Amniga Xajka sanadkan 2022-ka

Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ansixisay qorshaha amniga Xajka ee sanadkan Hijriyada 1443 ama 2022-ka.
Wasiirka arrimaha gudaha ahna guddoomiyaha guddiga sare ee Xajka, Amiir Cabdulcaziiz Bin Sacuud Bin-Naif wuxuu qalinka ku duugay qorshaha Amniga Xajka sanadkan.
Qorshahaasi oo uu ku dhawaaqay Sarreeya Guuto Maxamed Al-Basami, waxaa la sheegay inuu ka dhaqan galayo Maka, Madiina iyo Goobaha ay acmasha xajka ka dhacayaan.
Qorshaha Amniga ee la meel-mariyey ayaa ka kooban amniga xujeyda iyo ilaalintooda, fududeynta howlaha gaadiidka, amniga jidadka iyo dhammaan wax kasta oo la xiriira badqbka xujeyda waajibka xajka gudaneysa sanadkan.

Xigashada Sawirka, SPA
Ciidamada la howlgeliyay ee amniga xajka
Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amniga Xajka sanadkan waxay u diyaarisay 22,000 oo qof sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.
Kumannaan askarta booliska ah ayaa iyaguna ka qayb qaadanaya sugidda amniga xujeyda. Waxaa heegan buuxa la geliyay ciidamada booliska qaybahooda kala duwan.
Ciidamadaas oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaan iyo noocyo kala duwan oo gaaddiid ah.
Maamulka magaalada Maka waxay howlgeliyeen dhammaan shaqaalihii iyo dhaqaalihii ay ugu talagaleen in lagu ilaaliyo amaanka xujeyda.
Ciidamada dhulka ee boqortooyadu waxay iyaguna ka qayb qaadanayaan amniga goobaha ay Xujeydu acmaasha ku gudanayaan si ay uga hortagaan wax kasta oo waxyeello u geysan kara martida xaramka soo booqatay.
Xujeyda waxaa u adeegaya gaadiid isugu jira basas iyo tareen casri ah.
Dhammaan magaalooyinka Maka iyo Madiina iyo goobaha ay acmaasha xajku ka dhacayaan hawada sare waxaa ka ilaalinaya oo iyaguna heegan ku jira ciidamada cirka boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Xigashada Sawirka, SPA
Adeegga Caafimaadka
Boqortooyada Sacuudiga malaayiinta qof ee xajka gudaneyso waxay u diyaarisay adeeg caafimaad oo dhammeystiran.
Wasaaradda Caafimaadka Sacuudi Carabiya waxay sheegtay magaalooyinka Maka iyo Madina inay ku diyaarisay 23 isbitaal iyo 147 xarumo caafimaad oo xujeyda u adeegto.
Isbitaalladaas iyo xarumahaas caafimaad waxaa lagu diyaariyay in ka badan 1,000 sariir oo loogu talagalay xaaladaha degdegga ah, 200 oo sariir oo loogu talagalay dadka kuleylka uu saameeyo, iyo xirfadleyaal caafimaad oo ka badan 25,000.

Xigashada Sawirka, SPA
Waxaa sidaas oo kale la diyaariyay gaadiidka gurmad caafimaad ee dedgegga ah ee loo yaqaanno bukaan-la-roor (Ambulance) oo isugu jira 100 yaryar iyo 75 noocyo waaweyn ah.
Dadka laga helo cudurka Covid-19 waxaa iyagana loo diyaariyay xarumo u gaar ah oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalo.
Hal milyan oo qof ayaa xajineysa sanadkan.













