Sawirrada qowmiyadda Rohingya ee Myanmar

Two-year-old Hazera, confused and scared, holds on to her mother after reaching Bangladesh from Myanmar

Milatariga dalka Myanmar ayaa si arxan darro ah in kabadan nus malyuun qof oo ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya uga qixiyay gobolka ku yaalla woqooyiga dalkaasi ee Rakhine.

Golaha xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in la gubay guryaha iyo tuulooyinka dadka qowmiyaddani isla markaana la burburiyay dalaggii ku yaallay beerahooda iyo sidoo kale xoolihii ay dhaqanayeen si aysan mar dambe halkaa ugu soo laaban.

Dadka Rohingya ee u qaxay dalka deriska ah ee Bangladesh ayaa sheegaya in hawlgalka ciidamada uu ku lug leeyahay dilka dadka rayidka ahi, jirdil iyo kufsi ka dhan ah carruurta.

Milatariga ayaa beeniyay in uu gumaad geystay, waxa uuna ku adkeysanayaa in bartilmaameedkiisu ahaa maleeshiyaadka Rohingya.

Safiirka Bangladesh u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in in kabadan 600,000 oo qof ay ka tallaabeen xudduudda Bangladesh tan iyo dhammaadkii bishii Agosto, kuwaasi oo ku biiray 300,000 oo qof oo horey uga soo qaxay rabshadaha ka jira Myanmar.

Dadkan soo qaxaya ayaa wajahaya gaajo iyo harraad badan. Intooda badan ayaa ah dad walwalsan oo qaar waxa ayba wataan carruur.

Sawir qaade ka tirsan BBC-da oo lagu magacaabo Salmaan Saciid ayaa sawirradan ka qaaday meel u dhow xeryo xaqooti oo ku yaalla dalka Bangladesh.

Pictured: These refugees walked for over a week without food

Qoysaskan Rohingyaha ahi ayaa lugeynayay muddo ka badan hal usbuuc, iyaga oo aan wadan cunno balse ugu dambeyn waxay soo gaareen dalka Bangladesh kaddib markii ay gaboodfalo kala kulmeen ciidamada Myanmar ee gudaha gobolka Rakhine.

Intooda badan waxay sitaan alaabtooda oo qoorta u suran.

Thirteen-year-old Mobin walked for 12 days to escape the atrocities

Mobin oo 13 sano jir ah ayaa 12 maalmood soo lugeynayay si uu u soo gaaro halkan.

Khubarada Qaramada Midoobey ayaa rumeysan in ay suurtagal tahay in ciidamada dalka Myanmar ay miinooyin ku aasees xudduudda dalkaasi uu la wadaago Bangladesh, arrintaa oo halis ku ah dadka doonaya in ay xudduudda ka soo tallaabaan.

The tired, mud-coated legs of a fleeing Rohingya person

Qofkan ayaa soo dhooba jiiray si uu u soo gaaro xero qaxooti oo ku taalla dalka Bangladesh.

Kooxaha caalamiga ah ayaa sheegaya inta badan dadka Rohingya ay soo lugeeyeen ilaa saddex usbuuc ka hor inta aysan soo gaarin xeryo qaxooti oo ay maamusho dowladda Bangladesh. Xitaa carruurta ayaa ka mid ah kuwa lugahooda miciinka biday.

A group of Rohingya men and young boys

Dadka Rohingya ayaa adeegsanaya gaadiid noocya badan si ay ugaaraan halka au u socdaan oo ay uga badbaadaan dhibaatada ka jirta gobolka Rakhine. Qaarkood ayaa wabiga u dhaxeeya labada dal soo dabaashay. halka qaar kale ay dhinteen iyaga oo isku dayaya in ay ku soo gudbaan doomo macmal ah oo aad loo soo raray.

After leaving everything else in Myanmar, Rohingya Abu Tabel arrives in Bangladesh with the last of his belongings

Ninkan oo lagu magacaabo Abu Tabel, ayaa dalka Bangladesh la yimid haraaga alaabtiisa oo uu qaarkood jawaanno ku soo qaatay.

Digaagga qafiska ku jira ee hoos ka muuqda ayaa ah hantida kaliya ee uu la soo baxsaday.

This caged chicken was Abu Tabel's sole companion

Dadkan ayaa waxa ay dhibaato badan ku wajahayaan xeryaha ay deggan yihiin. Roobab lixaad leh oo halkan ka da'ay ayaa sababay dhibaatooyin hor leh, waxaana qaarkood ay halis ugu jiraan cudurada faafa.

Resources are stretched at the refugee camps in Bangladesh, where thousands have arrived on foot or by boat
Makeshift tents and tarpaulins provide a fragile shelter for the newcomers
A young Rohingya boy carries branches to construct a makeshift shanty

16-kii Oktoobar ayaa hay'adda laanqeyrta Cas waxa ay furtay cusbital ay yaallaan lixdan sariirood, gaar ahaanna magaalada Cox's Bazar.

Cusbitalku wuxuu leeyahay ilaa saddex qeybood oo jiif ah, goob qalliinka lagu sameeyo, qeybta dhalmada iyo qayb looga tala galay dadka qaba xannuunada dhanka maskaxda oo ka dhashay dhibaatada ay soo mareen.

An injured Rohingya boy lifts his T-shirt to reveal a large bandage across his stomach
A Rohingya family sit in a field for a much-needed meal

Dadkan ayaa sawirka laga qaaday iyaga oo nasanayo isla markaana cunno cunaya.

Rasida, who is nine months pregnant, waits with her family as they look for a space to set up their makeshift home
An exhausted Rohingya man whose eyes have witnessed deadly atrocities

17-kii Oktoobar ayaa Qaramada Midoobey waxa ay ka digtay xaaladda kumannaan qof oo ka tirsan qowmiyaddan ee wali ku go'doonsan xudduudda Bangladesh la wadaagto Myanmar. Waxayna ka codsatay dowladda Bangladesh in ay u gurmato dadka go'doonsan.

Two generations of a Rohingya refugee family walk with their belongings attached to long sticks across their shoulders
Rohingya children and adults wade through water carrying their possessions
A Rohingya man wading in waist-deep water carries sacks and pots over his head, looking directly at the camera