Maxamed Bin Salmaan: Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo raadinaya inuu xiriir fiican la yeesho Iiraan

Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman is interviewed by Saudi TV (27 April 2021)

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir Maxamed ayaa sheegay in Sacuudiga uusan dooneynin in "xaaladda kala dhaxeysa Iiraan ay adkaato"

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dowladdiisu ay dooneyso "xiriir wanaagsan" oo kala dhaxeeya dalka ay sida weyn isaga soo hor jeedaan ee Iiraan.

Amiirka ayaa telefishinka Al Carabiya u sheegay in waddankiisa uu u baahan yahay Iiraan si ay uga caawiso horumarinta gobolka Bariga Dhexe.

Laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in Sacuudiga uu dhibaato ku qabo "ficillada dhinaca khaldan u jiheysan ee Iiraan", isagoo tusaale ka dhigay barnaamijkeeda nuclear-ka, gantaallada ay riddo iyo caawinaadda ay siiso "mintidiinta la mamnuucay".

Wuxuu intaas ku daray in Sacuudiga uu kala shaqeynayo dalalka ay xulafada yihiin ee gobolka iyo caalamka "sidii xal loogu celi lahaa dhibaatooyinkaas".

Hadalka amiirka ayaa yimid maalmo kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in saraakiil sar sare oo ka kala socda Sacuudiga iyo Iiraan ay yeesheen wadahadallo qarsoodi ah oo ka dhacay dalka Ciraaq, kuwaasoo ay ku doonayeen in ay dib ugu soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeedd.

Saraakiil dhinaca Sacuudiga ah ayaa beeniyay wararkaas. Laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ma aysan xaqiijinin mana aysan beeninin, waxayna taas baddalkeeda sheegtay in "mar walba ay soo dhaweynayaan wadaxaajood".

Sacuudi Carabiya oo isu aragta inay tahay dalka hoggaamiya awoodda muslimiinta Suniyiinta ah iyo Iiraan oo ah waddanka ugu weyn dalalka Shiicada Muslimiinta ah ayuu khilaaf ka dhaxeeyaa muddo tobannaan sano ah.

Laakiin sannadihii ugu dambeeyay, cadaawaddooda waxaa sii xoojiyay dagaallo ay labada dhinac kala taageeraan oo ka socda qeybo ka mid ah Bariga Dhexe.

A Yemeni pro-government fighter fires a vehicle-mounted weapon towards Houthi rebels on the frontline in Marib province, Yemen (28 March 2021)

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sacuudiga iyo Iiraan waxay isaga soo hor jeedaan dagaalka ka socda dalka Yemen

Dhinaca Yemen, Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo u badan dalalka Suniyiinta Carabta ayaa taageeraya xoogagga dowladda taabacsan ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ay Iiraan xulafada yihiin tan iyo sanadkii 2015-kii.

Dowladda Iiraan way beenisay in ay hub siisay xoogagga xuutiyiinta oo sare u qaaday weerarradooda gantaallada iyo diyaaradaha uusan duuliyaha wadin ee ay ku bartilmaameedsadaan magaalooyinka Sacuudiga iyo warshadaha saliidda soo saara.

Sacuudiga ayaa Iiraan ku eedeeyay in ay farogalin ku heyso arrimaha gudaha ee dalalka Lubnaan iyo Ciraaq, waxaana waddamadaas saameyn ku leh kooxo Shiico ah oo ay Iiraan taageerto. Waxaa kale oo ay ku eedeysay in Iiraan ay ka dambeysay weerarro lala eegtay warshadaha saliidda Sacuudiga sanadkii 2019-kii.

Intaas waxaa dheer, boqortooyada Sacuudiga waxay kasoo hor jeedsatay heshiis sanadkii 2015-kii lagu galay in la xakameeyo barnaamijka nuclear-ka Iiraan, waxayna taageertay go'aankii uu saddex sano ka hor madaxweyihii Mareyknaka Donald Trump uga baxay heshiiskaas dibna loogu soo celiyay cunaqabateyntii dhaqaale ee saarneyd Iiraan.

Iran's deputy foreign minister leaves a hotel in Vienna, Austria, hosting a meeting of the states party to the 2015 nuclear deal (15 April 2021)

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Maamulka Biden ayaa isku dayaya in dib loo soo celiyo heshiiskii nuclear-ka Iiraan ee uu Sacuudiga diiday

Iiraan oo dhankeeda ku aar gudatay inay ka baxday qodobbo muhiim u ahaa xakameynta bacriminta nuclear-ka ayaa hadda wadahadallo aan toos ahayn kula jirta maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, iyagoo ka arrinsanaya sidii heshiiskaas dib loogu soo nooleyn lahaa.

Muxuu yidhi Maxamed Bin Salman?

Wareysiga telefishinka ee uu bixiyay habeenimadii Talaadada sii baxeysay ayuu Amiir Maxamed bin Salman ku sheegay in Sacuudiga uusan rabin "in xaaladda kala dhaxeysa Iiraan ay sii xumaato".

"Wax walba oo dhaca, Iiraan waa dal aan daris nahay waxa kaliya ee aan rajada ka qabnana waa inaan yeelanno xiriir wanaagsan.

"Dhibaatada aan ka tabaneyno waa hab dhaqankooda dhinaca xun u janjeera, sida barnaamijka nuclearka, taageerada ay siiyaan kooxaha sharci darrada ah ee gobolka ku sugan ama gantaallada balaastigga ee ay soo ridaan<" ayuu ku daray hadalkiisa.

"Waxaan ka shaqeyneynaa xal u helidda dhammaan arrimahan oo ay garab naga siinayaan saaxiibbadeenna gobolka iyo dunida kaleba, waxaana fileynaa inaan ugu dambeyn helno xiriir wanaagsan oo ay dhinac walba dan ugu jirto."

Dhanka kale, Amiir Maxamed ayaa meesha ka saaray in uu wax khilaaf ah ka dhaxeeyo boqortooyada iyo maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.