Raysul wasaarihii hore Japan oo geeriyooday

Xigashada Sawirka, Reuters
Raysul wasaarihii hore Japan, Shinzo Abe, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray toogasho lagula eegtay saaka subaxii hore goob uu ka khudbeynayay. Waxaa laga toogtay qoorta iyo xabadka.
Dhaqaatiirta ayaa muddo shan saacadood ah la taacalayay xaaladdiis caafimaad.
Ninka toogashada ku dilay Abe ayaa horey uga tirsanaa ciidamada badda, wuxuuna isticmaalayay sida la sheegayo qori gacan ku sameys ah. Booliska ayaa ninkaas qabtay markiiba waxaana ay hadda ku hayaan xabsi.
Wuxuu booliska u sheegay inuu ka soo horjeedo Abe oo ahaa Raysul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Japan
Wararkii aan saaka ka qornay
Muuqaallo ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaasoo aan la xaqiijin karin, waxayna muujinayaan shaqaalaha caafimaadka oo ku hareeraysan Shinzo Abe bartamaha meel waddo ah, iyadoo markaas kadibna loola cararay isbitaalka.
Abe ayaa markii uu weerarku dhacay waxa uu khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacaysay magaalada Nara – goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay arkeen nin ay tilmaameen inuu qori weyn gadaal ka soo ridayay.
Rasaastii ugu horreysay ayaa u muuqatay inay seegtay laakiin xabbada labaad waxay uga dhacday dhabarka. Isla markiiba waxa uu ku dhacay dhulka isaga oo uu dhiig ka qubanayo. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay ninka looga shakiyay inuu weerarka geystay oo aan isku dayin inuu baxsado.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Telefishin maxalli ah oo lagu magacaabo NHK ayaa sheegay in Abe uu "miyir qabay oo uu jawaabayay marka wax la waydiiyo, hase yeshee wararka qaar ayaa sheegaya inuu miyir daboolmay .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wararku waxay intaa ku darayaan in qoriga uu adeegsaday ninka loo malaynayo inuu weerarka gaystay uu yahay qor gacan ku sameys ah.
Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in qofka weerarka geystay la rumaysan yahay in uu hore uga tirsanaan jiray ciidamada Japan ee difaaca badda.
Su’aasha ugu horraysa ee dad badan ay isweydiinayaan ayaa ah qori noocee ah ayaa loo adeegsaday weerarkan? Sideese ninka gaystay toogashada uu ku helay qorigan?
Jawaabtu waxay u muuqataa in laga yaabo inuu isagu sameystay. Sawirro laga soo qaaday markii tuhmanaha la soo qabanayay ayaa muujinaya wax u eg qori la farsameeyay.
Rabshadaha hubku aad ayay ugu yar yihiin Japan, hubkuna aad bay u adag tahay in la haysto. Sidoo kale, waxaa aad loo xakameeyay rabshadaha dhanka siyaasadda.
Shinzo Abe wuxuu watay koox boolis ah oo ammaankiisa sugaysa, Laakiin waxa ay u muuqataa in qofka toogashada geystay uu weli awooday inuu dhowr mitir u jirsado isagoo aan wax xannibaad ah kala kulmin ilaalada Abe.
Toogashada ninkan caanka ah horeyna u soo noqday raysul wasaaraha ayaa aad looga naxay gudaha Japan.










