Sidee ayuu u saameeyay dhaqaalaha Israel dagaalka ay ku jirto?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii la soo dhaafay Israel waxay u dirtay kumanyaal askari Gaza iyo Koonfurta Lubnaan, waxay fulisay duqeyn. Malaayiin doolar ayaa ku baxday difaacada cirka si ay uga hortagaan gantaalada ku soo dhacaya.
Dowladda Israel waxay ku qiyaastay lacagta uga baxday dagaalka Xamaas iyo Xisbullah in ay ka badan tahay 60 bilyan oo doolar. Saameyn xun ayey ku yeelatay dhaqaalaheeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa dagaalkii ugu dheeraa uguna qarashka badnaa ay Israel gasho sidaasina waxaa golaha Knesset u sheegay wasiirka lacagta, Bezalel Smotrich, bishii Sebtember ee sanadkan.
Smotrich wuxuu intaas ku daray in qarasha ku baxaya howlgalada militeri uu u dhexeeya 54 ilaa 68 bilyan oo doolar.
Shaki kuma jiro in duqeytna Israel ee Lubnaan, duullaanka militeri ee koonfurta Lubnaan iyo sidoo kale gantaalada ay ku difaaceyso hawada sare ay sii kordhinayaan qarashka.
Dr. Amr El-Garhy oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan jaamacadda Sheffield Hallam ee UK waxaa uu sheegay kaddib markii uu kordhay dagaalka in qarashka uu gaarayo 93 bilyan oo dolar. Hadii dagaalka uu sii socdana ilaa 2025-ka in qarashka gaarayo lix meelood meel miisaaniyadda Israel ama GDP-ga dalka .
Xagee ka yimaadaa dhaqaalaha Israel uga baxo dagaalka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bangiga Israel waxa uu kordhiyay iibka deymaha ay dowladda soo saarto iyo sidoo kale in ay deyn u soo qaadato dagaalka. Bishii Maarso oo kaliya waxay soo ururisay 8 bilyan oo ay ka heshay waraaqaha bond-ka ee deymaha lagu qaato.
Xogta bangiga Israel waxay muujineysa in shisheeyaha aysan dooneyn in ay iibsadaan waraaqaha deynta ay dowladda soo saarto.
Sidoo kale waxay kordhisay dulsaarka ay deynta dowladda qaadato ka bixineyso si ay u soo jiidato shisheeyaha doonaya in ay iibsadaan.
“1.5 boqolkiiba ayey korortay qiimaha ku baxaya deynta ay dowladda qaadato” ayuu yiri Professor Manuel Trailenberg oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan jaamacadda Tel Aviv.
Saddex hay’adooda ee ugu weyn dunida ee qiimeeyaha deymaha sida Moody’s, Fitch ( (S&P) ayaa ku qiimeeyay wax hooseeya deymaha dowladda Israel.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Prof. Karnit Flug oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Machadka Dimuqraadiyadda Israel, horena u ahaa guddoomiyaha bangiga dhexe Israel ayaa sheegay in dowladda ay ku fakareyso in ay dhinto miisaaniyadda ilaa 9.9 bilyan oo doolar iyo sidoo kale in ay kor u qaado canshuuraha si loo yareeyo hoos u dhaca miisaaniyadda.
“Qaar ka mid ah tallaabooyinka la qorsheeyay waxaa ka hor’imaan doona ururada shaqalaha iyo xubno ka tirsan isbahaysiga dowladda” ayuu yiri Prof. Karnit Flug
Dhaqaaleyahana badan waxay kula taliyeen dowlada Israel in ay hadda daabacdo miisaaniyadda 2025-ka.
“Ma jiraan qorshooyin dhab ah oo mudnaan lagu siinayo dhimis kasta oo miisaaniyadeed si loo maalgeliyo qarashka dagaalka” ayuu yiri Prof. Esteban Clore oo ka tirsan jaamacadda Hebrew ee Jerusalem.
Waa maxay Saameynta uu dagaalka ku leeyahay dhaqaalaha Israel?
Si weyn ayuu u kobcayay dhaqaalaha Israel ilaa iyo 2023-kii balse degdeg ayuu u soo yaraaday markii uu dagaalka Gaza bilowday.
Bangiga Israel waxa uu filayay kobac dhaqaale sanadkan 2024-ka ilaa 0.5 boqolkiiba, waxa uu ka hooseeyay sadaashii hore taas oo aheyd in bangiga filayay kobac gaaraya 1.5 boqolkiiba.
Sanadkii la soo dhaafay shirkado badan oo Israel ah waxaa ku yaraaday shaqaalaha taas oo xadeysay wax soo-saarkooda .
Sababta ayaa lagu sheegay kaddib markii loo yeeray 360,000 oo ahaa ciidamada Keydka markii uu bilowday dagaalka Gaza. Ilaa markaa kaddib waxaa loo yeeray 15kun oo kale oo ka qeybgala dgaalka Lubnaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda waxay sidoo kale joojisay 220,000 oo Falastiiniyiin ah oo ka imaan jiray Gaza iyo daanta galbeeda kuwaas oo loo joojiyay arrimo ammaan.
Tani waxay saameyn weyn ku yeelatay qeybaha dhismaha oo ay ka shaqeyn jireen Falastiiniyiin lagu qiyaasay 80 kun oo hadda lagu badalay tobannaan kun oo ka soo jeeda dalalka Hindiya, Sri Lanka iyo Uzbekistan.
Prof. Flug waxaa uu sheegay kaddib markii uu gaabis galay dhaqaalaha Israel inta uu dagaaka socday hadana in ay suuragal tahay in si weyn u soo kabto dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale Prof. Flug waxaa uu qabaa in sababtu tahay dagaalka oo daba dheeraday taasna ay waxyeelo u geystay qeybo badan oo dadka ka mid ah.













