Ruqiyo Bulle: Gabadha Soomaalida ah ee ku guuleysatay abaalmarinta sare ee BBC-dau bixiso

Ruqiyo Buulle oo ku guulaysatay abaalmarinta BBC-da Komla Dumor

Ruqiyo Bulle oo ah gabar Soomaali Kenya wariye ah ayaa ku guulaysatay abaalmarinta BBC-da ee la yiraahdo Komla Dumor Award, ee sanadka 2024-ta.

Gabadhan oo 26 sano jir ah una shaqaysa warbaahinta Nation Media Group, ayaa soo bandhigta sheekooyin xiiso leh ayaa noqotay qofkii sagaal oo ku guulaysta abaalmarintan.

Ruqiyo, ayaa sidoo kale saamayn weyn barta TikTok oo ay dad badan ku xiran yhiin ayna ku soo bandhigot mawaadiic la xiira nolosha saxafiga.

Abaalmarinta ayaa loogu magac daray oo loo hibeeyey Dumor, wariyihi iyo tabiyihii BBC-da ee reer Ghana kaas oo si kadis ah u geeriyooday sanadkii 2014-kii isagoo 41 sano jir ah.

Wuxuu shaqo adag galiyey inuu soo gudbiyo sheekooyin xiiso leh oo ku saabsab Afrika oo adduunka u soo bandhigo isagoo u tabiyey si kalsooni leh xeeldheer iyo dhanka ganacasi.

Garsoorayaasha waxay aad ula dhaceen adkaysiga iyo kartida ay u leedahay Ruqiyo maaraynta sheekooyina caqabado lahaa, iyadoo diiradda saaraysa inay matasho kuwa an codka lahayn sida awooda leh iyo tabinteeda heerka sare ah.

“Ku guuleysiga abaal-marintan waxay ii tahay macno weyn aniga. Suxufi ahaan, waxaad had iyo jeer ku dedaalaysaa inaad samayso waxa ugu fiican, iyadoon loo eegayn aqoonsigaaga, sidaa darteed in lagugu aqoonsado masraxa caalamiga ah ee Abaalmarinta Komla Dumor Award si cajiib ah ayay u ansaxaysaa,” ayey tiri Ruqiyo Buulle oo sannadkii hore ka soo muuqday liiska 100 ka qof ee ugu saamaynta badan Muslimiinta Kenya.

"Waxaan rajeynayaa in abaal-marintan ay dhiirigeliso gabdhaha da'da yar ee aniga oo kale ah, kuwaas oo xirta xijaabka kana soo jeeda beela laga tirada badan yahay, inay ku riyoodaan wax weyn oo ay gaaraan hadafkooda."intaas raacisay

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay intaa ku dartay iyadoo la hadlaysay BBC-da Ruqiyo inay toddobaadyo sugaysay helid jawaabtan farxada leh in loo sheego inay ku guulaysatay abaalmarintan.

Waxay intaa ku dartay inay jeclayd saxaafada ayna xooga saarto samaynta sheekooyinka ku saabasan in cod u noqoto dadka an la maqlin oo ay bannaanka u soo saarto.

Wariyahan Kenyanka aha ayaa waqti saddex bilood ah la shaqayn doonta qaybta wararka ee BBC-da sida Telefishinka, Raadyaha iyo Onlinke xarunta London.

Waxay sidoo kale heli doontaa tababar iyadoo la shaqayn doonta wariya

Waxa ay sidoo kale heli doontaa tababaro waxaa kale hagi doona wariyaasha sare sare BBC-da

Tarik Kafala, oo ah ku-simaha agaasimaha BBC World Service, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in abaalmarinta Komla Dumor ay kobcisay xirfadda suxufiyiin badan oo qaaradda ah.

“Dadkii hore ee abaal-marintan helay waxa ay wax weyn ku soo kordhiyeen saxaafadda adeegga bulshada sidaa darteed aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo dhawayno Ruqiya Bulle oo ku guulaysatay sannadkan,” ayuu yiri

Qorshayaasha kale waxaa ka mida in Ruqiyo, u safri doonto dal ku yaalla Qaarada si ay tabiso sheekooyin kuwaas oo loo baahin doono dhagaystayaasha BBC-da ee Caalamka.

Ruqiyo oo ku jirta shaqo maalmeedkeeda warrarka warbaahinta Nation Media Grpou

Xigashada Sawirka, Ruqiyo

Guulaystayaashii hore ee biladan horrey u helay waxaa ka mida wariyaasha kala ah Paa Kwesi Asare, Dingindaba Jonah Buyoya, Victoria Rubadiri, Solomon Serwanjja, Waihiga Mwaura, Amina Yuguda, Didi Akinyelure iyo Nancy Kacungira.

Abaalmarinta Komla Dumor

Komla Dumor

Abaalmarinta Komla Dumor waa abaal-marin saxaafadeed oo ay BBC-du billowday sannadkii 2015-kii iyadoo lagu sharfayo dhaxalka uu ka tagay saxafiga reer Ghana ee Komla Dumor oo u soo shaqeeyay BBC World News, ahaana daadihiyaha ugu weyn ee barnaamijkeeda Focus on Africa.

Komla, waxa uu si hagar la'aan ah uga shaqeeyay in uu dunida u soo bandhigo sheekooyin aad u xiiso badan oo ku saabsan Afrika.

Abaalmarintani loogu magac daray Komla Dumor, ayaa weriyeyaasha da’ yarta ah ee qaaradda Afrika siina fursad ay ku helaan xirfad muhiim ah, iyo waaya aragnimo muddo saddex bilood ah oo London ay BBC-du ku siin doono fursad tababar goobta shaqada ah.

Biladan waxaa helay wariyaal ku nool qaarada kuwaas oo sidoo kale BBC-da la sameeyeyey sheekooyin xiisa lahaa oo ay ka sameeyeen qaarada.