Muxuu yahay qorshaha ay Jabuuti hayso ee ay ku dhexdhexaadin karto Soomaaliya iyo Itoobiya

Maxamuud Cali Yuusuf - Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti

Xigashada Sawirka, Social

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yusuuf ayaa sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta Soomaaliya Iyo Itoobiya taasi oo ku aadan arrimaha badda.

Wasiirka oo la hadlayay wargeyska Al-sharqul Awsat ayaa waxa uu shaki galiyay suurgalnnimada in wadahadalada uu gar wadeenka ka yahay Turkiga ay guuleystaan.

“Runtii, mawqifyada labada waddan ee ku aaddan fikradda ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed waa mid aad uga fog midba midka kale,” isaga oo intaa ku daray in “xalku ku jiro mid ka mid ah labada dal oo ka tanaasula mowqifkiisa arrimahan” ayuu yiri.

Wasiirka waxaa uu shaaca ka qaaday in dalkiisu “uu soo jeediyay dhexdhexaadin qarsoodi ah oo lagu xalinayo khilaafka”, balse wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo, isagoo yiri: “daaha kama qaadayo si qorshahan uusan u guuldareysan ”.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli maalin ka hor magaalada Ankara ee dalka Turkiga lagu soo xiray kulan laba maalmood halkaa ka socday oo la doonayey in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wadahadalladan ayaa ahaa kuwo laga soo hormariyey wakhtigooda, maadaama Turkigu u arkay in hadda la joogo meel wanaagsan oo aysan khasab ahayn in la sugo ilaa bisha Siteembar. Arrintan ayaa timid ka dib markii uu wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan uu gobolka booqasho ku yimid, sidoo kalena madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Turkiga iyo Itobiya

Xigashada Sawirka, X

Muxuu noqon karaa doorka Jabuuti?

Waxaa 1-dii Janaayo magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis is afgarad ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska dekedda ku tilmaantay mid laga xumaado oo aan la qabali karin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Feysal Rooble oo Falanqeeya arrimaha geeska Afrika ayaa sheegay in aysan kala caddeyn waxa uu doorka Jabuuti nooqon karo xilligan.

Mr Rooble ayaa qaba in loo baahan yahay in Jabuuti ay faahfaahin ka bixiso qaabka ay dooneyso in arrinta ay garwadeen uga nooqto.

"Runtii door la qiyaasi karo ama la mala awaali karo hadda ma aha, shirkii labaad intii ka horeysay waxaad moodaa in culays iyo kalsooni badan la saarayay xagga Turkiga maadaama uu Soomaaliya uu xariir fiican la leeyahay, Itoobiya-na xiriir fiican la leeyahay awoodna uu u leeyahay sida la is lahaa hadaladiisa way meel marayaan, mar haddii sida uu sheegay taasi laga reja gooyay waxa Jabuuti ku soo kordhin karto in uu noo sheego mooyee way adag tahay in hadda la mala awaalo" ayuu yiri Feysal Rooble.

Feysal Rooble ayaa dhanka kale farta ku fiiqay in marka si guud loo eego ay adag tahay in arintan xal loo helo maadaama Soomaaliya ay ku adkeysanayso in madaxbanaanideeda iyo dhulkooda la dhowro.

"Soomaaliya meel ayay taagan tahay oo ay leedahay dhulkeyga, Baddeyda iyo berrigeyga anigaa madax ka ah aniga ayaana u talinaya, sidaan rabana waan uga xaajoonayaa, ciddii ii timaadda iyo nin leh ma lihid ee waan kula leeyahay cidda dhexdhexaadin karta haddii la helo waanba u duceyn lahayn," ayuu intaa ku daray.

Shirkii Jabuuti: sawir hore

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Maxamed Nuur Caalin oo falanqeeya arrimaha gobolka ayaa isna qaba in soo jeedinta xilligan ee Jabuuti ay tahay mid wax u dhimaysa dadaalada socda, ayna tahay soo jeedinteeda mid lala soo daahay.

"Wasiirka arrimaha dibadda ee jabuuti hadalka uu sheegay horta way la soo daaheen khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu socdaa ilaa billowgii sanadkan haddana waa bishii 8aad, jabuuti waxay xiriir dheer oo dhanka dekadaha ah la leedahay Itoobiya, marka Jabuuti waxay u muuqataa in arrintan qalalaasaha ay qalalaase kale sii galinayso," ayuu yiri.

Waxaa u noqon karo doorka Jabuuti mar aan wax ka waydiinay Mr Caalin ayuu ku jawaabay"aniga ka falanqeeye ahaan waxaan aaminsanahay dhinacna in Jabuuti uga banaaneyn arrintan".

Maxamed Nuur Caalin ayaa sidoo kale sheegay in la is waydiin karo su'aal ah maxay Jabuuti intaa isugu dayi wayday xalka arrintan haddii ay dhexdhexaadin karto.

"8 bilood Jabuuti maxay la aamusneyd? xiriir fiican ayay la lahayd dawladda federaalka Soomaaliya, xiriir fiican ayay la lahayd somaliland xiriir fiican ayay la lahayd Itoobiya marka Jabuuti 8 bilood xagee ku maqneyd," ayuu yiri Mr Caain.

Feysal Rooble ayaa dhankiisa aaminsan in haddii ayba dhacdo in Jabuuti ay arrintan gasho ay dhexdhexaad ka noqon karto, balse marka hore loo baahan yahay in la ogaado danta ay xilligan Jabuuti ka leedahay baaqeeda dhexdhexaadinta.

"Waxaan u maleynayaa inay dhexdhexaad ka noqon karto inkastoo waxa la yiraahdo dhexdhexaad ay adag tahay oo dowladaha, mid kastana uu leeyahay dan gooni ah, laakiin waa in marka hore la baaraa oo la helaan danta Jabuuti arrintan ka leedahay sababtoo ah ma jiro dal laba dal dhexdhexaadinaya oo nadiif ah, oo aanu isaga waxba ka rabin way adag tahay marka wax unbaa jira" ayuu intaa ku daray.