guuleystay $10,000.
Ilaaliyeyaasha maxalliga ah ee deegaanka ayaa sheegaya in tartanka uu yahay mid lagama maarmaan ah si loo xakameeyo dhibaatada ay Jabisada ku hayso deegaanka Everglades ee Florida.
Hadda, waxaa ay dadka haystaan fasax ah in la dili karo wakhti kasta iyo meesha lagu arko maska Jabisada, umana baahno in uu qofka haysto warqad ogolaanshiyo uu ku dilo.

Xigashada Sawirka, FLORIDA FISH & WILDLIFE
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sharciga ugaarsiga Jabisada
Tartamayaashu waa inay bixiyaan $25 ayna dhammaystiraan barnaamij tababar oo 30 daqiiqo ah, kaas oo diiradda saaraya sida saxda ah ee loo garto masaska looguna dilo si degdeg ah.
Maadaama ay sharci darro tahay in la safriyo Mas nool iyada oo aan la haysan ogolaansho gaar ah, inta badan ugaarsadaha masaska waa in uu ku dilaa ka hor intaysan keenin saldhiga miisaanka rasmiga ah.
Habka loo dilo ee ay khubarada ku talinayaan ayaa waxaa loo yaqaan "double-pithing" waxaana lagu sameeyaa iyadoo masku madaxa laga dhufanayo iyo laf-dhabarka kadibna la burburiyo maskaxda. Waxaa sidoo kale la oggol yahay meelaha qaar in maska lagu dilo xabad.
In si sax ah loo aqoonsado masaska waa muhiim. Dilka masaska kale sida abeesada waxay keenaysaa in tartanka aad ka harto is, ayay tiri Mrs Segelson, oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha tartanka.
"Waxaa dhanka kale manuuc ah in la dilo Jabisada Dhiddiga ah ee sanadkii dhali karta ku dhawaad 100 ukumood.
Ma cadda saamaynta dilka ay dawladdu oggolaatay uu ku yeeshay nidaamka deegaanka ee Everglades sababtoo ah khubarada ayaa sheegaya in aanay suurtogal ahayn in la ogaado tirada jabisooyiinka halkaasi ku haray.
Tartankan ayaa looga gol leeyahay in lagu dhimo tirada Jabisada gobolkaasi Florida islamarkaana dadka ay ku dhiiradaan inay dilaan.
Duurjoogta sida Deerada, dawacada iyo xayaawaano kale oo aad ugu badnaa deegaanka Everglades ee koonfurta Florida ayaa iminka u muuqda kuwo si aad ah u sii yaraanaya.
Khubarada ayaa arrintan u aaneeyay in Jabisada nooca Burmese loo yaqaano ay duurjoogtani baabi'isay oo ay cunto.
Si hormar looga gaaro la dagaallanka dhibaatadan Jabisada ay deegaanka ku hayso ayaa waxaa la bilaabay tartankan lagu bixinayo abaalmarinta si dadka loogu dhiirigaliyo in ay dilaan Jabisada iyaga oo adeegsanaya qaab xirfadeysan oo aan arxan darneyn.













