Gabar 29 jir ayeeyo ku noqotay oo eedeysay waaliddiinteeda

Rihaana Maxamed

Xigashada Sawirka, ERIC LAFFORGUE/ART IN ALL OF US

Rihaana Maxammed markii ay da'deedu ahayd 13 jir ayaa loo guuriyay nin da’ ahaan aad uga weyn. Iyadu waxay jirtay 12 halka ninka loo guuriyeyna uu 30 jir ahaa. Wuxuu ka weynaa 17 sano.

Waxay ahayd gabar yar oo maskax furan oo waxbarashadana jecleyd sida ay sheegayaan dadkii yaqaannay yaraanteedii.

“Labo bil markii uu guurkeyga ka harsan yahay ayaan maqlay in nin la i siiyay. Wixii ka horreeyeyna waa la iga qarinayay. Waan ooyay. Waan baryootamay, balse cidna ima dhegeysan,” ayay tiri Rihaana Maxammed.

Gabadhan qisadeeda ka sheekeyneysa waxay ku nooshahay degmada Daasenesh ee ku taalla Koonfurta dalka Itoobiya, waxayna u weyn tahay lix gabdhood oo ay isku hooyo yihiin.

Waaliddiinteeda ninka ay u guuriyeen ma aha nin ay isgaranayeen, waxayna uga beddesheen dhowr neef oo lo’ ah.

Maaddaamaa bulshada Daasenech ay lo’da aad u qiimeeyaan, dhaqan ahaanna ay tahay waxa ugu qaalisan ee gabar laga bixiyo.

“Aabbahay wuxuu lahaa lo’ ka badan 100, balse lo’di abaarta ayay ku dhamaatay. Markaa ayuu aabbahey baadigoob u galay nin i guursada xoolana uu ka qaato,” ayay tiri.

Rihaana iyo Seygeeda

Xigashada Sawirka, Getty Images

“Waaliddiinteyda markii ay xoolo beeleen ayay nin iga da’ weyn ii guuriyeen, waxayna igu beddesheen dhowr neef oo lo’ ah.”

Xogta haweeneydan waxaa warbixin ay dhowaan soo saartay ku daabacday hay’adda UNICEF. Warbixintaas oo ay hay'addu uga hadleysay waaliddiinta Itoobiya sida ay gabdhaha yaryar ugu guuriyaan iyaga oo aan qaangaarin.

Guurka aan qaangaarka ahayn ee Itoobiya ku soo badanaya ayay UNICEF u sababeysay musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa ay dadku sameeyeen ee dalkaasi ka jira.

Deegaannada Amxaarada iyo Tigreega ayaa ka mid ah meelaha uu sanadihi u dambeeyay ku soo badanayay guurka aan gabdhaha da'da yar.

Halka deegaannada Oromada, Cafarta iyo Soomaalidana dhaqanka noocaas ah uu ka jiro walow uusan gaarsiisneyn heerka deegaannada Amxaarada iyo Tigraay.

“Xasilooni-darrada ka jirta dalka Itoobiya waxay waaliddiinta ku kalliftay in gabdhahooda oo aan qaangaarin ay nin ku daraan,” ayay tiri Alehubel Alemaw oo ka shaqeysa arrimaha qoyska.

“29 jir ayaan ayeeyo ku noqday”

Gabadhan hooyada ah ee ay UNICEF sheekadeeda shaacisay ayay shabakadda ka howlgasha Addis Ababa oo lagu diiwaangeliyo waxyaabaha la-yaabka leh ee Afrika ka dhacay u aqoonsatay inay tahay gabadhii ugu horreysay oo 29 jir ayeeyo ku noqota.

Rihaana 13 jir ayay ku guursatay. Sanad kaddib (14 jir) waxay dhashay ilmihii ugu horreeyay, halka 15 markii ay ahaydna ay ilmihi labaaad dhashay.

Rihaana gabdheedii labaad markii ay 13 jir ahayd ayaa iyaduna la guursaday 14 jir ayayna ku dashay ilmaheedi koowaad, sidaa ayay Rihaana ayeeyo ku noqotay.

Gabar lugta ka xiran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gabadhan oo barnaamij arrimaha qoyska ka faallooda marti ku noqotay waxay sheegtay in inkastoo loo guuriyay nin da’ ahaan aad uga weyn, haddana ninka uu Ilaahay u calfay in uu yahay nin wanaagsan, taas oo ay Ilaahay uga mahadcelineyso.

Gabadhaha iyagoo aan qaangaarin la guursado dhibaatooyinka ay la kulmaan waxaa ka mid ah waxbarashada oo ka istaagta, isku-furan ay la kulmaan xilliga aqalgalka ama foosha oo mararka qaar geeri horseedda.

Sharciga Itoobiya wuxuu dhigayaa in wiilka iyo gabadhaba ay ku guursan karaan 18 jir iyo wixii ka sarreeya, haddii ay da’daa ka yaraadaanna waxaa la dhihi karaa guurka dad aan qaan-gaar ahayn.