Afar dhibaato oo soo wajahda qofka lugaha is dul saarta marka uu fadhiyo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si raaxo leh ma u fadhiisataa? waa in aad la socotaa dhaqdhaqaaqa lugahaaga, hadda ma tahay qof lugaha is korsaato marka aad fadhido?
Boqolkiiba 62 dadka lugaha ayay is dul saartaan halka boqolkiiba 26 iyo 12 ay siyaabo ka duwan kan ay fadhiistaan.
Su'aasha la is weydin kara ayaa ah, saameyn noocee ah ayay arrintan ku yeelan kartaa caafimaadka qofka.
Darasaado horudhac ah waxay muujinayaan in qofka lugaha is dul saarto ay dhibaato dhanka miskaha ku timaaddo waxaa kala dheeran karaa lugaha qofka marka uu socdo.
Haddaba in qofka marka uu fadhiyo lugaha uu is dul saarto waxaa ku dhacaa ilaa afar dhibaato.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu saameyn ku yeeshaa qulqulka dhiigga
Qaabka fadhiga noocan ah wuxuu samaeyn ku yeeshaa qulqulka dhiigga ee jirka, wuxuu hoos u dhigaa qulqulka taasoo kordhin karta halista xinjirowga dhiigga.
Cadaadiska dhiigga oo sare u kacay
Run ahaantii, in qaabkan loo fadhiisto waxay keeni kartaa kororka cadaadiska dhiigga qofka sababtoo ah dhiigga wuxuu isugu uruuraa xiddidada, waxay arrintaas horseedaa in wadnaha uu u shaqeyn waayo sidii la rabay, marka uu qofka fadhiyo si isugu dheelitirmo qulqulka dhiiggaa waa in qofka uu lugahiisa dhigtaa dhulka.
Dhibaato dhanka laf-dhabarta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intaa waxaa sii dheer in fadhigan noocan uu saameyn ku yeesho qaab dhismeedka jirka, wuxuu isdaba mariyaan laf-dhabarta iyo lafaha garbaha qofka.
Qofka lugaha is dul saarta halista kale ee uu la kulmi karo waxaa kamid ah in isdaba mar uu ku yimaado madaxa maadama ay wax ka khaldameen lafaha qoorta, laf-dhabarta , waxay dhibaato ku imaaneysa isku dheelitirnaata jirka sidoo kale waxaa meesha ka baxaya in qofka si wanaagsan uu u socdo.
Fadhigan noocan ah wuxuu saameyn karaa qoorta, sababtoo ah dhinac ka mid ah jirka ayaa ka daciifsan kan kale.
Isku dheeli tirnaan la'aanta ayaa inta badan lagu arkaa murqaha miskaha iyo dhabarka hoose taas oo ay sabab u tahay habacsanaanta, iyo cadaadiska ka dhashay in la is dul saarto lugaha.
In qofka muddo dheer lugaha is dul saarto waxaa ka dhashaa xanuunno ku yimaado laf-dhabarta iyo jirka kale.
Fadhigan noocan ah wuxuu sidoo kale keenaa xannuun joogto ah oo la yiraahdo 'trochanteric pain syndrome' kaasoo ku dhaca simaha iyo bowdada.
Fadhigan noocan ah wuxuu saameeyaa tayada shahwada.
Waxaa jira cadaymo muujinaya in lugaha oo la is dul saarto marka la fadhiyo ay saameyn ku yeelan karto wax soo saarka shahwada qof. Tani waxay sare u qaaddaa heerkulka xininyaha ragga oo ay ku kordhiso ilaa 3.5°C oo la rabo in heerkulka uu ahaado 2°C ilaa 6°C.
Cilmibaarista waxay soo jeedinaysaa in kororka heerkulka xiniinyaha ay badanaa hoos u dhigto xaddiga shahwada iyo tayadaba.
Waa iska caadi in dumarka ay lugaha is dul saartaan marka ay fadhiistaan maadama ka misko weyn yihiin ragga.
Si kastaba , Daraasad la sameeyay 2016-kii, waxay muujineysaa in fadhigan noocan uu caawiyo dadka naafada ah ee leh hal lug , wuxuu ka caawiyaa isku dheelitirnaanta miskaha iyo jirka kale, wuxuu sidoo kale yareeyaa dhaqdhaqaaqa murqaha jirka qaarkii.













