Maxay Gambia u noqotay waddanka dacwadda xasuuqa muslimiinta ka gudbiyay Myanmar?

Xigashada Sawirka, Reuters
Haweeneyda hoggaamisa waddanka Myanmar, oo horayna ugu guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobel-ka, Aung San Suu Kyi, ayaa si adag u dafirtay eedeymo loo jeediyay dalkeeda oo ku saabsan inuu sameeyay xasuuq ka dhan ah qowmiyadda muslimiinta Rohingya, ee looga tirada badan yahay waddankaas.
Waxay ku doodday inaysan jirin caddeymo loo hayo in howlgalka uu milatariga Burma wado ay ujeeddadiisu tahay xasuuq.
Aung San Suu Kyi ayaa ka jawaabeysay kiis uu waddanka Gambia gudbiyay oo ay dhageysaneyso maxkamadda Qaramada Midoobay hoostagta ee caddaaladda adduunka.
Garsooreyaasha maxkamaddan uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa dacwadda furay maalintii Talaadada ahayd.
"Maanta, jamhuuriyadda Gambia waxay idinka codsaneysaa inaad dhageysataan oohinta dadka la xasuuqayo iyo dhawaaqooda ay caawinaadda ku dalbanayaan", sidaas waxaa yiri Aboubacarr Tambadou, oo dooddiisa maxkamadda ku furay erayadan qalbiga taabanaya.
Kiiska ku saabsan xasuuqa ee ka dhanka ah dowladda Myanmar ayaa taageero ka heysta ururka ay ku mideysan yihiin 57-da waddan ee muslimiinta ah(OIC) iyo waliba koox qareenno caalami ah, laakiin waa wasiirka caddaaladda ee dalka Gambia qofka qaaday tallaabada ugu weyn.
"Maxaa u diidaya Gambia?"
Kumannaan qof oo kasoo jeeday qowmiyadda muslimiinta ah ee Rohingya ayaa la dilay in ka badan 700,000 ayaana ku barakacday howlgallo ay sanadkii 2017-kii billaabeen milatariga waddankaas ay ku badanyihiin dadka heysta diinta Budiistaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tallaabada ay qaadeen milatariga Myanmar iyo dowladda ay horkaceyso Aung San Suu Kyi ayaa si weyn looga cambaareeyay caalamka oo dhan. Dadka qaar xitaa waxay soo jeediyeen in guddiga abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ay haweeneydaas ka celiyaan billadda horay loo siiyay.
Hase yeeshee, waddanka yar ee ku yaalla galbeedka Qaaradda Afrika ee Gambia, oo masaafe ahaan dhaca meel in ka badan 11,000 oo kiiloomitir u jirta Myanmar, ayaa hoggaanka u qabtay tallaabo sharci ah oo laga qaadayo waddankaas.
"Maxaa u diiday Gambia? Maxaan mas'uuliyaddaas ugu dhaafeynaa cid kale?", ayuu yiri Aboubacarr Tambadou.
"Sharciga caalamiga ah looguma talagalin waddamada qaniga ah iyo kuwa awoodda badan oo kaliya, waxaa loo sameeyay dhammaan dalalka dowladaha leh. Uma baahnid inaad cudud milatari leedahay ama dhaqaalahaagu uu sarreeyo marka aad caddaaladda u istaageysid", ayuu ku yiri wareysi uu siiyay BBC-da.
Guuldarro labaad
Qareenkan isu baddalay siyaasiga ayaa aad loogu yaqaannaa dadaalka uu u sameyn jiray inuu dacwado kusoo oogo dambiileyaashii ku lugta lahaa xasuuqii ka dhacay waddanka Rwanda.

Xigashada Sawirka, EPs
"Dowladda Gambia waxay codkeeda rajada leh u adeegsaneysaa inay cambaareyso xasuuqa ay Myanmar u geysatay shacabkeeda. Waxay ila tahay in beesha caalamka looga baahanyahay sidaasoo kale. Adduunku wuxuu ku guul darreystay inuu hor istaago xasuuqii Rwanda ka dhacay sanadkii 1994-kii. Haddana waxaan mar kale ku guul darreysaneynaa inaad hor istaagno xasuuqa dadka qowmiyadda Rohingya", ayuu yiri Tambadou.
Waa markii ugu horreysay ee waddan aan si toos ah ugu lug lahayn eedeymaha dambiyada uu kiis hor geeyo maxkamadda ICJ, isagoo adeegsanaya xubinnimadiisa golaha ka hortagga xasuuqa ee Qaramada Midoobay.
Tambadou ayaa booqasho ku tagay waddanka Bangladesh bishii May ee sanadkii 2018-kii wuxuuna booqday xero ay ku jiraan dadka qowmiyadda Rohingya, arrintaas ayaana ku dhiirrigalisay inuu u dagaallamo qaxootigaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Soo galooti sharcidarro ah"
Myanmar, oo ah waddan ay ku badan yihiin dadka heysta diinta Budiistaha ayaa qowmiyadda Rohingya u arka inay yihiin dad kasoo jeeda Bangladesh oo si sharci darro ah ku galay waddankooda.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowladihii soo maray Myanmar tan iyo sanadkii 1962-kii ay dadka kasoo jeeda qowmiyadda Rohingya ka hor istaagayeen xuquuqdooda siyaasadeed iyo tan rayidkaba, oo ay ka mid tahay in loo diido sharciga dhalashada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qodobbadan dhinaca nidaamka ah ayaa fure u ahaa dacwadda ay Gambia u gudbisay maxkamadda ICJ.
Myanmar waxay xirxirneyd muddo tobannaan sano ah oo ay maamulayeen milatariga. Awoodda sida sharciga ah la isugu wareejiyo ayaa billaabatay wixii ka dambeeyay doorashadii dhacday sanadkii 2015-kii.










