Qareeen dhagool ah oo taariikh ka dhigtay dood maxkamadeed iyo wixii ay u sheegtay BBC da

Xigashada Sawirka, Getty Images
Toddobaadkii hore, Sarah Sunny ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qareenkii ugu horreeyay ee dhagool ah oo ka doodda maxkamadda sare ee dalka Hindiya.
27-jirkan ayaa markii ugu horreysay ka soo hor muuqatay madaxa cadaaladda DY Chandrachud bishii Sebtembar ka dib markii maxkamaddu ay u ogolaatay turjumaan luqadda dhegoolaha inuu ka caawiyo dooda.
Lixdii Oktoobar, maxkamaddu waxay sidoo kale magacawday turjumaan gaar ah Sarah Sunny, oo ah tii ugu horreysay taariikhda maxkamadda, si "ay u fahamto waxa socda" inta ay socoto dacwaddu.
"Runtii, waxaan ku filaynaa in xilliyada dhageysiga dasturka aan yeelan doono turjumaan si qof walba uu ula socdo dacwadda," ayuu yiri garsoore Chandrachud.
Kormeerayaasha ayaa sheegaya in joogitaanka Sarah Sunny ee maxkamada sare ay gacan ka geysan doonto in nidaamka sharciga Hindiya uu noqdo mid loo siman yahay oo la jaan qaada baahiyaha bulshada dhagoolayaasha.
Qareen sare Menaka Guruswamy ayaa ku tilmaamay dhacdo "runtii taariikhi ah oo muhiim ah".

Xigashada Sawirka, SARAH SUNNY
Sanchita Ain, oo ah qareenka ay Sarah Sunny la shaqeyso, ayaa BBC u sheegtay in shaqada Sarah ay yeelan doonto saameyn wanaagsan oo mustaqbalka fog ah. "Waxay jebisay fikrado badan oo la aaminsan yahay, tani waxay dhiirigelin doontaa arday badan oo dhegoolo ah inay bartaan sharciga iyo inay nidaamka sharciga ka dhigaan kuwa ay heli karaan dhegoolayaashu," ayay tidhi.
Sarah oo degan koonfurta magaalada Bengaluru (oo hore loo yiqiin Bangalore), waxa ay ku shaqaynaysay sharciga muddo laba sano ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxkamadaha hoose ee magaaladu, umaysan ogolayn Sarah inay isticmaasho turjumaan sababtoo ah xaakinnadu waxay u maleeyeen inaysan turjumaanadu lahayn aqoonta sharci ee looga baahan yahay si ay u fahmaan erey bixinta sharciga ah. Markaa waxay ku soo gudbin jirtay dooddeeda qoraal.
Saurav Roychowdhury, oo u turjuntay Sarah Sarah markii ugu horeysay ee ay ka soo hormuuqato maxkamada sare, ma aysan baran sharciga laakiin waxay khibrad u leedahay u tarjumaada qareenada iyo ardayda sharciga. Waxa kale oo uu hore uga soo muuqatay laba kiis oo ka dhacayey maxkamadda sare ee Delhi ee qareennada dhegoolayaasha.
Laakiin ma jiro tarjumaan luqadda dhegoolaha ee Hindi oo loo tabobaray ereybixinta sharciga ah hadda - sidaas darteed qof kasta oo wax tarjuma, waxay u noqon doontaa shaqo socota
Sarah Sunny ayaa BBC-da u sheegtay in ay aad ugu hanweyntahay heerka ay soo gaartay. "Waxaan doonayay inaan tuso kuwa aan maqli karin haddiiba aan anigu awooday inay iyaguna sidoo kale samayn karaan."
Sarah Sunny waxay ku dhalatay Bengaluru. Walaasheeda mataanta la ah Maria Sunny iyo walaalkeed Pratik Kuruvilla sidoo kale waa dhegoolayaal. Mr Kuruvilla waa Injineer dhanka Software-ka ah oo ku sugan dalka Mareykanka, waxa uuna hadda wax ka dhigaa Iskuulka dhagoolayaasha ee Texas, halka Maria ay tahay xisaabiye.

