"Waxba ha qaban": Sida uu dalkan ula tacaalo kurbada

gabar xeeb taagan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaabkani waa mid aad waqti badan ku nasanaysid wax badanna ku qabanaysid
    • Author, Olga Mecking
    • Role, Author

Niksen – oo ah eray bixin caafimaadka maskaxda ah oo afka dhaajka (Dutch) ka dhigan"waxba ha qaban" - ayaa soo jiidatay dareenka adduunka si loo maareeyo walbahaarka ama ka soo kabashada walwalka.

Magaalada Hague ee dalkaasi caasimadda u ah waxay leedahay ilaa 11 kilomitir oo xeeb aad u qurux badan oo bacad leh, xilliyada xagaagana waxaa badanaa la arkaa dadka deegaanka oo ku damaashaadaya, qorraxda isu dhigaya ama baaskiillo ku kaxaynaya xeebaha Scheveningen ama Kijkduin (labada xeebood ee ugu caansan magaalada), kadibna fadhiisanaya mid ka mid ah kuraasta badan ee halkaas ku diyaarsan. Mararka qaar waxbay akhrisanayaan ama saaxiibbadood ayey la sheekaysanayaan, balse sidoo kale waxay samaynayaan ‘Niksen’ (waxba).

Niksen waa isbeddel caafimaad oo dalka Nederland laga bilaabay oo macnaheedu yahay "waxba ha qaban". Waxay markii ugu horreysay soo jiidatay dareenka adduunka sannadkii 2019 si loogu maareeyo walbahaarka ama ka soo kabashada xilliyada adag. Waqtigaas, dad badani waxay ka cabanayeen daal iyo niyad-jab ka dhashay shaqada dheeraadka ah waxayna raadinayeen xal - taas oo ah sababta fikradaha sida tan Japanese-ka ee iigai ama tan Danish-ka hygge ay sidoo kale galeen qaamuuska afka Ingiriisiga. Af-yaqaan ahaan nafteyda, waxaan jeclaa fikradda ah inaad ku muujin karto fikradda ah inaan waxba qabanin hal eray oo gaaban oo sahlan.

Buugga Niksen: Qabashada falsafada Nederlandka ee Waxba Samaynta, wuxuu qoraagu ku qeexay "wax ma qabashada ujeeddo la’aan" – marka adiga oo aan Facebook iskaga jirayn ama aan iska nasayn sabab la’aan. Halka miyir-qabku uu ka dhigan yahay joogitaanka xilligaa isaga ah, niksen waxa ay aad ugu badan tahay in la sameyo waqti aaduu ogolaanaysid maskaxdaada in ay iskaga fikirto wixii ay doonto ee agagaarkeeda ah. Sidoo kale maadaama aan kasoo kabaneyno xilligii Covid-ka, aad ayey muiim u tahay in aan dib uga fikirno qaabka aan u shaqayno ee aynu waqtigeenna ku bixinno

Luuqad ahaan, niksen (wax samayn la’aan) waa fal laga abuuray "niks", oo macneheedu yahay "waxba".

Qof ku nasanaya buundo dusheed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Afka Dutch-ka, ereyga waxaa loo isticmaali karaa siyaabo kala duwan, mid togan iyo mid taban labadaba, Flecken waxa uu yidhi: "Waalidku waxa laga yaabaa in uu ilmihiis ku yiraahdo,"Zit je weer te niksen?" oo ka dhigan (haddana waxba ma qabanaysid miyaa?). Waxaanan dhihi lahaa 'lekker niksen', oo u turjuman ‘wax qabad la’aanta macaan’, marka aad fiidkii ka hadlayso waxyaabo ka madax bannaan shaqo iyo wixii la mid ah."

Haddaba taas micnaheedu ma aha in aan waxba la qaban ama gebi ahaanba la iska ilaaliyo masuuliyadda. “inaad kurbooto adiga oo diiradda saaraya shaqo iyo wixii la mid ah, ma aha wax xun. Dhibaataduse, waa marka ay jiraan cadaadis aad u badan oo dalabanaya natiijo adag in la keeno,” ayey tiri barfasore Bernet Elzinga oo maadada cilmu fansiga ka dhigta jaamacadda Leiden.

Balse Niksen ayaa taas kaa caawin karta. "Marka aanad waxba samaynayn, waxaad ku xidhataa shabakadaada maskaxda ee caadiga ah. Shabakaddaasina waxay mas'uul ka tahay -wareegidda iyo milicsiga maskaxda," ayey Elzinga ku sharraxday.

Balse haddana waxaa la yaab ah in ay Niksen inaga caawin karto wax soo saar dheeri ah, sababtoo ah waxay maskaxdeenna u ogalaanaysaa in ay nasato kadibna soo laabato iyada oo si fiican diiradda wax u saari karta iyo feejignaan dheer.

Tani malaha waa sababta dadka Netherland ay shoqo fiican u qabtaan iyaga oo muddo kooban shaqeeya. Shaqaynta waqti dheeraad ah ayaan la dhiirri gelin gudaha Netherland sababtoo ah waxaa jirta dabeecad ah “intaas ayaaba xad dhaaf ahe iska jooji shaqada” oo caan ka ah dalkaas. Waxayna u muuqataa mid si fiican u shaqaynaysa.

Dadka degaanku waxay jecelyihiin in ay waqtigooda ku bixiyaan qaab firinfircooni ah sida in ay baaskiil wadaan ama buur fanasho taas oo u ogalanaysa in ay maskaxda ka nadiifiyaan kurbada.