Jamal Khashoggi: 'Afartii qof ee ka qeyb qaadatay dilkiisa waxaa lagu soo tababaray Mareykanka'

Xigashada Sawirka, EPA
Wargeyska ka soo baxa dalka Mareykanka ee The New York Times, ayaa qoray warbixin sheeegeysa in afar ka mid ah kooxdii ka qeyb qaadatay dilkii loogu geystay Jamaal Khashoggi, in lagu soo tababaray dalka Mareykanka.
Wariye Jamal Khashoggi oo ahaa nin caan ah oo ka soo horjeeday boqortooyada Sacuudiga ayaa bishii Oktoobar 2018, lagu dhex dilay qunsuliyaddii Sucuudiga ee Istanbul.
Waxaan tababarka afartan qof lagu siiyay gudaha Mareykanka, waxaa ansixiyay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, sida uu ku warramaya wargeyska oo soo xiganayo dokumentiyo iyo ilo wareedyo.
Waxaa tababarka bixisay koox lagu magacaabo Tier 1 Group oo fadhigeedu yahay gobolka Arkansas oo ay leedahay shirkad arrimaha amniga qaabilsan, oo lagu magacaabo Cerberus Capital Management.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sida uu sheegayo wargeyska, ujeedada raggan loogu tababarayay halkaas waxay aheyd in ay difaacaan hoggaamiyeyaasha Sacuudiga.
Ned Price oo ah afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in haatan uusan ka hadli karin eedeymahaas ku aadan dilka Khaashuuqji ee uu qoray wargeyska.
Wuxuu sheegay in siyaasadda Mareykanka ee ku aadan Sucuudiga ay ku saleysan tahay 'ilaalinta sharciga iyo xuquuqda aadanaha'.
Dowladda Sacuudiga iyo shirkadda Cerberus Capital Management toona kama aysan hadlin warbixinta.
Dilka Kaashuuqji
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka bishii February ee sanadkan ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in "la soo qabto ama la dilo" weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.
Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka.
Khaashuqji ayaa waxaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga.
Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay shakhsiyaad ku lug lahaa amaba mas'uul ka ahaa dhimashadii Khaashuqji. Hasayeeshee warbixintu waxa ay leedahay "ma ogin mudada ay qorshaynta ku qaateen" dadkii ku lugta lahaa inay ninkaasi waxyeeleeyaan.
Mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa ay dilka Jamaal ku eedeeyeen inuu ku yimid "howlgal damiirka ka fog" oo ay qaadeen koox sirdoon ah oo loo diray inay weriyaha dib ugu soo celiyaan boqortooyada, iyadoo maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay oo ay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof, kaddib markii markii hore ay dil ku xukuntay.











