Muxuu yahay sharciga ay ka caroodeen ganacsatada Soomaalida ee Minneapolis iyo waxa ku xusan

Xigashada Sawirka, Hiiraan Online
Bilowgii bishii aynu soo dhaafnay ee Nofember ayaa waxaa golaha magaalada Minneapolis ay u codeeyeen hindise lagu dhisayo Guddiga Heerarka Shaqada ee Minneapolis taas oo la ansixiyay loona gudbiyay duqa magaalada.
Xeerka lagu dhisayo Guddiga Heerarka Shaqaaluhu waxaa u codeeyay 8 waxaana diiday oo doonayay in ay meesha ka saaraan 5, waxaana dadka diiday ka mid ahaa Jamaal Cismaan oo xubin ka ah Golaha Deegaanka ee Minneapolis.
Jamaal oo ka hadlay ayaa yiri, "anigu waan diiday oo ma ansixin laakiin waa nalaga cod batay wuuna gudbay, sidaas daraadeed waxa aan jeclaan lahaa in bulshadeennu ay dib u eegto guddigan kaas oo u muuqda mid aysan dani ugu jirin, isla markaana aan lagala tashan".
Guddigan oo qorsheynayay sharci wax looga badalayo xuquuqda dadka shaqaalaha ah ee ka shaqaysta ganacsiyada yaryar ayaa shaqaalaha u oggolaanaya in ay helaan fasaxyo badan iyo lacago dheeri ah maalmaha ay shaqada ka maqan yihiin.
Guddiga ayaa dhaleeceyn adag kala kulmay koox cod leh oo ah milkiilayaasha makhaayadaha ah iyo iyo ganacsato yaryar oo kale.
Intaa kadib Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa si cad u diiday Hindisaha Golaha Deegaanka ee Guddiga Heerarka Shaqada, soona Jeediyey qorshe cusub "oo dheellitiran".
Frey ayaa ku biiriyey talooyin ku saabsanaa Guddiga Heerarka Shaqada, isagoo soo bandhigay qorshe cusub oo dhex-dhexaad ah.
Duqa ayaa doonaya in hindisaha cusub lagu mideeyo danaha shaqaalaha iyo ganacsatada, iyadoo la xaqiijinayo in dhammaan dhinacyadu helaan wakiilnimo siman iyo go'aan wadajir ah.
Frey ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga Heerarka Shaqada uu noqon karo mid miro-dhal ah oo keliya haddii labada dhinac ay si dhab ah uga qayb qaataan.
Balse wuxuu tilmaamay in hindisaha Golaha Deegaanka uu aad ugu janjeero dhinaca shaqaalaha, taas oo keentay in ganacsato badan, oo ay ku jiraan boqolaal ganacsato yaryar ay ka hor yimaadaan hindisaha.
Intaa kadib waxaa xigay in guddiga ay ku timid hoos u dhac, ka dib dadaallo ay wadeen u doodayaasha shaqaalaha ee ahaa in la dhiso Guddiga Heerarka Shaqada ee Minneapolis.

Xigashada Sawirka, MN
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taageerayaashii sharciga waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah ee Adeegga (SEIU) Local 26 iyo Xarunta Minneapolis ee Centro de Trabajadores Unidos en la Lucha (CTUL).
Maryam Cabdi, oo ah shaqaale daryeel caruur iyo hogaamiye kooxda u doodda Kids Count on Us, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in natiijooyinka Khamiista ay ahaayeen "naxdin" oo ay ka shaqeynayeen daryeelka carruurta 10 sano.
"Waxaan u baahanahay isbedel. Waan ku daalnay inaan aragno shaqaalaha xannaanada carruurta oo dareemaya dambi si ay u weydiistaan xuquuqdooda. Waan ka xumahay in Duqa Minneapolis Frey uu doortay inuu diido qaraarkan, xubnaha golaha qaarkoodna ay diideen bixiyeyaasha xannaanada carruurta, macallimiinta, iyo waalidiinta diyaarka u ahaa inay miiska yimaadaan," ayey Maryam Cabdi ku tiri hadal ka soo baxay SEIU Local 26.
Dhinaca kale urrurada shaqaalaha ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, ayaa soo saaray sharci lagu difaacayo dadka leh ganacsiyadada yaryar ee magaaladaas kaas oo laga shaqeynayay muddooyinkii u dambeeyay.
Sharcigan ayaa waxa uu baqdin ku abuuray oo ka hor yimid dadka ganacsiyada yaryar ku leh magaalada Minneapolis oo Soomaalidu ka midka tahay.

Xigashada Sawirka, Social
Jamaal Cismaan oo ah xubin ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis, ayaa uga warramay BBC-da sharcigan kaas oo soo saaray warqad uu ku diidan yahay.
"Sida aad ogtahay ganacsatada magaaladu waxa ay soo mareen heerar kala duwan iyo hoos u dhac, waxaanan anigu aaminsanahay in sharcigan haddii waddada saxda ah loo mari lahaa in uu ahaan lahaa mid ay dani ugu jirto labada dhinac" ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in ay la soo xiriireen ganacsatada yaryar iyaga oo ka codsaday in uu garab istaag u muujiyo maadaama aysan awood u lahayn xuquuqaha dheeriga ah ee loo doonayo shaqaalaha.
"Dadka sharciga qorayay maalin xitaa waqti ma aysan gelinin bulshadeenna iyo Soomaalida, sidaas daraadeed anigu waan diiddanaa, iyadoo ganacsatada yaryar ee Soomaalida ahna ay igu cadaadinayeen in aan ka hadlo".
Minneapolis waxaa ganacsiyo ku leh Soomaali badan iyada oo ah magaalada ugu caansan ee ay ku nool yihiin Soomaalida Mareykanka amaba ay u badan yihiin.













