Shinzo Abe: Raysul wasaaraha wakhtigii ugu dheeraa soo hoggaamiyey Japan

Xigashada Sawirka, Reuters
Shinzo Abe, oo ahaa Raysul wasaarihii wakhtigii ugu dheeraa soo hoggaamiyey dalka Japan waxaa lagu yaqaannaa siyaasadaha arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha oo sababay in loogu magacdaro ‘Abenomics’.
Abe oo 67 jir ahaa in laba jeer xilka Raysul wasaaranimada loo doorto waxaa u horseeday xisbiga uu ka tirsan yahay ee LDP.
Muddo xileedkiisii ugu horreeyey ee Raysul Wasaaranimadiisa oo billaawday 2006-dii sanadkii ugu horreeyeyba waxaa hareeyey muran siyaasadeed oo ka dhashay caafimaadkiisa iyo siyaasaddiisa.
2012-kii ayaa markale xilka loo doortay ilaa uu xaalad caafimaad oo la soo deristay awgeed uu 2020-kii uu xilka isaga casilay.
Doorashadiisa labaad waxay ku soo beegantay xilli dhaqaalaha dalka Japan hoos u dhac weyn uu ka muuqday, wuxuuna Abe la yimid siyaasad dhaqalaha sare loogu soo qaado taasoo loo aqoonsaday iney horseedday dhaqaalaha dalka Japan uu soo kobco.
Wuxuu sida oo kale kaalin mug leh uu ku lahaa dalka Japan inuu ka soo kabto Dhulgariirkii weynaa iyo duufaantii 2011-kii dalkaasi ku dhufata oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20,000 oo qof, waxyeelladana u geysatay xaruunta Niyuukilarka ee Fukushima.
2020-kii ayuu xilka iska casilay wuxuuna daaha ka qaaday inuu ku soo noqday xanuunka mandhaciirka oo oo 2007-dina ku kallifay inuu xilka iska casilo.
Waxaana baddalay siyaasiga ay xulafada yihiin ee Yoshihide Suga, hase yeeshee Abe weli waxaa loo arkayay inuu ahaa shaqsi lafdhabar u ah siyaasadda dalka Japan.
Xil qabashadiisii
Isaga oo ah wiil uu dhalay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Shintaro Abe awoowna uu u ahaa ra'iisul wasaarihii hore Nobusuke Kishi, Abe waxa uu ka soo jeedaa qoys siyaasadda Japan taariikh ku leh.
1993-kii ayaa markii ugu horreysay loo doortay xubin baarlamaan, 2005-tina wuxuu ka mid noqday golaha wasiirrada kaddib marki uu Raysul wasaare Junichiro Koizumi uu u magacaabay xilka xoghayaha guud ee golaha wasiirrada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Abe degdeg ayuu siyaasadda dalka Japan uga soo muuqday, 2006-dina wuxuu noqday Raysul wasaarihi ugu da’da yaraa oo xilkaasi qabtay dagaalka kaddib.
2007-dina xilka Raysul wasaaranimda ayuu iska casilay kaddib marki uu xisbiga LDP uu guuldarro uu kala kulmay Aqalka Sare ee dalkaasi xaalad caafimad darrana ay la soo deristay.
Hase yeeshee, 2012-kii ayuu xilka Raysul wasaaranimada ku soo laabtay isaga oo sheegay xanuunki hayey inuu ka bogsaday lagana daweeyey.
Siyaasi waddaniyaddu madax martay
Abe wuxuu caan ku ahaa siyasaddiisa difaaca, arrimaha dibadda iyo doonitaankiisi ku aaddanaa wax ka baddalidda dastuurka dalkaasi ee la qoray dagaalka ka hor.
Hase yeeshee, dhinacyada ka soo horjeeda siyaasadda Abe waxay ku doodayeen dastuurka dalka Japan uu Mareykanka u sameeyey inuu yahay mid dalka Japan xusuusinayo guuldarradi ay kala kulmeen dagaalki labaad ee Adduunka.
Aragtida Waddaniyadeed uu Abe la yimidna waxaa dhibsaday dalalka Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iscasilaadda iyo Geridiisa
Abe 28-kii August marki uu shaaciyey inuu xilka iska casilay waxaa xisbiga LDP ka dhex billawday loollan adag, maadaamaa isaga uu sheegin xubinki baddali lahaa.
Waxyar kaddibna waxaa xilka la wareegay Yoshihide Suga oo ah siyaasi rugcaddaa ah muddo dheerna ka mid ahaa golaha wasiirrada.
8-ddii Luulyo, Abe wuxuu ku sugnaa koonfurta magaalada Nara isagoo ku ololeynayay magaca musharrax u tartamaya aqalka sare ee Japan.
Xilli uu Abe khudbad jeedinayey waxaa toogtay nin hubeysan oo horay uga tirsanaa ciidamada badda, wuxuuna isticmaalayay sida la sheegay qori gacan ku sameys ah.
Booliska ayaa ninkaas qabtay markiiba waxaana ay hadda ku hayaan xabsi.
Ninka dilka geystay oo da’diisa lagu sheegay 41 jir Wuxuu booliska u sheegay inuu ka soo horjeedo Abe oo ahaa Raysul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee dalka Japan.













