Ciidanka dumarka kaliya ah ee doonaya in ay gudaha u galaan Iran

Haweenka

Xigashada Sawirka, Valentina Sinis

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

BBC-du waxay booqatay koox ka mid ah dagaalyahannada Kurdiyaanka ah — waa cutub ka kooban dumar oo keliya.

Waxay qaadatay dhowr maalmood oo wadahadal iyo oggolaansho ah si loo galo godadka dhaadheer iyo marinnada dhulka hoostiisa mara ee u adeegaya saldhigga dagaalyahannada Kurdiyaanka ee ka soo jeeda Iiraan, kuwaas oo ku sugan waqooyiga Ciraaq.

Waxay maamulaan shabakad isgaarsiineed oo qarsoodi ah, waxaana aad looga yaqaannaa yar tahay gobolka Kurdistan ee ismaamula.

Iyadu waxay ahayd sawir-qaadaha keliya ee dumar ah ee loo oggolaaday inay gasho aaggaas, waxayna la qaadatay Kurdiyaanka toban maalmood.

Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, dhowr kooxood oo fallaago Kurdiyaan ah oo ka yimid Iiraan ayaa u guuray buuraha ku yaalla xadka u dhexeeya Ciraaq.

Waxay ka dhuumanayaan sirdoonka Iiraan, kooxo Shiico ah oo ku sugan Ciraaq, iyo ciidamada Turkiga.

Dhawaan, kooxo waaweyn oo Kurdiyiin Iiraani ah oo ku sugan waqooyiga Ciraaq ayaa sameeyay isbahaysi, waxaana jiray warar sheegaya in Madaxweynihii Maraykanka Donald Trump uu si toos ah ula xiriiray hoggaamiyeyaashooda oo uu ka codsaday inay ku biiraan dagaalka.

Wareysi telefoon ah oo uu siiyay Reuters 5-tii Maarso, Trump wuxuu sheegay inuu taageeri doono weerarrada Kurdiyiintu ku qaadaan Iiraan, isagoo yiri:

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaan u maleynayaa inay aad u wanaagsan tahay haddii ay rabaan inay sidaas sameeyaan."

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Maraykanka ayaa Sabtidii u sheegay weriyeyaasha inuusan rabin dagaalyahannada Kurdiyaanka inay ku dagaallamaan dhulka Iiraan.

"Ma doonayno inaan dagaalka ka dhigno mid ka sii adag sidii uu hore u ahaa," ayuu yiri.

Iyadoo duqeymaha Maraykanka iyo Israa'iil ay sii socdeen, Iiraan waxay weerarro ku qaadday dhowr kooxood oo Kurdi ah, oo ay ku jirto weerar gantaal oo masaafo dheer ah oo lagu dilay hal dagaalyahan.

Mid ka mid ah kooxaha ugu caansan waa Free Life Party of Kurdistan (PJAK), taas oo sheegtay inay sanado badan isu diyaarinaysay inay ku laabato Iiraan.

"Waxaan u dagaallamayaa qoyskayga iyo dadka Kurdiyaanka ah ee muddo dheer la dulmiyay," ayay tiri Aryen oo 21 jir ah.

Iyadu waa xubin ka tirsan cutubka Ciidanka Difaaca Haweenka ee PJAK.

Aryen waxay sheegtay in iyada oo Kurdi ah ay la kulantay caddaalad darro iyo takoor gudaha Iran, taasoo ku qasabtay inay hub qaadato. Waxay ku biirtay PJAK laba sano ka hor.

Gudaha saldhigyo ciidan oo qarsoodi ah

Koox ka tirsan dagaalyahanada PJAK ayaa ku sugan buur dusheeda ah oo ku taal gobolka Kurdistan, waqooyiga Ciraaq, una dhow xadka Iran.

Xigashada Sawirka, Valentina Sinis

Godadka iyo marinnada dhulka hoostiisa mara waa meel ammaan ah oo lagu kaydiyo cunto, lacag, iyo kayd hub.

Free Life Party of Kurdistan (PJAK) ma shaaciso tirada dagaalyahannadeeda, laakiin qiyaastii 60 dagaalyahan — badankoodna dumar — ayaa ku jiray tababar xeradan ka hor inta uusan bilaaban dagaalka u dhexeeya United States, Israel, iyo Iran.

