Cilmi-baaris: Faa'iidada ay leedahay go'aan qaadhasha la'aantu

Nin taagan laba waddo dhexdood

Xigashada Sawirka, Getty Images

Go’aan qaadasha la’aantu waxay u muuqan karta dabeecad aan cidna door bidin. Balse cilmi baaris ayaa muujinaysa in dhab ahaantii ay horseeddo in qofku qaado talaabada saxda ah.

Intiinna daawatay musalsalka TV-ga ee ‘The Good Place’ qofka jilaya doorka Chidi Anagonye ayaa ku qeexan mid aan xitaa gaari karin go’aannada ugu yar – sida doorashada waxa uu cuni lahaa, iyo in uu jaceyl u bandhigto mataantiisa uu aadka u jecelyahay. Sameynta Go’aan ama dookhashada lafteeda ayaa ba calool xanuun ku ridda. Waxay kaga dhagtay ”falaynqeynta curyaamisay” oo aan dhamaad lahayn isagoo waqti badan ku bixinaya siduu dhinac walba uga eegi lahaa xaajada markaas hortaal.

”Ma maqashay shanqadha ay sameyso fargeedadA qashinku marka qashinka lagu xaaqayo? Sidaas oo kale ayaa maskaxdeyda ka yeedha mar walba” ayuu ku yiri hal xalqad oo ka mid ah taxanahaas. Ka sokow inay isaga farxadda kala tagtay arrintani waxaa dheer, in dadka ka ag dhow xitaa ay aad u dhibsadaan.

Haddi qofkani xoogaa u egyahay adiga oo la yar buun buuniyey, kaligaa ma tihid. Go’aan qaadasho la’aantu waa dabeecad iska caadi ah dad badanna kula qabaan. Halka dadka qaar ay isla markiiba gunaanadaan xaalad walba, kuwa kale ayey ku adag tahay in ay muddo kooban ku miisaamaan doorashooyinka miiska u saaran - waxaanaba laga yaabaa inay ka dhowrsadaan inay go’aanba ka gaaraan arrinkaas gebi ahaanba.

Sida Chindi-ba ka muuqata go’aan gaaris la’aanta waxaa lala xiriiriyaa dhibaatooyinka sida cabsida aan sababta alahayn, hase yeeshee daraasad dhawaan soo baxaday ayaa soo jeedinaysa in ay sidoo kale noqon karto wax wanaagsan - waxay inaga ilaalinaysaa qaladaadka caqliyeed ee aadka loo sameeyo sida waxa loo yaqaan eexda hubinta oo ah in qofku kalsooni ku qabo go’aankiisa xitaa hadii aanu sax ahayn, saas darteed qofka qaba go’aan qaadasho la’aanta marka uu go’aan gaaro badanaa gunaanadkiisu waa uu ka xikmad badan yahay kan ku degdega in go’aan laga gaaro wax walba si tallaabo deg deg ah loo qaado. Balse sirtu waxay tahay in aad barato marka la dib dhigpo go’aan qaadashada iyo marka la jabiyo waxa kaa hor taagan inaad soo gabagabeyso qiimeynta.

Cadowga wanaagga

Dhaqaatiirta cilmu-nafsigu waxay adeegsadaan noocya kala duwan oo ay ku tijaabiyaan go’aan qaadasho yarida. Mid ka mid ah weydiimaha ugu caansan ee lagu baaro dadka noocan ah ayaa ah, midka loo yaqaan miisaanka Go’aan la’aanta (Frost Indecisiveness Scale) kaas oo dadka la weydiinayo in ay qiimeeyaan odhaahyo, iyaga oo ku qiimeynaya 1 oo ka dhigan (aadbaan ugasoo hor jeedaa) iyo 5 oo ka dhigan (aadbaan ugu raacsanahay). Waxaa ka mid ah hadalladaas sida:

  • Waxaan isku dayaa inaan dib dhigo go’aan qaadashada mar walba
  • Way igu adag tahay inaan qorsheeyo waqtigeyga aan fasaxa ahay
  • Mar walba waxaan ka baqaa inaan doorto waxa aan sax ahayn
  • Waxay u muuqataa in go’aan ka gaarista xitaa waxyaabaha aan muhiimka ahayn inay waqti badan iga qaadato.

Isticmaalka miisaankan, khubarada cilmi-nafsigu waxay muujiyeen in go'aan la'aantu ay inta badan ka dhalato jaceylka qummanaanta/saxnaanta. Waxay ka baqaan ceebta ama qoomamada ka iman karta samaynta doorasho/go’aan khaldan - sidaas darteed waxay joojiyaan go'aannada ilaa ay hubiyaan inay samaynayaan wax sax ah. (Xaaladaha qaarkoodna, dabcan, waligoodba ma gaaraan kalsoonida heerkaas ah.)

