Toban talo oo ku socota dadka da'doodu u dhexeyso 30 ilaa 40 jir

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qofka marka uu gaaro da'da 30, waxaa sii kordhaya culeyska iyo mas'uuliyadda saaran qofka, tusaale ahaan waxaa sare u kacaya tartamada loogu jiro ganacsiga, shaqooyinka iyo soo dhacsashada nolol maalmeedka, qofka waa in uu diiradda saaraa noloshiisa iyo tan qoyska, inta badan waxaa dhacdaa in dadka qaar aysan muhiimad gaar ah siin caafimaadkooda.
Khuburrada waxay sheegayaan in dadka da'dooda u dhexeyso 30 ilaa 40 waa inay daryeelaan jirkooda isla markaana ay ka fakaraan caafimaadkooda.
Waxaa muhiim ah in la raaco talooyinkan si looga dhabbeeyo oraahda ah "Ka hortagga wuxuu wanaagsan yahay daweynta", qofka marka uu fiiro gaar ah u yeesho jirkiisa wuxuu iska ilaalin karaa cudurrada ka dhasha gabowga iyo qaab nololeedka khaldan.
Baahida loo qabo baaritaanka caafimaad xilliga qof uu ku jiro da'da 30-ka
Sida ay khubarradu sheegeen, cudurrada ka dhasha hab-nololeedka sida wadne-xanuunka, macaanka, dhiig karka, cayilka daran iyo kansarka ayaa laga cabsi qabaa inay soo ifbaxaan qofka marka uu ku jiro da'da 30-ka. Sababo la xiriira isbeddelka ku yimid nolosha gaar ahaan cunista iyo cabbitaanka, jirka oo la dayaco, cudurradan ayaa markaas halis ah inay qofka ku dhacaan.
Dr. Samveda Samel oo ah dhakhtar qaabilsan cudurrada guud oo ku nool dalka Hindiya ayaa yiri, "Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in diiradda la saaro ka hortagga cudurrada halkii lagu deg degi lahaa daweyntooda, baaritaan sax ah wuxuu ka hortaggi karaa cudurrada, Taas awgeed, baaritaan caafimaad waa in la sameeyaa."
Hadda ka hor, wadne-xanuunka wuxuu ku dhici jiray dadka 50 sano jirka ah. Laakiin hadda waa mid saameeya dadka 30 ilaa 40 jirka ah.
Dr. Sanveda wuxuu u kala qaybiyay baaritaanka saddex nooc oo kala ah bukaan-socod, baaritaan gaar ah iyo baaris dhiig.
Baaritaan dhanka dhiig karka
Kadib marka qofka uu isbitaal aado, waxaa marka hore qofka laga baaraa dhiig karka. cabbiirka 120-80 ayaa lagu tiriyaa mid caadi ah. Cadaadiska dhiigga oo sarreeya waa calaamad muujinaysa halista cudurrada wadnaha. Sidaa darteed, cadaadiska dhiigga waa in si joogto loo eegaa.
Khubarradu waxay yiraahdeen, qof walba waa inuu guriga ku haystaa qalabka lagu eego heerka dhiigga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qofka waa in uu iska baaro dhiigga
Sida laga soo xigtay dhakhtarka waxaa muhiim ah in qofka uu maro baaritaanka dhiigga ee nooca la yiraahdo CBC, waana baaritaan fudud oo qofka u horseedaya in uu ku ogaado xaaladdiisa caafimaad gaar ahaan xogta la xiriirta tirada unugyada ku jirta dhiigga.
Baaritaankan waxaa lagu ogaan karaa dhiig-yarida, caabuqyada kale, iyo noocyada kansarka qaarkood.
Khuburrada waxay dadka kula talinayaan in ugu yaraan hal mar sanadkii ay maraan baaritaanka noocan ah.
Baaritaan dhanka heerka sokorta ee dhiigga
Waa baaritaanka heerka sokorta, baaritaankan wuxuu qaataa 12 saacadood.
