Maxaad ka ogtahay fitamiinka gabowga dib dhiga? xaggeese laga helaa?

Waayeel xuub siibtay

Xigashada Sawirka, Getty Images

In aynaan dhiig bax u dhiman marka dhaawucu yar yahay ama in uu jirku ka bogsado dhaawaca kasoo gaara bannaanka ayaa ah labada shaqo ee ugu muhiimsan ee fitamiin K inoo hayo.

Inkasta oo loo leeyahay aqoon ka yar tan fiitamiinnada C ama D, waxaa fiitamin K ku duugan sir kale oo ah in uu dhimo xawaaraha gabowga.

Fitamiinnadu ma aha wax laga il baxay

Waxaa laga yaabaa in ay inoola muuqato barashada fiitamiinnada ee xilligan in ay tahay wax aan micno weyn ku fadhin , balse boqol sano ka hor waxay ahaayeen halka ugu sareysa ee cilmiga sayniska. Magaca “vitamin“ waxaa soo jeediyey saynisyahankii baayookemistiga Casimir Funk sannadku markuu ahaa 1912. Wuxuux magacan u isticmaali jiray in uu ku qeexo waxyaabaha aasaaska u ah quudka intiisa ugu yar kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka.

Lagasoo bilabo muujintii fiitamiin B oo sidoo kale loo yaqaan “thiamine“ sannadkii 1910 ilaa fahamkii aysidhka Fosil (Focil Icid) ee 1941, daraaseynta walxahani waxay ahayd mid aad caan uga dhex ahayd barashada Kemistariga (Chemistry). sannadihii 1929, 1930, 1934, 1937, 1938 iyo 1943 abaal marinta Nobel-ka waxaa la siiyey qeexidda iyo sharraxaadda, shaqada ay qabtaan fiitamiinada kala duwan.

Si gaar ah taariikhda fitamiin K oo abaal marintii Nobel-ka ee 1943 helay waxay si dhow ula xiriirtaa xinjirowga. Magaca waxa uu ka yimid afka Danishka "Koagulation" iyo fiitamiintii hore loo soo jeediyay oo ah fitamiin J (flavin), oo hadda loo beddelay fitamiin B2. Waxaa lagu ogaaday in uu jiro wax ku jira cuntada oo leh saameyn dhiig-bax, taas oo ah, ka hortagga dhiigbaxa.

Wax yar ka dib, waxaa la ogaaday jiritaanka walxaha ku jira calafka lo'da kuwaas oo soo saaray saameyn ka duwan midda aan soo sheegnay: xooluhu waxay bilaabeen inay si iskood ah u dhiig baxaan.

Markii loo sameeyay xeryo lahu karantiilayo, waxaa la arkay in qaabdhismeedkoodu uu la mid yahay fitamiin K. Tani waxay keentay in loo isticmaalo daawooyinka sida daawada xinjirowga lidka ku ah si looga hortago xinjirowga dhiigga. Waana waxa aan ugu yeerno “antivitamin“ K (lidka vitamin K) sida (Sintrom®-ka caanka ah), taas oo tartan kula jirta fitamiin K.

beer Spinach

Xigashada Sawirka, Reuters

Siduu fitamiin K u shaqeeyaa?

Inkasta oo saamaynta fiitamiinkan ku leeyahay xinjirowga la ogaa tan iyo 1950-yadii lana isticmaali jiray lidka vitamin K, 1970-meeyadii ayaa la in aan runtii bilownay inaan fahamno sida ay u shaqeyso.

Faytamiin K ayaa loo baahan yahay si wax looga beddelo qaab-dhismeedka amino acids-ka qaarkood ee ka kooban borotiinada qaar (in ka yar labaatan nooc) oo aan u naqaanno "proteins-ku-tiirsanaanta fitamiin K". Waxaa ka mid ah kan loo yaqaan prothrombin ee taagan, taas oo ah xakameynta dhexe ee xinjirowga “cascade“.

Dib u habaynta uu ka qaybqaato fitamiin K waa mid aan dib loo celin karin waxuuna soo saaraa ‘amino acid‘ cusub oo loo yaqaan ‚gamma-carboxyglutamic acid‘. Amino acid-kan waxa uu awood u leeyahay in uu qabto kalsiyuumyada ion-ka sida Tweezeers. Isku darka borotiinka iyo kalsiyumku wuxuu u oggolaanayaa inuu yeesho hawlo gaar ah, oo ay ku jiraan ku-xidhka bannaanka xuubabka unugyada ama qaar ka mid ah soo-qabayaasha unugyada, taas oo ku xidhan xoojinta Kalsiyum (calcium).

Gabow la dirirka fitamiin K ku tiirsan

Fiitamiiin K

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kuweenna ka shaqeeya aaggan waxay inala ahayd wax lala yaabo markii sannadihii 1990-meeyadii, la qeexay borotiinka cusub ee fitamiin K-ku-tiirsanaan, oo aad u la mid ah borotiinnada xinjirowga, oo awood u leh inuu dhaqaajiyo firka unugyada ee la xiriira kuwa hormoonnada koritaankeenna.

Barootiinkan GAS6, iyo lammaanihiisa habaynta xinjirowga ee borotiinka S, waxay awoodaan inay ka caawiyaan unugyada difaaca hagaajinta unugyada dhaawacmay.

Waxyeello soo gaadha unugyada ka kooban xubnaheenna, urursan sannadaha nolosha, waa qayb ka mid ah geeddi-socodka gabowga. Sidaa darteed, nidaamyada dayactirka sida kuwa ay matalaan borotiinnada-ku-tiirsanaanta fitamiin K-ku waxay kordhiyaan muhiimadda da'da.

Si loo ilaaliyo caafimaadka gabowga, dhowr saynisyahan ayaa soo jeediyay kordhinta qaadashada fitamiin K ee dadlka waayeelka ah. Tani waxay ka hortagi kartaa xuubeysiga xididada, hagaajinta caafimaadka lafaha waxayna xoojin kartaa hababka dayactirka unugyada.

Dhab ahaantii, fitamiin K la’aantu aad ayay ugu yar tahay bini'aadamka waxayna inta badan ku dhacdaa dhallaanka hadda dhashay, maadaama fitamiin K uu si dhib leh uga gudbo xannibaadda mandheerta.

Sababtan awgeed, xilliga dhalashada, yaraanta waxaa lagu dabooli karaa iyadoo la siinayo ilmaha qiyaas fiican oo fitamiin K ah si looga hortago dhiig-baxa suurtogalka ah, taas oo qudheedu naadir ah, laakiin leh cawaaqib xun. In ka badan kontan sano ka hor ayaa sidan lagu sameyn jiray caruurta Yurub.