Niyad-jabka ay tani keenayso waxay caqabad ku noqon kartaa farxadda qofka; guud ahaan, hadii uu qofku buunda sare ka keeno miisaankan, waxay ka dhigan tahay inuu buundo hoose ka keeno doono miisaanka kale ee qiyaasta qanacsanaanta nolosha, sida lagasoo xigtay daraasad uu sameeyay Eric Rassin, oo ah borofisar cilmi-nafsiga ee Jaamacadda Erasmus, ee Nederland. Waxay u badan tahay inay taageeraan odhaahyada ay ka midka yihiin "xaaladaha nolosheyda waa kuwo aad u wanaagsan", tusaale ahaan, ama "haddii aan mar kale ku noolaan lahaa nolosheyda, waxba kama badaleen, ".

Ku boodista gunaanadka

Go'aan qaadasho la'aan badanaa wanaag looma maleeyo, balse waxaa jira faa'iido ku jirta inaad dib dhigto go'aan kaaga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Go'aan qaadasho la'aan badanaa wanaag looma maleeyo, balse waxaa jira faa'iido ku jirta inaad dib dhigto go'aan kaaga.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Natiijooyinkan, go'aan la'aantu waxay u ekaan doontaa sifo aan loo baahnayn. Hase ahaatee cilmi-baaristii ugu dambeysay, waxay soo jeedinaysaa in halganka lagu gaaro gabagabo degdeg ah – ee aan la jeclaysan - sidoo kale waxay yeelan kartaa wanaag, maadaama ay dadka ka ilaaliso qaar ka mid ah fikradaha eexda garashada ee muhiimka ah.

Caddaynta faa'iidooyinkan ayaa ka timid warqad dhowaan ay qortay Jana-Maria Hohnsbehn, cilmi-baare dhakhtar ah, iyo Iris Schneider, oo ah borofisar cilmi-nafsiga bulshada, oo ka tirsan TU Dresden (Technische Universität Dresden).

Halkii la isticmaali lahaa Miisaanka Go'aan la'aanta Frost, Hohnsbehn iyo Schneider waxay diiradda saareen cabbirka "dabacsanaanta dabeecadda", taas oo si gaar ah u eegaysa fikradaha iyo dareenka hoos yimaada qof xukunkiisa iyo go'aan-qaadasho (ama go’aan la'aantiisa). Tusaale ahaan, dadka waxaa laga codsanayaa inay qiimeeyaan odhaahyada sida:

  • Fikradahaygu badanaa waa kuwo iska hor imaanaya
  • Inta badan waxa aan dareemaa in aan laba arrin oo kala jeeda dhexda ugu jiro
  • Mararka qaarkood markaan ka fekero mawduuc, waxaan dareemaa sidii aniga oo jir ahaan kolba dhinac kasoo jeedsanaya

”Haddii aan ku sifowno odhaahyadan, waxay ka dhigan tahay in dabeecadda is dhex yacaa ay inagu sarreyso,” ayey tiri Hohnsbehn .

Sida aad filan karto, kuwa sifada ay ku sarreyso waxay ku qaadataa wakhti yar si ay go'aanno u gaadhaan. Laakiin Hohnsbehn iyo Schneider waxay ogaadeen inay sidoo kale aad ugu nugul yihiin eexda ku aaddan gunaanadka.

Tusaale ahaan, hal tijaabo, waxay ka-qaybgalayaasheeda ka codsatay inay akhriyaan dhacdooyin taxane ah, sida:

Waxaad la kulantay qof, oo waxaad jeclaan lahayd inaad ogaato in qofkani yahay qof bulshaawi ah iyo in kale. Waxaad u malaynaysaa in qofku uu yahay qof xirxiran. Labadan su'aalood midkee baad weydiin lahayd?

  • Ma waxaad jeceshay inaad xaafidda waqti badan ku qaadato kaligaa?
  • Ma jeceshay inaad aaddo xafaladaha/munaasabadaha?

Dad badan ayaa doorta su'aasha labaad, laakiin tani waa calaamad muujinaysa eexda xaqiijinta - waxaad kaliya raadineysaa macluumaadka ku raacsan malahaaga, halkii aad raadin lahayd caddayn muujinaysa inaad khaldan tahay. Hohnsbehn iyo asxaabteedu waxay ogaadeen in dadka qaba go’aan qaadashada sare ay u nugul yihiin sameynta sidan. Taa bedelkeeda, waxay doorteen inay su'aalo waydiiyaan malo-awaalkooda, si ay u hubiyaan inay hayaan macluumaadka ay u baahan yihiin si ay u helaan jawaabta saxda ah.