Xigashada Sawirka, SARAH SUNNY
Waalidiintoodu ma aysan rabin in carruurtoodu ay wax ka bartaan dugsiyada gaarka ah ee carruurta dhagoolaha ah. Helitaanka meel diyaar u ah inay wada qaadato saddexda walaalaha ah ayaa ku adkeyd, laakiin ugu dambeyntii waxay heleen meel ku habboon iyaga.
Fasalka dhexdiisa, ayey Sarah Sunny ku baratay akhrinta dibnaha iyo caawinta saaxiibadeed. "Waxaa kaloo jiray kuwo kale oo igu majaajilooday balse mar walba waan la murmi jiray," ayay tiri.
Sarah waxay waxbarashada sharciga u aaday kuliyadda St. Joseph ee Bengaluru. Hooyadeed, oo caawinaysay inta ay iskuulka ku jirto, ma sameyn karin sidaas oo kale koorsada sharciga. Laakiin Ms Sunny waxay sheegtay inay taageero ka heshay saaxiibkeed iyo walaalaheed.
Waxay sheegtay inay u mahadcelinayso waalidkeed sida ay ula dhaqmeen dhammaan saddexda carruur ah si isku mid ah oo "noo geeyeen dugsi caadi ah sababtoo ah waxay aaminsan yihiin sinnaanta".
"Taasi waa waxa i siiyay kalsoonida aan kaga rumeeyay riyadayda."
Khubarada ayaa sheegay in dadka dhagoolayaasha ah ee dalka ku nool aysan inta badan awoodin in ay dhistaan xirfada dhanka sharciga ah, sababo la xiriira ceebeynta iyo turjubaan la’aanta maxkamadaha.
17-kii Abriil, Maxkamadda Sare ee Delhi waxay dejisay tusaale markii ay u ogolaatay qareenka dhagoolaha Saudamini Pethe inuu ka soo muuqdo kiis. Si la mid ah Sarah Sunny, iyaduna waxay keensatay turjumaan.
Bishii Sebtembar, maxkamadda sare ayaa sheegtay inay bilaabayso magacaabista turjubaano u gaar ah ka dib markii qareen kale oo dhegoolo ah uu codsaday laba khabiir oo ku takhasusay luqadaha dhegoolaha - mid qareennadu leeyihiin iyo kan kale oo garsoorayaasha ah.

Xigashada Sawirka, SARAH SUNNY
Maxkamaddu waxay sidoo kale Ururka Turjubaanada Luqadda Dhagoolaha ee Hindiya (ASLI) ka codsatay inay u dejiyaan hab-maamuusyada turjubaanka.
Tan waxaa loo sameeyay si loo fududeeyo qareennada iyo garsoorayaasha inay la socdaan dacwadda, Renuka Rameshan, oo ah madaxweynaha ASLI, ayaa u sheegay BBC.
Ain waxay sheegtay in khubaradu ay sidoo kale raadinayaan inay abuuraan sharci ku qoran luqadda dhegoolaha ee Hindiya taasoo caawin doonta qareennada dhegaha la' iyo dacwadaha.
Roychowdhury, oo ah turjumaan midaarka, ayaa sheegay in go'aanka maxkamadda uu sidoo kale ka dhigan yahay in "dhagoolayaashu ay ogaan doonaan inay sidoo kale xaq u leeyihiin sharciga".
"Sida ku cad tirakoobkii 2011-kii, waxaa Hindiya ku noolaa 18m dhagoolayaal ama dad maqalku ku adag yahay. Way wanaagsan tahay in la iftiimiyo luqadda dhegoolaha si loo hubiyo in dadka dhegoollada ah ay helaan xuquuqdooda," ayuu yiri Roychowdhury.
Waxa uu intaa ku daray in dalabka turjubaano badan oo maxkamadaha ay u furi doonto fursado shaqo. "Waxaa jira ku dhawaad 400 ilaa 500 oo turjubaano shahaado haysta [dalka] laakiin run ahaantii kaliya 40 ilaa 50 ayaa ah kuwo xirfad leh, aqoon leh oo qaban kara shaqo wanaagsan," Roychowdhury ayaa yiri.