Heerka sokorta dhiigga ee ka hooseeya cabbirka 99 ayaa loo arkaa mid caadi ah oo ay ka dhigan tahay in qofka xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.
Baritaan dhanka heerka Kolestaroolka ee jirka
Waa baaritaan muhiim ah oo uu qofka xaaladdiisa caafimaad kula soconayo.
Wuxuu qofka kula socon, sidee ayuu shaqeeya wadnaha? waxaa la eegaa heerka serum triglycerides iyo kolestaroolka ee jirkeena.
Maadada Kolestaroolka HDL waa mid u fiican jirka, markaa waa in xaddigeeda uu ka badan yahay cabbirka 60.
Sida ay sheegayaan khuburrada dadka qaba cudurrada macaanka waa in sanadka kasta ay la socdaan heerka Kolestaroolka ee jirkooda halka dadka caadiga ay tahay in labadii sana hal mar ay xaaladdooda la socdaan.
Baaritaan lagu sameynayo wadnaha
Waxaa baaritaankan lagula socdaa dhaqdhaqaaqa wadnaha , waxay dhakhaatiirta kula taliyaan dadka inay maraan baaritaanka nooca loo yaqaanno ECG.
Baaritaanka ECG wuxuu muujinayaa in wadnaha uu si wanaagsan u shaqeynayo ama in kale

Xigashada Sawirka, Getty Images
Baaritaan dhanka beerka ah
Waxaa baaritaanka lagu ogaada shaqada beerka, tusaale ahaan, shaqada beer hoosu ma u dhacday? waana macluumaad muhiim ah oo lagu ogaado baaritaankan.
Waxaana sidoo kale lagu ogaadaa baaritaanka noocyada cudurka cagaarshowga, B iyo C iyo heerka dufanta ee beerka.
Qofka waa in uu la socdaa miisanka jirka
Cayilka wuxuu saameeyaa caafimaadka qofka, waa mid ka dhasha hab-nololeedka khaldan ee qofka.
Cayilku wuxuu keeni karaa wadne xanuun, sokorow, kansar iyo cuduro kale.
Waxaana sidoo kale baaritaankan lagu ogaadaa heerka baruurta ku jirta jirka ee lagu eego BMI-ga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Baaritaanka kaadida
Maalmahan dadka biyo badan ma cabbaan, isticmaalka musqulaha dadweynaha mararka qaar waxay dadka ka qaadi karaan caabuqda ku dhaca kaadi mareenka.
Baaritaankan dhanka kaadida wuxuu eegayaa heerarka borotiinka, sokorta iyo dhiigga kaadida.
Dadka caadaystay sigaarka waxay halis ugu jiraan kansarka ku dhaca kaadi-heysta. waana baaritaan muhiim ah oo qofka xaaladdiisa caafimaad kula socon karo.
Baaritaanka kelyaha
Kelyuhu waxay qabtaan shaqada jirka gaar ahaan soo saarista wasakhda.
Laakin kelyaha oo shaqadooda gaba waxaa sabab u ah dhowr arrimood, baaritaanka loo yaqaanno Serum creatinine waxaa lagu eegaa shaqada kelyaha.
Baaritaanka ku saabsan cudurrada ku dhaca qumanka
Dad badan oo jira da'da 30-ka iyo 40-ka waxaa laga helay cudurrada ku dhaca qumanka, Tani waxay u horseedi kartaa in qofka uu si deg deg ah u dhimo miisaankiisa ama in uu cayilo.
Baaritaan dhanka dhiigga ah ayaa la adeegsan karaa si loo hubiyo in Thyroid-ka ku jiro qiyaasta saxda ah ee loogu talagalay jirka.
Dhakhaatiirta waxay sheegeen in baaritaankan la sameeyo sannadkii hal mar.
Waxaa sidoo kale muhiim in dumarka ay sameeyaan baaritaan ay kula soconayan xaaladdooda caafimaad sida baaritaanka lagula soconaya ilmo-galeenka, kansarka ku dhaca naasaha iyo baaritaanada kale ee la xiriira caado wareerka ku dhaca dumarka.














