Waa maxay maaddada halista ah ee laga helay sharoobbada carruurta ee laga mamnuucay Kenya?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Boqollaal Kun oo carruur ah oo ku nool dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ay ku maqan tahay waxyeello ka soo gaartey sharoobbo lagula tacaalo qufaca oo dalka caan ka ah, ka dib markii halisteeda la ogaadey.
Guddiga la socoshada daawooyinka iyo walxaha sunta ah ee Kenya ayaa Khamiistii diginin ka soo saaray qaybinta, iibinta iyo isticmaalka sharoobada qufaca Benylin Pediatrics oo carruurta loo qoro, waxayse ka gaabiyeen in ay daawada dib ugu yeeraan.
Go’aanka Kenya ku hakisey daawadan ayaa yimid ka dib markii baaritaan uu sameeyey shaybaar ku yaal Nayjeeriya lagu ogaadey in sharoobada Benylin Pediatrics ay ku badan tahay maaddada diethylene glycol oo sida la sheegay sabab u ahayd geerida carruur ugu sumoobay dalalka Gambia, Uzbekistan and Kameroon.
Sida uu qoray Wargreyska Nation, Sharoobada Benylin Pediatricsee Kenya laga isticmaalo iyo midda laga mamnuucay dalka Nayjeeriya waxa soo wada saarta shirkadda Johnsons & Johnsons ee fadhigeedu yahay Koonfur Afrika. Waxaana loo isticmaalaa samboorka iyo jirdiidka ku dhaca carruurta ka weyn Lixda sano.
Dr Fred Siyoi oo ah Agaasimaha Guddiga Daawooyinka iyo Walxaha sunta ah, ayaa dadweynaha kula taliyey in ciddii haysata sharoobada ku suntan lambar 329304 ay si deg-deg ah u geeyaan xarunta caafimaad ee ugu dhow.
Wakaaladda Nayjeeriya u qaabilsan Maamulka Cuntada iyo Daawada (NAFDAC) ayaa Arbacadii shaacisay in baaritan algu sameeyey sharoobada Benylin Paediatric lagu helay kiimikada diethylene glycol heerkeedu sarreeyo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ku cad diiwaanka daawooyinka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Diethylene glycol asal ahaan waa kiimiko maandooriye sun ah, waxaana inta badan loo isticmaaaa dhanka warshadaha, gaar ahaan sameynta rinjiga, khadda iyo saliidda bareegga baabuurta.
Kiimikadan oo dhadhanka birta leh, waxaa laga qaadaa madax xanuun, wareer, kelyo xanuun, daal badan iyo jirka oo barara.

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxay tahay maaddadan laga helay sharoobbada?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laga soo bilaabo Oktoobar 2022, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa soo saaray lix digniino caafimaad oo caalami ah oo loogu talagalay dawooyinka aan dhakhtar qorin ee ay ku jiraan maadooyinka diethylene glycol (DEG/EG).
Alaabtii caafimaad ee ugu horeysay ee tayadoodu liidato ayaa laga helay Gambia iyada oo arrimo dheeraad ah ay ka jiraan gobollada Koonfur-Bari Aasiya, Yurub, Galbeedka Baasifigga iyo Bariga Mediterranean-ka.
Waxaa lagu qiyaasaa in ay ugu yaraan 300 oo caruur ah ugu dhimatay suntan dawooyinka lagu daro adduunka oo dhan.
Diethylene glycol (DEG) iyo ethylene glycol (EG) waa maaddooyinka sunta ah ee loo isticmaalo dareerayaasha warshadaha iyo walxaha barafka ka-hortagga ah kuwaas oo xitaa xaddigooda yar loo dhiman karo, gaar ahaan carruurta.
Chromatography gaas waa farsamo qiimeyn oo si weyn loo isticmaalo si loogu tijaabiyo alaabta dawooyinka DEG iyo EG ay ku jiraan. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah Sheybaarada Xakamaynta Tayada Qaranka ee wadamada durugsan iyo kuwa saboolka ahi ma helaan farsamada.
Shaybaadhyadan, hab laba heer ah ayaa la sameeyay kaas oo muunado la tuhunsan yahay marka hore laga eego u hoggaansanaan la'aanta iyadoo la isticmaalayo habka ‘chromatography khafiifka ah’ ee (TLC). Wasakhda laga shakiyo ayaa markaa lagu xaqiijiyaa chromatography-gaaska ee shaybaadhada iskaashanaya ama xarumaha gobolka.
Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO waxa uu ku talinayaa in laga dhaqan geliyo ugu yaraan habka TLC ee Shaybaadhka Xakamaynta Tayada dal walba (NQCL).
Baadhitaanka chromatography-ka khafiifka ah ayaa u sahlaysa NQCL-yar in ay si wax ku ool ah ula socdaan dawooyinka dalalkooda oo ay si dhakhso ah u aqoonsadaan alaabta wasakhaysan ee khatarta sare ku ah bukaanka.
“Isticmaalka caddayntan, sharciyeynta iyo mas'uuliyiinta fulinta sharciga waxay awood u yeelan doonaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan daawooyinka la tuhunsan yahay in ay tayadoodu liidato iyo kuwa la been abuuray” Who ayaa sidaa leh.
Habkan labada heer ah ayaa lagu dari doonaa daabacaadda soo socota ee joornaalka dawooyinka ee Pharmacopoeia.