Dagaalyahannadu waxay maraan tababaro milatari, tababar fikradeed, waxayna ku celceliyaan xirfado kala duwan sida toogashada iyo farsamooyinka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxay sidoo kale mareen baaritaanno caafimaad, iyagoo isu diyaarinaya in loo diro xadka, maadaama xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ay sii kordhayso.

"Dagaalkan si weyn ayaa loo filayay," ayay Gelawej Ewrin oo 40 jir ah u sheegtay BBC.

Markii uu jirtay 20 sano, Ewrin waxay ka tagay waxbarashadii juqraafiyadda ee magaalada Urmia ee dalka Iran waxayna ku biirtay PJAK iyadoo ah askari lugta . Kadibna waxay noqtay afhayeen.

Iyada oo ka hadlaysay mid ka mid ah godadka qarsoon, Ewrin waxay sheegaty inay nus nolosheeda ku qaadatay buurahan, isla markaana uusan qoyskeeda arag tan iyo markii ay ka soo tagtay.

Waxay sidoo kale sheegtay in xitaa haddii Ali Khamenei uu ku dhintay weerarrada hadda socda, haddana mudaaharaadyo waaweyn oo ay hormuud u ahaayeen haween oo ka dhacay Iiraan tan iyo 2022 ay hore u wiiqeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Waxay ka hadlaysaa kacdoonkii ka dhashay geeridii Mahsa Amini, oo ahayd haweeney Kurdi ah oo 22 jir ah oo ay qabteen booliska Iiraan sababtoo ah aysan raacin sharciga ku saabsan xirashada xijaabka.

Dagaalyahannada PJAK oo daawanaya kanaalada wararka

Xigashada Sawirka, Valentina Sinis

Waddada kali ah ee u furan

Iiraan waxay si adag uga jawaabtay mudaaharaadyada — kuwaas oo isu beddelay dhaqdhaqaaq loo yaqaan "Women, Life, Freedom" — iyadoo qaaday cadaadis iyo xakamayn adag. Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinkaas adag ayaa ku dhiirrigeliyay qaar ka mid ah haweenka inay ku biiraan PJAK.

Ka hor inta aysan ku biirin PJAK, Bigen oo 18 jir ah waxay ka qayb qaadatay mudaaharaadyo waaweyn, waxayna diiday inay xijaab ku xirato dugsiga.

"Haweenku ma haystaan doorashooyin badan," ayay tiri Bigen iyadoo timaha u tidcaysa saaxiibteed oo dagaalyahan ah.

"Ama waa inaan u dulqaadannaa rabshadaha qoyska iyo xannibaadaha bulshada, ama waa inaan nafteena ku difaacnaa kacdoon."

Kooxaha fallaagada Kurdiyaanka ah waxaa marar badan lagu eedeeyaa inay askar ka dhigtaan carruur, Bigen-na weli waxay ahayd ardayad dugsi oo ku sugan Iran markii ay ku biirtay kooxda fallaagada saddex sano ka hor. Dagaalyahanno badan oo halkaas jooga ayaa sheegay in iska-caabbinta hubeysan ay tahay xalka keliya.

"Dagaalkaygu waa inaan hubiyo mustaqbal madax-bannaan oo jiilka xiga ee Kurdiyaanka ah," ayay tiri Delal, oo ah dhakhtar ilkaha oo noqotay dagaalyahan markii ay jirtay 23 sano.

"Dadka Kurdiyaanka ah... labadii boqol ee sano ee la soo dhaafay waxaa lagula kacay cadaadis iyo rabshad," ayay sii raacisay.

Kooxda PJAK waxaa la aasaasay 2004, waxayna xiriir la leedahay Kurdistan Workers' Party (PKK) — oo ah koox gooni-u-goosad ah oo ka jirta Turkiga, taas oo hubka dhigtay sannadkii hore kadib afartan sano oo dagaal ah oo ay la gashay dowladda Turkiga.

PJAK waxay sheegtay inay ixtiraamayso go'aankaas, laakiin Kurdiyaanka Iiraan ay sii wadi doonaan iska-caabbintooda milatari ee ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Labada dal ee Turkey iyo Iran waxay u aqoonsadeen kooxdaan urur argagixiso.

Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay inay la socoto dhaqdhaqaaqyada "kooxda argagixisada PJAK", iyadoo ku eedeysay inay kicinayso gooni-u-goosad qowmiyadeed oo ay halis gelinayso nabadda iyo xasilloonida gobolka.