Ficil sameynta laga door bido sameyn la’aanta

Mararka qaar waxaa kugu adkaata, maxaad cunta ama maxaad karisaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mararka qaar waxaa kugu adkaata, maxaad cunta ama maxaad karisaa?

Cilmi-baarista Hohnsbehn waa inay noqotaa war wanaagsan haddii aad waligaa dareentay dulqaad la'aantaada ku aaddan inaad gaadho go'aan degdeg ah. "Waaya-aragnimada guud ee go'aan la'aanta ayaa u baahan in la aqbalo," ayay soo jeedisay. "Waxay na siin kartaa hakad lama huraan ah, taasoo na tusaysa in arrimuhu ay adag yihiin iyo inaan u baahanahay waqti dheeri ah si aan uga fikirno si taxadar leh go'aankeena."

Kaliya marka ay tani noqoto mid xad dhaaf ah ayaan dhibaatooyin kala kulmi karnaa. "Sida waxyaabo badan, waxaa jira dheelitirnaan u baahan in la hubiyo," ayey raacisay Hohnsbehn. Taasi waxay sharxi kartaa sababta dadka aan go'aansanin ay inta badan dhibcahahoose uga helaan ku qanacsanaanta nolosha - marka ay la kulmaan waxyaaba badan oo in lakala doortu u baahan ayey ka tan badisaa ga'aan qaadasha la'aantoodu.

Mid ka mid ah tillaabada fudud ayaa noqon karta in aad go'aankaaga kama dambaysta ah u dejiso waqti xaddidan si aadan waqti badan ugu bixin ka-faa'iidaysiga xulashooyinka kala duwan adiga oo aan dhab ahaantii helin fikrado cusub. Iyadoo ku xiran nooca dhibaatada aad la kulanto, Hohnsbehn waxay kuu soo jeedinaysaa inaad xitaa ka fikirto inaad u beddesho hawlo taxane ah - sida inaad laba saacadood u hurto raadinta macluumaad cusub, tusaale ahaan, ka hor inta aadan waqti go'an ku bixin ka-tashiga arrinka.

Haddii aad weli dareemayso hawlgabnimo, waxaa laga yaabaa inaad dhiirigelin ka hesho daraasad uu sameeyay Steven Levitt, oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Jaamacadda Chicago, kaas oo baadhay farxadda guud ee dadka ka dib markii ay sameeyeen isbeddello muhiim ah oo nololeed.

Levitt, oo ka mid ah qoraayaasha buuga 'Freakonomics', ayaa sameeyay shabakad ay dadku ku sifeeyaan dhibaatooyin kala duwan oo ay la kulmeen noloshooda - laga bilaabo nooca cilaanka ee ay saaran lahaayeen ilaa iyo u guurista guri cusub, ku noqoshada waxbarashada ama shaqada ay ka tageen. Ka-qaybgalayaasha ayaa markaa la waydiistay inay tuuraan shil qadaadiic ah, taas oo natiijadeedu ay u sheegayso in ay isbeddel samaynayaan iyo in kale.

Dabagalka ka qaybgalayaasha bilaha soo socda, Levitt waxa uu ogaaday in dad badan ay ku dhiiradeen; haddii shilinku uu sheego inay tallaabo qaadaan, waxay u badan tahay inay isbeddal ka sameeyaan noloshoodo. Waxayna sheegeen inay aad uga farxad badan yihiin sidii hore.

Waxaan qiyaasi karnaa, daraasadda ka hor, inta badan ka qaybgalayaashan waxay horeba si taxadar leh uga fikirayeen xaaladda meesha taal, laakiin welwelka ay ka qabaan doorasho khaldan ayaa ka hor istaagtay inay qaataan go'aan. Shilinka inaad tuurto oo aad bakhtiyaa nasiib 50% ah aad go'aan ku gaadho waxay ka wanaagsan tahay in aadan go'aanba gaarin ama aad cabsato xitaa markaad go'aanka gaadho ka dib.

Qasadka daraasaddu, haddaba, maaha in aan go'aannada oo dhan ku qaadanno shilin la duuray. Waa in jabinta labalayntaada iyo shakigaagu ay kaala tagi doonto farxad ka badan inta aad malaynayso.

Sida Chidi oo aan kor kusoo xusnay, waxaan miisaami karnaa dhammaan faa'iidooyinka iyo khasaaraha xaalad kasta - iyo u fiirsashadaas ayaa naga caawin doona inaan sameynno doorashooyin xikmad leh. Mar haddii fekerkaas mad-madowga ahi uu ka soo baxo ujeeddadii laga lahaa, si kastaba ha ahaatee, waa inaad barataa oo aaad aamintaa in go'aan kasta uu inta badan ka fiican yahay inaadan wax doorasho ahba samayn.